Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Kulan lagu dardargeliyo kala-guurka ay hoggaaminayso Soomaaliya iyo  UNTMIS oo Muqdisho lagu qabtay
    April 8, 2026
    Hoggaamiyaha KGM ee Koonfur Galbeed oo kormeer ku sameeyey xarunta maamulka Baydhabo
    April 8, 2026
    SoDMA oo Baydhabo ka wada bixinta deeq gargaar raashin ah oo la gaarsiinayo dadka danyarta ah
    April 8, 2026
    Markabka qodista shidaalka Turkiga ee Çağrı Bey oo soo gaaray biyaha Soomaaliya
    April 8, 2026
    Guddiga doorashooyinka oo shaaciyey liiska ururrada ka tartamaya Koonfur Galbeed
    April 7, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Soomaaliya oo diiwangalisay Markab ku howlgalaya Calanka Soomaaliya (WARBIXIN)
    April 5, 2026
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
Reading: Hoggaamiyaha KGM ee Koonfur Galbeed oo kormeer ku sameeyey xarunta maamulka Baydhabo
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Hoggaamiyaha KGM ee Koonfur Galbeed oo kormeer ku sameeyey xarunta maamulka Baydhabo
GudahaWararka

Hoggaamiyaha KGM ee Koonfur Galbeed oo kormeer ku sameeyey xarunta maamulka Baydhabo

By Mohamed Abdirahman Sheikh
Last updated: April 8, 2026
2 Min Read
Share
Hoggaamiyaha ku meel gaarka ah ee Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa kormeer shaqo ku tagay xarunta maamulka degmada magaalada Baydhabo ee gobolka Baay halkaasi oo uu kuso dhoweyey gudoomiyaha degmada baydhabo ahna duqa magaalada mudane cabdulaahi cali watiin.
Kormeerkan ayaa ujeedkiisu ahaa hubinta habsami u socodka howlaha maamulka degmada, dardargelinta adeegyada bulshada, iyo xoojinta wada shaqeynta ka dhaxeysa maamulka iyo shacabka deegaanka.
Intii uu kormeerka ku guda jiray, Hoggaamiyaha ayaa warbixinno faahfaahsan ka dhageystay masuuliyiinta degmada, kuwaas oo la wadaagay xaaladda guud ee maamulka, adeegyada bulshada, iyo caqabadaha jira. Sidoo kale, wuxuu indha-indheyn ku sameeyay xarumaha muhiimka ah ee degmada si uu u qiimeeyo heerka adeeg bixinta.
Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi ayaa ku bogaadiyay maamulka degmada dadaalka ay ku bixinayaan u adeegidda bulshada, isagoo ku dhiirrigeliyay inay sii xoojiyaan hufnaanta, isla xisaabtanka, iyo horumarinta adeegyada aas-aasiga ah.
Hoggaamiye Jabriil ayaa caddeeyay in Koonfur Galbeed ay ka go’an tahay horumarinta maamul wanaagga iyo kor u qaadidda adeegyada bulshada ee deegaanada hoos yimaada.
Kormeerka Hogaamiye Jabriil waxaa ku wehlinayey Wasiirka Arimaha Gudaha XFS, Wasiirka Arimaha Gudaha Koonfur Galbeed, Wasiirka Dastuurka, Taliyaasha Hay’addaha Amniga iyo Safiirka Dowlada Federaalka Soomaaliya ufadhiya Dalka Tanzania.
 
Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Kulan lagu dardargeliyo kala-guurka ay hoggaaminayso Soomaaliya iyo  UNTMIS oo Muqdisho lagu qabtay

Mogadishu - April 8, 2026: Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda…

April 8, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Wasiirka Warfaafinta XFS xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka cusub ee Guddoomiyaha Guddiga Sare ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya

Muqdisho(SONNA):-Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka cusub ee Guddoomiyaha Guddiga Sare…

GudahaWararka
August 13, 2025

Madaxweyne Lafta gareen oo saxiixay shrciga naafada Koonfur Galbeed

Baydhabo-(SONNA)-Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa saxiixay shrciga naafada Koonfur Galbeed oo ay diyaarisay Wasaarada Haweenka Dowladda…

GudahaWararka
February 4, 2025

Horjooge iyo xubno ka tirsana Khawaarijta oo isku soo dhiibay Ciidanka Qaranka

Muqdisho (SONNA) Horjooge Xasan Warsame Cabdiraxmaan (Jabal) iyo labo maleeshiyo ah oo la socota ayaa isku dhiibay Ciidamada deegaanka ee…

GudahaWararka
March 5, 2023

Madaxweyne Laftagareen oo sheegay in dhawaan billaaban doono wajiga labaad ee dagaalka Khawaarijta

Muqdisho(SONNA):-Madaxweynaha dowladda gobolleedka Koonfur Galbeed mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen oo ka qeybgalayay kulan wadatashi ah oo looga hadlayay dar-dargalinta…

GudahaWararka
October 8, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023