Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Wasiirka dekedaha XFS oo heshiis iskaashi la saxiixday Wasiirka Gaadiidka ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya
    February 20, 2026
    Heshiisyada wadajirka ah ee kala saxiixdeen Turkiga iyo Soomaaliya ayaa qeexaya in kheyraadka dabiiciga ah ay leeyihiin shacabka Soomaaliyeed
    February 19, 2026
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Barnaamijka Cunnada Adduunka ee Soomaaliya
    February 19, 2026
    Wasiirka dekedaha XFS oo Golaha Wasiirrada uga mahadceliyay meel marinta axdiyada muhiimka ah
    February 19, 2026
    Taliyaha Ciidanka Xoogga oo la kulmay Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika iyo xubno kale
    February 19, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
    Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya
    January 13, 2026
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: ‘HA NOQON MA LIIBAANE LAGU LIIBAANO’ (WARBIXIN).
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > ‘HA NOQON MA LIIBAANE LAGU LIIBAANO’ (WARBIXIN).
GudahaMaqaallada

‘HA NOQON MA LIIBAANE LAGU LIIBAANO’ (WARBIXIN).

By Ruush Abdullahi
Last updated: November 27, 2024
7 Min Read
Share

Dowladnimada Marka laga hadlaayo culuumta siyaasada waxaa lagu qeexaa in ay tahay hanaan maamuleed oo bulsho ay baahi u qabto oo kala haga danahooda bulshadeed mid dhaqaale iyo siyaasad iyo kuwo kaleb, waana hanaan qorsheeya go’aanka gaarida tartan loo maro cadaalad iyo go’aan wada jira xageeda hogaanka. Dowladnima ayaa noqoneysa mid caalami ah mid dal iyo mid deegaan.

Xukuumad ahaana waxaa loo qeybin karaa heer dhexe, gobol & mid hoose. Hey’adaha hogaamiyana waxaa loo kala saari karaa kuwo sharci dejin (parliament), fulin (Cabinet) & garsoor (Judiciary). Xukuumada waxay qeyb weyn ka tahay jilayaasha dowladnimada. Marka laga tago intaan oo idil iyo ciidamada noocyadiisa kala duwan oo xukuumada hoostaga waxa kale oo soo hoos imaanayaan bulsha weynta Rayidka ah.

Dowlada hoose ayaa ah jilaha ugu hooseeya oo si xor ah loo soo doorto ayaa wax badan oo adeeg ah u qabato bulshada waxaana ka mid ah bixinta dhulka, canshuuraha guryaha iyo ganacsiga iyo adeegyo amni iyo caafimaadba. Maamul dowladeedku ayaa lagu dhex fulin karaa ama soo hoos geli kara dal, ganacsi, balse hanaanka maamuleed ee lagu howlgalo, go’aanadana lagu fuliyo loo dejiyo sidoo kalana lagu hergeliyo ayaa la yiraahdaa hanaan dowladeed (governance).

Ereyga asal ahaan iyo siyaasad ahaan waxaa curiyay Plato oo ahaa aabahii siyaasada reer galbeedka oo Gariik u dhashay. Ujeedada ugu weyn ee dowladi u taagan tahay ayaa ah in ay hubiso, ka shaqeeyso sidoo kalana keento in bulshada ay u taliso ee dowlada u tahay ay nolol wanaagsan u keento kana ilaalido nolosha xun ee dhibka badan.

Haddaba siyaabo badan ayaa loo micneeyaa maamulka ama hanaan dowladeedka Bangiga aduunka wuxuu ku macneeyaa habka awooda dhaqaale & dowladeed loogu adeegsado horumarinta busho in ay tahay hanaan dowladeed ama maamulka dowada. Dowladnimada iyo siyaasada waa kala duwan yihiin inkasta oo ay hadana isku dhow yihiin oo xiriir ka dhexeeyo. Dalka, dowlada & dadka waxaa ka dhexeeyo xiriir isku xiran oo dad iyo dowlad la’aan dal ma jiri karo sidoo kalena dowlad iyo dal la’aan dad ma jiri karo marka la helo dhul ay dadka si wada jir ah ugu wada noolaadaan ayay imaaneeysaa hanaankii lagu wada noolaan lahaa waxaana ay noqoneysaa qofku bulsho la’aan iyo maamul la’aan ma noolaan karo, waana tii Aristotle yiri sidaas.

Dalku waa wax dabiici ah sidoo kalana lagama maarmaan ah sidaasna dadka ayaa u baahan in si ay baahidooda kala duwan ugu qanciyaan uguna noolaadaan. Micnaha uu raashiinka u leeyahay qofka ayuu mid la mid ahna u leeyahay bulshada in ay yeeshaan dal ay ku noolaadaan. Dalkeena Soomaaliya in muddo ahba masoo marin dowlad guun ah oo waqti badan jirtay, sidoo kalena kuma baraarugsana dadkeena qiimaha iyo micnaha ay dowladi u leedahay shacabkeeda. Bulshadeennu waxay aheyd mid ku dhisan maamul qabiil oo aan laheyn maamul dowladeed mideysan oo magac Soomaaliyeed leh oo muuno, sharaf, magac weyn leh.

