Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Wasiirka Warfaafinta oo kulan la qaatay saraakiil ka socotay Ururka Dalxiiska Caalamiga ah ee Qaramada Midoobay
    November 9, 2025
    Guddiga Horumarinta Adeegga Bulshada BFS oo kulan su’aalo–weydiin ah la yeeshay Wasiirka Caafimaadka
    November 9, 2025
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo xarigga ka jaray Warshad soo saarta Biraha Shubka
    November 8, 2025
    RW Ku-xigeenka “Maalgelinta cimiladu ma aha sadaqo, ee waa iskaashi loogu talagalay isbeddel iyo xalal-waara.”
    November 8, 2025
    Golaha Shacabka oo ansixiyay hindise sharciyeedka hannaanka lacag bixinta Qaranka
    November 8, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Turkiye oo soo dhoweysay qaadidda cunaqabateyntii saarneyd maamulka Suuriya
    November 7, 2025
    Shacabka Magaalada New York oo doortay duqii ugu horeeyay oo muslim ah
    November 5, 2025
    Xamaas oo heshay dammaanad-qaad iyo Israel oo ogolaatay xabbad joojinta Gaza
    October 10, 2025
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgaly furitaanka meertada 80-aad ee golaha guud ee Qaramada Midoobay
    September 23, 2025
    Illaa kun ruux oo ku dhintay dhul go’ ay sababeen roobab ka da’ay Sudan
    September 2, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Xuska Maalinta Caalamiga ah ee Caasimadaha (31-ka Oct)
    October 31, 2025
    Dib-u-kabasho iyo tubta horumarka
    October 21, 2025
    Tiigsigii wuu taabbo-galayaa
    October 20, 2025
    Xuska 14-ka Oktoobar ee Qaraxii Soobbe
    October 14, 2025
    Xuska 12-ka Oktoobar ee Maalinta Calanka Soomaaliya
    October 12, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
    Safaaradda Soomaaliya ee kenya oo Hamblayo u dirtay Kooxda Dekadaha oo guul usoo hooyay Dalkeena
    September 28, 2025
    Dekedaha oo muujisay awood, kadib markii ay guul ka gaartay Al-Zamala
    September 21, 2025
    Kooxda Dekedaha soomaaliya oo Nairobi kula ciyaaraysa Al Zamala Sports Club
    September 20, 2025
    Maareeyaha Dekadda Muqdisho oo Sagootin u Sameeyay Kooxda Dekedaha
    September 15, 2025
Reading: Khawaarijtu Waa Dad Sumeysan (maqaal)
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Maqaallada > Khawaarijtu Waa Dad Sumeysan (maqaal)
Maqaallada

Khawaarijtu Waa Dad Sumeysan (maqaal)

By Kulane
Last updated: January 7, 2023
4 Min Read
Share

Muqdisho(SONNA):-Tobanaan sano oo gumeysi iyo gumaad shacab ah kadib, dadki Soomaaliyeed way kaceen, waxayna isku dhaarsadeen geeri geesinimo leh, waxay iska diideen in ay goradda laaladiyaan oo gunnimo geeri ku sugaan, waxa ay garwaaqsadeen in qof walba oo Soomali ahi uu geeri ku xakumanyahay, kii dhuunta iyo kii dheeradaba. waxay gowsdanbeedka ku qabsadeen xaqa nafdaafaca  ee ay diinta suuban siisay.waxayna go’aansadeen in ay ilaashadaan daruuriyaadka shanta ah ee ay diinta islaamka ilaalisay . In ay ilaalsadaan diintooda la suurad xumeeyay,ilaashadaan naftooda sabab la’aanta lagumaadayo, ilaashadaan caqligoodan dhaqidda iyo marinhabaabinta lagu wado ilaashadaan sharafkoodan la duugay, ilaashadaan maalkooda lagu dilayo midka kale ee walaalkooda ah.

Waxaa hubka qaaday duqow iyo da’yarba, waxaana guntiga dhiisha isaga dhigay ganbooleeyda oo guubaabo iyo garab istaagba u tegay goobaha dagaalka. Waxaa dhiirradey oo ka dhiidhiyay dhiigga dadkooda ka qubanayo dhallinyaro, kuwaas oo safaf dhaadheer ugu jira kubiiridda Ciidanka Xogga Dalka, si ay dadkooda uga dhiciyaan dhiiglaawayaasha dhameeyay.. Sidoo kale, waxaa kacdoonkan codkooda ku biiriyay cullimo iyo cuqaal iyaga oo caddeeyay inuu xaq yahay dagaalka argagixisada lagula jiro.

