Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Ciidamada XDS oo guulo waa weyn ka soo hooyay howlgalka “Seefta Qarsoon,”
    December 27, 2025
    Taliyaha Ciidanka Dhulka oo kormeeray deegaanno ka tirsan Shabeellaha Dhexe
    December 27, 2025
    Shacabka Muqdisho oo si geesinimo leh kaga falceliyay go’aanka gardarada ah ee Yahuudda
    December 27, 2025
    Madaxweynaha JFS oo wada-tashi diblomaasiyadeed la yeeshay amiirka dowladda Qatar
    December 27, 2025
    Wasiirka hawlaha guud ee XFS oo si adag uga hadlay go’aanka ay  Israa’iil ku sheegtay inay dowlad ahaan u aqoonsatay Somaliland
    December 27, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
    Qaramada Midoobay oo cambaareysay weerarkii Israel ee masjid ku yaalla Daanta Galbeed
    November 14, 2025
    Turkiye oo soo dhoweysay qaadidda cunaqabateyntii saarneyd maamulka Suuriya
    November 7, 2025
    Shacabka Magaalada New York oo doortay duqii ugu horeeyay oo muslim ah
    November 5, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Xuska Maalinta Ciidanka Boliiska ee 20-ka Disembar  
    December 20, 2025
    Warbixin: Muhiimadda Weyn ee Hannaanka Dawladnimo ee Hanaqaaday
    December 9, 2025
    Taariikh nololeedkii: AUN Marxuum Cali Hagarey ( Warbixin)
    December 7, 2025
    Macallinka waa barbaariyaha iyo hagaha Bulshada
    November 22, 2025
    Bixinta Kaararka Doorashada Golaha Deegaanka oo Ka Bilaabatay Muqdisho
    November 16, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Kaaliyaha xoghayaha waaxda maaliyadda Mareykanka oo Muqdisho soo gaaray
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Kaaliyaha xoghayaha waaxda maaliyadda Mareykanka oo Muqdisho soo gaaray
GudahaWararka

Kaaliyaha xoghayaha waaxda maaliyadda Mareykanka oo Muqdisho soo gaaray

By Dahir Aadan Cali
Last updated: July 27, 2023
6 Min Read
Share

Muqdisho.(SONNA):- Kaaliyaha xoghayaha waaxda maaliyadda Mareykanka Brian E. Nelson ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho, waana safarkiisii labaad ee uu ku yimaado qaaradda Afrika.

Mr. Brian E. Nelson, ayaa la kulmay dhiggiisa Soomaaliya iyo Kenya oo ay ka wada hadleen dhinacyada iskaashiga, iyadoo la ballaarinaayo iskaashiyadaasi si looga gudbo caqabadaha iyo in loo tilaabsado fursadaha jira.

Safarka kaaliye Brian E. Nelson, ayaa ku qotoma adkeynta xiriirka maaliyadeed ee Mareykanka la leeyahay qaaradda Afrika.

Shir jiraa’id oo uu qabtay ayuu ku faah faahiyay ujeedka safarkiisa Muqdisho iyo guud ahaan qaaradda Afrika.

Halkan hoose ka akhriso shirka jiraa’id:-

Dhuhur wanaagsan – aad baan ugu faraxsanahay in aan idinla joogno Muqdisho maanta dhammaantiin.

Wa safarkeyga labaad ee aan ku imaado qaaradda Afrika, waxaana la kulmey dhiggeyga Soomaaliya iyo Kenya si aan ooga wada hadalno dhinacyada iskaashiga, annagoo ballaarinayno iskaashiyadaasi si aan uga gudubno caqabadaha iyo in aan u tilaabsano fursadaha ina horyaalla.

Sida ay sheegtay Xoghaye Yellen intii ay ku guda jirtay socdaalkeedii qaaradda horraantii sanadkan, Afrika waxa ay qeyb weyn ka qaadan doontaa mustaqbalka dhaqaalaha adduunka. Safarka Xoghaye Yellen, iyo safarkaygii labaad ee qaarada, waxay muujinaysaa ka go’naansha Waaxda Maaliyadda ee Mareykanka in la sii qoto dheereeyo xiriirkeena maaliyadeed ee aan la leenahay qaaradda oo dhan.

Muhiimadda ugu weyn ee kulamadii aan ku qabtay Muqdisho iyo Nairobi ayaa ahaa mid aan kaga wada hadlaynay sidii aan u xoojin lahayn iskaashigeena ee ka hortagga maalgelinta argagixisada gobolka.

Si taas loo gaaro, galinka dambe ee maanta, xafiiskayaga ee Xakamaynta Hantida Dibadda (OFAC) ayaa magacaabi doonta shaqsi caan ah oo ah maalgeliyaha argagixisada, magacaabidtiisna waxay taageero u tahay dadaaladda Soomaaliya iyo Kenya ee lagu dhabar jibinaayo maalgelinta argagixisada. Maanta waxaan kala hadlay madaxda Soomaaliya sidii aan isaga kaashan lahayn sii kordhinta saameynta arrintan ee lagu beegsanayo argagixisada kudhaqan Soomaaliya.

Saamaynta ugu badan ee cunaqabataynta aan soo rogno waxaa la helaa markii aan la shaqeyno saaxiibadayada. Waxaan kala hadlay maamulada Soomaaliyeed ee heerka ugu sareeya in ay muhim tahay in aan goor hore xogta wadaagno iyo in la fududeeyo baaritaanada lana fuliyo tilaabooyinka ka dhanka ah maalgeliyayaasha iyo kuwa fududeeya falalka argagixisada.

