Dowladnimada Marka laga hadlaayo culuumta siyaasada waxaa lagu qeexaa in ay tahay hanaan maamuleed oo bulsho ay baahi u qabto oo kala haga danahooda bulshadeed mid dhaqaale iyo siyaasad iyo kuwo kaleb, waana hanaan qorsheeya go’aanka gaarida tartan loo maro cadaalad iyo go’aan wada jira xageeda hogaanka. Dowladnima ayaa noqoneysa mid caalami ah mid dal iyo mid deegaan.
Xukuumad ahaana waxaa loo qeybin karaa heer dhexe, gobol & mid hoose. Hey’adaha hogaamiyana waxaa loo kala saari karaa kuwo sharci dejin (parliament), fulin (Cabinet) & garsoor (Judiciary). Xukuumada waxay qeyb weyn ka tahay jilayaasha dowladnimada. Marka laga tago intaan oo idil iyo ciidamada noocyadiisa kala duwan oo xukuumada hoostaga waxa kale oo soo hoos imaanayaan bulsha weynta Rayidka ah.
Dowlada hoose ayaa ah jilaha ugu hooseeya oo si xor ah loo soo doorto ayaa wax badan oo adeeg ah u qabato bulshada waxaana ka mid ah bixinta dhulka, canshuuraha guryaha iyo ganacsiga iyo adeegyo amni iyo caafimaadba. Maamul dowladeedku ayaa lagu dhex fulin karaa ama soo hoos geli kara dal, ganacsi, balse hanaanka maamuleed ee lagu howlgalo, go’aanadana lagu fuliyo loo dejiyo sidoo kalana lagu hergeliyo ayaa la yiraahdaa hanaan dowladeed (governance).
Ereyga asal ahaan iyo siyaasad ahaan waxaa curiyay Plato oo ahaa aabahii siyaasada reer galbeedka oo Gariik u dhashay. Ujeedada ugu weyn ee dowladi u taagan tahay ayaa ah in ay hubiso, ka shaqeeyso sidoo kalana keento in bulshada ay u taliso ee dowlada u tahay ay nolol wanaagsan u keento kana ilaalido nolosha xun ee dhibka badan.
Haddaba siyaabo badan ayaa loo micneeyaa maamulka ama hanaan dowladeedka Bangiga aduunka wuxuu ku macneeyaa habka awooda dhaqaale & dowladeed loogu adeegsado horumarinta busho in ay tahay hanaan dowladeed ama maamulka dowada. Dowladnimada iyo siyaasada waa kala duwan yihiin inkasta oo ay hadana isku dhow yihiin oo xiriir ka dhexeeyo. Dalka, dowlada & dadka waxaa ka dhexeeyo xiriir isku xiran oo dad iyo dowlad la’aan dal ma jiri karo sidoo kalena dowlad iyo dal la’aan dad ma jiri karo marka la helo dhul ay dadka si wada jir ah ugu wada noolaadaan ayay imaaneeysaa hanaankii lagu wada noolaan lahaa waxaana ay noqoneysaa qofku bulsho la’aan iyo maamul la’aan ma noolaan karo, waana tii Aristotle yiri sidaas.
Dalku waa wax dabiici ah sidoo kalana lagama maarmaan ah sidaasna dadka ayaa u baahan in si ay baahidooda kala duwan ugu qanciyaan uguna noolaadaan. Micnaha uu raashiinka u leeyahay qofka ayuu mid la mid ahna u leeyahay bulshada in ay yeeshaan dal ay ku noolaadaan. Dalkeena Soomaaliya in muddo ahba masoo marin dowlad guun ah oo waqti badan jirtay, sidoo kalena kuma baraarugsana dadkeena qiimaha iyo micnaha ay dowladi u leedahay shacabkeeda. Bulshadeennu waxay aheyd mid ku dhisan maamul qabiil oo aan laheyn maamul dowladeed mideysan oo magac Soomaaliyeed leh oo muuno, sharaf, magac weyn leh.
Haddaba Dowlad ayaa laga helaa Amaan iyo Adeegyada Asaasiga sida Waxbarasha Tayo leh, Caafimaad Bilaash ah, Waddooyin, Daryeel Bulsho, iyo Horumarada kale ee muhiimka. Xaquuq aad Dowlad ka weysana cid kale kama helaysi, laakin waa suura gal inay jaran jarano ka dhigtaan si eey dantooda ku gaaran. “Waxa daawaday Dhallinyaro aan dan laga laheyn Naftooda; kuwaaso markii horaba Daruufo adag ku sugnaa oo Doon inta la iska soo saaray la yiri, waxa ka difaaceysan Jubbaland Cadow. Kadib markii ay garan wayay Jihadii, shidaal kiina ka go’ay oo ay badbaadiyeen Ciidanka Xoogga Soomaaliya oo markii hore Cadow looga dhigayay, iyaga oo Gaajo la tacbaana loo fiday gacan dowladnimo, islamarkaana loo balanqaaday in laga dhigi doono ciidan qaran oo xuquuq leh”, sidaasi waxaa yiri:- Sarkaal ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo ku sugan magaalada Raaskaambooni ee degmada Badhaadhe ee gobolka Jubbada Hoose.
Warar Kala duwan ayaa ka soo baxay ciidamo oo isku soo dhiibay ciidamada dowladda ee ku sugnaa Raas-Kambooni. Wararka laga helaayo magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in ciidamadan oo ka baxay Kismaayo ay wateen doon kuna socdaan fadhiisin ciidamada Jubbaland ay ku leeyihiin agagaarka Raas Kambooni, ay isu dhiibeen ciidamada dowladda Soomaaliya ee ku sugan Raas Kambooni.
“Ilaa iyo 80 askari oo ka tirsan Ciidamada Jubbaland ayaa ku biiray howlaha Ciidamada Qalabka sida ay ka wadaan degaanka Raas kambooni ee Gobolka Jubbada hoose, Ciidanka Qalabka Sida ee dhawaan gaarey degaankaasi ayaa la wareegi doona fariisimaha ay ka baxayaan Ciidamada Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee ATMIS, iyagoo dhanka kale sii wadi doona howlgalka Dalka looga xoraynayo Khawaarijta. Taliyaha Guutada 18aad ee Ciidanka Komandoska GorGor ee Xoogga Dalka Soomaaliya G/dhexe Xasan Aadan Maxamed (Xasan Ciraaqi) oo la hadley ciidanka kaga soo biiray dhanka maamulka Jubbaland, ayaa kula dardaarmey inay si buuxda uga qeyb qaataan dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta”, sidaasina waxaa qortay Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA.
Deegaanka Raas-Kambooni waxa uu magaalada Kismaayo u jiraa ilaa 270 KM, waxaana haatan ku sugan Ciidamada Qalabka Sida ee Dowladda Federaalka Soomaaliya. Iyadoo la sheegayo in ciidamada daraawishta Jubbaland oo ku biiray ciidanka, ayaa sheegay in aysan marna raali ka aheyn in dagaal kala hortakaan ciidanka Xoogga dalka. “Askarigii CXD isku soo dhiiba ee diida amarada qaldan, waxaan ugu abaal gudeynaa lamabar ciidan Qaran iyo mustaqbal wanaagsan”, sidaasina waxaa yiri:- Gen. Khaalid.
Haddaba waa la soo dhaafay xilligii dhallinyarada xaaba laga dhigan jiray, marka Dhallintooy ‘Ha noqon Ma Libaane, Lagu Libaano’.
By. C/lahi Ruush