๐๐ฎ๐ช๐๐ข๐ฌ๐ก๐จ(SONNA):-Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa ka qaybgalay shir fogaan-arag ah oo lagu dooranayay Xoghayaha Ururka Magaalooyinka Carabta oo ah urur u taagan dhiirrigelinta isku-xirka, wada-shaqaynta iyo isdhaafsiga khibradaha ee maamullada Caasimadaha iyo magaalooyinka muhiimka ah ee dalalka ku bahoobay Jaamacadda Carabta.
Shirka oo ay ka qaybgaleen Madaxda Caasimadaha iyo magaalooyinka ku mideysan ururka ayaa waxaa si aqlabiyad ah loogu codeeyay in Mudane Badr Waill Bad Al-Ijail Al-askar uu noqdo Xoghayaha Guud ee Ururka, kaas oo hoggaamin doona muddo-xileedka soo socda isaga oo u xilsaaran meelmarinta qorshayaal iyo barnaamijyo shaqo oo iyagana isla shirka lagu ansixiyay.
Dr. Muungaab ayaa madaxda dhiggiisa ah ee shirka goobjoogga ka ahayd kula biiray hambaliyada Xoghayaha Guud ee la doortay, wuxuuna ballanqaaday in Maamulka Gobolka Banaadir iyo Dawladda Hoose ee Muqdisho ay si joogta ah ula shaqayn doonaan hoggaanka cusub ee Ururka Magaalooyinka Carabta, si’ loo dardargaliyo iskaashiga istaraatiijiga ah oo ah mid u danaynaya horumarinta Caasimadda Soomaaliya.
Ururka Magaalooyinka Carabta oo la aasaasay sannadkii 1967-dii, ayaa waxa uu xaruntiisa dhexe ku leeyahay dalka Kuwait, waana madal madaxbannaan oo si gaar ah diiradda u saarta xaqiijinta himilooyinka horumarineed ee magaalooyinka Carabta.