Haddaba Dowlad ayaa laga helaa Amaan iyo Adeegyada Asaasiga sida Waxbarasha Tayo leh, Caafimaad Bilaash ah, Waddooyin, Daryeel Bulsho, iyo Horumarada kale ee muhiimka. Xaquuq aad Dowlad ka weysana cid kale kama helaysi, laakin waa suura gal inay jaran jarano ka dhigtaan si eey dantooda ku gaaran. “Waxa daawaday Dhallinyaro aan dan laga laheyn Naftooda; kuwaaso markii horaba Daruufo adag ku sugnaa oo Doon inta la iska soo saaray la yiri, waxa ka difaaceysan Jubbaland Cadow. Kadib markii ay garan wayay Jihadii, shidaal kiina ka go’ay oo ay badbaadiyeen Ciidanka Xoogga Soomaaliya oo markii hore Cadow looga dhigayay, iyaga oo Gaajo la tacbaana loo fiday gacan dowladnimo, islamarkaana loo balanqaaday in laga dhigi doono ciidan qaran oo xuquuq leh”, sidaasi waxaa yiri:- Sarkaal ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo ku sugan magaalada Raaskaambooni ee degmada Badhaadhe ee gobolka Jubbada Hoose.

Warar Kala duwan ayaa ka soo baxay ciidamo oo isku soo dhiibay ciidamada dowladda ee ku sugnaa Raas-Kambooni. Wararka laga helaayo magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in ciidamadan oo ka baxay Kismaayo ay wateen doon kuna socdaan fadhiisin ciidamada Jubbaland ay ku leeyihiin agagaarka Raas Kambooni, ay isu dhiibeen ciidamada dowladda Soomaaliya ee ku sugan Raas Kambooni.

“Ilaa iyo 80 askari oo ka tirsan Ciidamada Jubbaland ayaa ku biiray howlaha Ciidamada Qalabka sida ay ka wadaan degaanka Raas kambooni ee Gobolka Jubbada hoose, Ciidanka Qalabka Sida ee dhawaan gaarey degaankaasi ayaa la wareegi doona fariisimaha ay ka baxayaan Ciidamada Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee ATMIS, iyagoo dhanka kale sii wadi doona howlgalka Dalka looga xoraynayo Khawaarijta. Taliyaha Guutada 18aad ee Ciidanka Komandoska GorGor ee Xoogga Dalka Soomaaliya G/dhexe Xasan Aadan Maxamed (Xasan Ciraaqi) oo la hadley ciidanka kaga soo biiray dhanka maamulka Jubbaland, ayaa kula dardaarmey inay si buuxda uga qeyb qaataan dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta”, sidaasina waxaa qortay Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA.

Deegaanka Raas-Kambooni waxa uu magaalada Kismaayo u jiraa ilaa 270 KM, waxaana haatan ku sugan Ciidamada Qalabka Sida ee Dowladda Federaalka Soomaaliya. Iyadoo la sheegayo in ciidamada daraawishta Jubbaland oo ku biiray ciidanka, ayaa sheegay in aysan marna raali ka aheyn in dagaal kala hortakaan ciidanka Xoogga dalka. “Askarigii CXD isku soo dhiiba ee diida amarada qaldan, waxaan ugu abaal gudeynaa lamabar ciidan Qaran  iyo mustaqbal wanaagsan”, sidaasina waxaa yiri:- Gen. Khaalid.

Haddaba waa la soo dhaafay xilligii dhallinyarada xaaba laga dhigan jiray, marka Dhallintooy ‘Ha noqon Ma Libaane, Lagu Libaano’.

By. C/lahi Ruush

 

 

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Wasiirka dekedaha XFS oo heshiis iskaashi la saxiixday Wasiirka Gaadiidka ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya

Muqdisho(SONNA):-Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, ayaa…

February 20, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐛𝐚𝐥𝐥𝐚𝐧-𝐪𝐚𝐚𝐝𝐚𝐲 𝐢𝐧 tallaabo laga 𝐪𝐚𝐚𝐝𝐢 𝐝𝐨𝐨𝐧𝐭𝐨 𝐦𝐚𝐬’𝐮𝐮𝐥 𝐰𝐚𝐥𝐛𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐮 𝐱𝐚𝐝-𝐠𝐮𝐝𝐛𝐚 𝐇𝐚𝐰𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚

Muqdisho-(SONNA)-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa sheegay in Haweenka Soomaaliyeed ay door muuqda ku leeyihiin…

GudahaWararka
January 15, 2025

Kumaandooska Danab oo howlgal gaar ah ku dilay toddobo xubnood oo ka tirsanaa Khawaarijta

Muqdisho,(SONNA):- Maleeshiyaadka Khawaarijta Al-shabaab oo qorsheynayay in ay weerar fuleynimo ah ka fuliyaan deegaanka Janaay-Cabdalle iyo deegaannada kale ee ku…

GudahaMaqaalladaWararka
August 13, 2023

Taliyaha Ciidanka XDS oo qaabilay u qeybsanaha arrimaha difaaca ee safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya

Muqdisho (SONNA): Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamud ayaa kulan muhiim ah la yeeshay u qeybsanaha…

GudahaWararka
February 10, 2026

Wasiirka caafimaadka oo shir caalami ah uga qaybgalaya Switzerland

Geneva (SONNA): Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cali Xaaji Aadan ayaa ka qayb galay munaasabad…

GudahaWararka
May 24, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023