Kacdoonkan la isaga fujinayo shlinta dhiigga dadka  jaqeysa waxaa hogaaminaya Madaxwaynaha dalka, oo geed kasta ka sheegay in argagixisada shabaab la iska dhiciyo  lana dagaalamo  dagaal dhankasta leh, waxa uuna cod adag ugu digay dadka Soomaliyeed ee cabsida ku bixiya lacagaha baadda  ah, isagoo yiri “ cudur daar aduunyo iyo mid aakhiraba ma leh  in aad Shabaab dhaqaalo siiso. In aad qariso  iyo in aad ka baqdaba. Sow lagama yaabo,  dadka lacagta dhiibayow  in dadka la laynayo ay ku jiraan walaalihiin, wiilashiinna, gabdhihiina iyo kuwa aad jeceshihiinba?!”

Dadka Soomaaliyeed iyo dowladdoodaba waxay isku dhaarsadeen geeri geesinimo leh, waxaana ku daateen dhiiigg qiima leh oo ay si naftii hurnimo ah u bixiyeen saraakiil sarsare, askar, cuqaal, da’yar iyo duqowba,kuwaas oo ka hor inta aysan dhimaman shabaab dhadhansiiyay qaraarka guuldarrada,isla markaana shacabka u  suuragaliyay in ay neefsadaan hawada xoriyadda,wuxuuna halgankoodu keenay in  lagu safro dhul aysan macaquul ahayn in horay loogu safro, iyadoo dhiigga shuhaddadu uu rajada ku soo celiyay shacab Soomaaliyeed oo hilow iyo hamuun u qabay dowladnimada, waxaa iyana rajadaas rumeeyay Madaxda dalka oo uu ugu horreeyo Madaxwaynaha, isagoo lug ku maray inta u dhaxeysa Muqdisho iyo Maxaas safarkaas oo cinwaankiisu ahaa safarka xoriyadda, dadka Maxaasna ay Madaxwaynaha ku soo dhaweeyeen dareen farxad iyo filasho leh, Dareen raynrayn iyo rejo leh.

Waxaa sidoo kale safar ku tagay Aadan yabaan Raiisulwasaare xamse, una  soo laab qaboojiyay bulshada Aadan yabaal oo ay daashadeen duruufaha ka dhashey tacadiyadii Shabaabka ee lahaa caafimmad darrada,  Waxbarasho la’aanta iyo maqnaanshaha adeegyadii aasaasiga ahaa

Raysal wasaaraha oo la hadlayay shacabka Aadan yabaal ayaa ku yiri “quluubtiinna ka saara cabsida Khawaarijta, quluubta ka saara caqiida xumadooda, Diinnta Islaamka ee saxda ah ayaa lagu dhaqi doonaa halkan e”  Dowladda iyo dadka Soomaaliyeed waxay Shabaab dhadhan siiyeen qaraarka guuldarada,  iyagoo laga laayay boqolaal dagaalamayaashooda ah, dhul aad u ballaarankna dib looga xoreeyay, iyada oo ay suuragashey in dadkaasi lala gaaro gargaar bini’aadanimo, dadkii ku noolaa deegaannada Khawaarijtu heysteen waxay garowsadeen in ay ku noolaayeen xabsi kor ka furan oo ay ugu jireen dhiig miirratada argagixisada ah.

Ugu danbeyntii  waxa ay dadka Soomaaliyeed garowsadeen in Shabaabku muuqa Soomaali ka yihiin, balse ay yihiin Soomaali sumaysan oo halis ku ah jiritaan ka Soomaalida kale.

Qalinka Fardows Daahir

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Wasiirka Warfaafinta oo kulan la qaatay saraakiil ka socotay Ururka Dalxiiska Caalamiga ah ee Qaramada Midoobay

Riyadh(SONNA);-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac, ayaa magaalada…

November 9, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

IMF oo dhameysay Dib-u-eegistii deyn-bixinta ee Soomaaliya (WARBIXIN)

Hey’adda Lacagta Adduunka ayaa soo saartay warbixin ku aadan deyn bixinta Soomaaliya, waxayna u qorneyd sidan:- -Guddiga Sare ee IMF…

GudahaMaqaallada
June 1, 2024

Maxaa laga baran karaa dagaalkii Ceel Cali Axmed? (WARBIXIN)

Ciidanka Qaranka oo kaashanayo Taliska AFRICOM ee Ciidamada Mareykanka, waxay si guul leh u fuliyeen howlgalo iyo duqeymo cirka ah…

GudahaMaqaallada
February 22, 2025

Musuq-maasuqu waa dilaaga Qaranka (WARBIXIN)

Muqdisho(SONNA)--Musuqmaasuq Af Ingiriis waxaa lagu yiraa corruption,  waa nidaamka oo maamul xun iyo been leh kooxda dowladda ama xukumaad ama…

MaqaalladaWararka
May 13, 2023

Khawaarijta oo shaqo joojin ku sameysay horjooge Macallin Eyman ( Warbixin)

Muqdisho.(SONNA):- Khawaarijta Al-shabaab ayaa shaqo joojin ku sameysay horjooge Macallin Eyman oo qaabilsanaa weerarada arxan-darada oo kooxdu ka geysato xudduuda…

Maqaallada
May 8, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023