Kulamadii aan la yeeshay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo kuwa kale, waxaan ka wada hadalnay saddex arrimood oo waaweyn. Kow: horumarka laga gaarayo dhisidda awoodda lagula dagaalamayo lacagaha la dhaqo iyo maalgelinta argagixisada. Midda labaad: horumarka lagu horumarinayo dib-u-habaynta muhiimka ah ee u oggolaanaysa Soomaaliya in ay dakhligeeda u isticmaasho horumarinta dhaqaalaheeda halkii ay ku bixin lahayd deymaha. Iyo seddexaad: istaraatiijiyad cusub oo ka timid waaxdeena oo ku saabsan wax ka qabashada khatarta dhaqaale, si aan u fududeyno howlaha xawaaladaha iyo gargaarka bini’aadantinimo ee jaaliyadaha qurba-joogta ah ee ku dhaqan Maraykanka. Hagaajinta kontaroolada Soomaaliya u leedahay la dagaalanka lacagaha la dhaqo, maalgelinta argagixisada, fidinta maalgelinta, iyo khataraha ka timaada kadhuumashada cunaqabataynta waxay kalsooni ku beereeysa waaxda bangiyada Maraykanka, taaso tuseysa in waaxda maaliyadda ee Soomaaliya la kormeero laguna nidaamiyo si waafaqsan heerarka caalamiga ah iyo kuwa gudaha.

Ugu dambayntii, dib-u-habayntan nidaamsan ayaa u sahleysa in maamulada iyo ganacsiyada gaarka loo leeyahay ay ka ilaaliyaan qaybta maaliyadda ee Soomaaliya xad-gudubyada maalgeliyayaasha argagixisada, kuwa musuqmaasuqa wada, iyo dembiilayaasha kale. Mas’uuliyiinta heerka ugu sareysa ayaa ka dhawaagiyay sida ay uga go’an tahay in mudnaanta la siiyo dhammaan dadaalada dowladda ee loo baahan yahay in lagu hormariyo isbedelladan

Laakiin safarkaygu kuma koobnayn kaliya ah shirarka dawladda. Waxaan la kulmey wakiilo ka socota qaybaha adeegyada bangiyada iyo xawaladaha Soomaaliya. Shirkadahan sida gaarka ah loo leeyahay ee safka hore ku jira waxay door muhiim ah ka ciyaaraan la dagaalanka lacagaha la dhaqo iyo maalgelinta argagixisada, ayaga oo la shaqaynaya maamulada maxalliga ah.

Waaxda Maaliyadda waxay si dhow ula shaqeysaa hay’adaha maaliyadeed si aan u wadaagno macluumaadka ku saabsan dhaqdhaqaaqyada sharci darrada ah iyo in la hirgeliyo xeerarka AML/CFT.

Kahor intaanan su’aalaha u dhaadhicin, aan sidoo kale wax ka dhaho saameynta dagaalka sharci darrada ah ee Ruushka ee Ukraine: dagaalku waxa uu weli dhaawacaya dalalka Afrika, Geeska Afrikana waxa soo food saartay cuno yari iyo macaluul baahsan. Waaxda Maaliyadda ayaa qaaday tillaabooyin aan horay loo arag si loo hubiyo in cunada iyo kala iibsiga ku saleysan gargaarka bini’aadanimada ay u socdaan si caqabad la’aan ah.

Tan iyo bilowgii hore, waxaan wax ka badilnay cunaqabataynta aan ku soo rognay Ruushka ee haga cunada, beeraha, iyo macaamilada bani’aadamnimada.

Tani waa kudbad gaaban oo ku saabsan nuxurka safarkeyga, iyo sidoo kale in aan si xoogino iskaashiga aan la leenahay qaaradda Afrika si loo dhiso xiriir dhaqaale, kana jawaabno caqabadaha adag ee gobolka, iyo aqoonsiga fursadaha aan uga faa’iidaysan karno firfircoonida ganacsi ee gobolkan iyo guud ahaan qaaradda. Waan ku faraxsanahay inaan su’aalihiin ka jawaabo.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Ciidamada XDS oo guulo waa weyn ka soo hooyay howlgalka “Seefta Qarsoon,”

Muqdisho,(SONNA):- Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed ayaa guulo muhiim ah ka gaaray howlgallada lagu ciribtirayo maleeshiyaadka Khawaarijta…

December 27, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Warbixin Kooban:-Aamusnaanta iyo Faa’iidooyinka ay Leedahay 

SONNA:-Dhawaqa  codadka kala duwaan  ee aan ka fogeyn ayaa ah kuwo sabab u noqda dulqaad yarida,iyadoo Aadanaha qaar ay jacayl…

GudahaMaqaalladaWararka
February 23, 2023

Lataliyaha Amniga Qaranka Madaxweynaha JFS oo soo xiray shirka maareynta hubka

Muqdisho (SONNA):- Lataliyaha Amniga Qaranka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Xuseen Macalin ayaa soo xiray shirka sannadlaha ah ee maareynta hubka iyo…

GudahaSiyaasaddaWararka
March 22, 2023

Madaxweyne Xasan Sheekh: Ciidanka ayaa kusii siqaya Galhareeri iyo Ceel-buur

Dhuusamareeb-(SONNA)-Madaxweynaha JFS mudane, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in labada degmo ee ka maqan Galmudug ay si kama dambays ah…

GudahaWararka
August 15, 2023

Saraakiil ka tirsan HSJ oo loo qabtay tababar la xiriira barista iyo hubinta Dukumentiyada

Muqdisho,(SONNA):- Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Mudane Mustafa Duxulow ayaa furay tababar ku saabsan baarista iyo hubinta dukumentiyada,…

GudahaWararka
September 21, 2025

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023