Muqdisho(SONNA):-Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, oo uu guddoomiyay Raโiisul Wasaare Xamse Cabdi Barre, ayaa maanta ansixiyay heshiis is-afgarad ku saabsan iskaashiga dhinacyada shaqada, shaqo-siinta iyo horumarinta awoodda shaqaalaha ee u dhexeeya Dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga, kaas oo ay soo gudbisay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada.
Heshiiskan is-afgarad ayaa si gaar ah diiradda u saaraya horumarinta xirfadaha shaqaalaha, kor u qaadidda fursadaha shaqo ee dhalinyarada, yareynta shaqo laโaanta, iyo xoojinta iskaashiga laba geesoodka ah ee labada dal.
Heshiiskan ayaa markii hore ay labada wasaaradood kala saxiixdeen sanadkii 2016, balse weli si buuxda looma hirgelin. ansixinta maanta la sameeyay ayaa dhabbaha u xaaraysa in heshiiska si rasmi ah loo fuliyo, iyadoo laga filayo in uu wax weyn ka beddelo xaaladda shaqo laโaanta dalka, gaar ahaan dhalinyarada Soomaaliyeed.