Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo daah-furay madasha isku-duwidda qaybta Beeraha
    April 1, 2026
    Ra’iisul Wasaare Xamsa oo magacaabis isweeydaarin ah ku sameeyay wasaaradaha xukuumadda Dan Qaran
    April 1, 2026
    Guddoomiye Aadan Madoobe oo shir guddoomiyey kulan ka dhacay Baydhabo
    April 1, 2026
    Duqa Muqdisho oo xarig jaray wadada Sheekh Cali Suufi
    April 1, 2026
    Guddoomiye Aadan Madoobe oo la kulmay saraakiishii fulisay hawlgalkii wadada Muqdisho-Baydhabo
    April 1, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
Reading: Ficilada Cimilada Soomaaliya: Khataraha, Digniinaha hore iyo Xalka
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Maqaallada > Ficilada Cimilada Soomaaliya: Khataraha, Digniinaha hore iyo Xalka
Maqaallada

Ficilada Cimilada Soomaaliya: Khataraha, Digniinaha hore iyo Xalka

By SB
Last updated: July 24, 2025
7 Min Read
Share

Ficilada Cimilada Soomaaliya: Khataraha, Diignaha hore, iyo Xalka.

Horudhac.

Isbeddelka cimilada waa caqabad dhab ah oo si toos ah u taabanaysa Soomaaliya. Waa dal wali kasoo kabanaya burburkii siyaasadeed iyo dhaqaale isla markaana wajahaya dhibaatooyin kasii daran oo ka dhashay isbedelka cimilada. Waxaa kamid ah abaaro soo noqnoqda, fatahaado, dhir la’aan, iyo barakac baahsan oo saameyn ku yeeshay malaayiin qof.

Isbeddelka cimilada (Climate change) waa isbedbedel joogto ah oo ku yimaada heerkulka, roobka, dabeylaha iyo xaaladaha kale ee cimilada dunida. Isbeddelkan waxaa sababa waxyaabo ay ka mid yihiin isticmaalka badan ee shidaalka, jarista dhirta, iyo hawada wasakheysan oo kordhinaysa gaasaska dhirta lagu koriyo (greenhouse gases).

Qormadaan waxay iftiiminayaa sida isbeddelka cimilada u saameeyay Soomaaliya, sida ay inoo sheegayn khubaro kala duwan ee ku fooggan Arrimaha Cimiladda, dadaallada ay wadaan hay’adaha iyo xalka loo baahan yahay si bulshada Soomaaliyeed ay ula qabsato xaaladaha Cimilada (Climate action).

Soomaaliya waxaa ku sii kordhaya abaaraha daba dheeraaday iyo roobab aan la saadaalin karin. Waxaana la xaqiijiyay in dad badan ay ku khasbanaadeen inay barakacaan kadib markii ay lumiyeen xoolohoodii, beerahoodii, iyo wax walba oo ay nolol ku taagnayeen.

“Roobku markuu ka baaqdo, noloshii way istaagtaa,” ayuu yiri Maxamed Faarax, oo beeraley ku nool gobolka Shabeellaha Hoose.

Haddaba maxaa sababa fatahaadaha Soo noqnoqda?

Fatahaadaha joogtada ah ee webiyada Jubba iyo Shabelle waxay sidoo kale galaaftay naf iyo maal badan, iyadoo sameeyay deegaanno hoostaga magaalooyinka Baladweynee, Jowhar iyo Baardheere

Digniin Hore ee Qaran”waa in si siman loo gaarsiiyo bulshada Soomaaliyeed si ay uga hortagaan khataraha degdegga ah iyo masiibooyinka dabiiciga ah sida: Abaaraha, Roobabka babeylaha wata, Fatahaada iyo Dhul-gariirka”

Agaasimaha Khadar Maxamed oo ah Agaasiamah Maareynta Masiibooyinka (DRM) Ee Hay”adda SoDMA ayaa sheegay in digniinaha hore ee qaran aysan dadka wali sida ugu wanaaagsan aysan u fahamin.

“Bulshada Soomaaliyeed inta badan waa isku daynaa inaa gaarsiinno, anaga oo marsiinayo qeynaha kala duwan ee muhiimka ah, waxaana gaarsiinaa Xoola dhaqatada, Beerlayda iyo dadka ku nool wabiga jiinkiisa, balse dadka inta badan kuwa ka dhaga adeego ayaa jiro, waxaana ka dhasha qasaaro isugu jiro naf iyo hanti-ba” Ayuu yari Khadar Maxamed.

Khadar waxaa kale oo uu sheegay in dalka oo dhan aysan gaarsiin karin digniinaha tasoo ku sababay qodobo dhowr ah oo ay kamid yahiin dhaqaalaha oo xadidan iyo Awooada shaqaalaha iyo Xarumaha oo la gaarsiiyo waa sababta wali Sannadkii hore tiro badan oo qasaaraha ah ay ka dhasheen saameynta isbadalka Cimillada ee ugu wayn tahay Abaaraha Iyo Fatahaada.

Saameyn nuucee ah ayee u saameysay Beerlayda.

Mudane Mohamud Mohamed Isse, Agaasimaha Waaxda Waraabka, Isticmaalka Dhulka Iyo Saadaasha ayaa dhankiisa sharraxaad dheeraad ah ka bixiyay sida ay u saamaysay Isbdalka Cimillada Sannadkii hore.

“Sanadkii 2024, beeraleyda Soomaaliyeed waxay wajaheen caqabado isbiirsaday oo ka dhashay labadii xilli roobaad. Xilligii Gu’ga, roobab xoog leh ayaa ka da’ay qaybo ka mid ah dalka, gaar ahaan hareeraha webiyada Shabeelle iyo Juba, halkaasoo fatahaado kadhashay ay sababeen barakaca kumannaan qoys. Si kastaba ha ahaatee, gobolla dhexe iyo gobolada waqooyi, waxay heleen roobab hooseeya, taasoo keentay hoos udhac dalagyadii la beeray. Xili roobaadka Deyrtii 2024 siokale waxay noqotay mid aad u liidata meelaha qaar, iyadoo roobab goos-goos ah iyo abaaro ay si ba’an u saameeyeen beeraleyda koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya. Labadaas xaaladood waxay sababeen hoos u dhac weyn oo ku yimid wax-soo-saarka, korodh cunto-yari, iyo baahi loo qabo taageero farsamo iyo mid qorsheysan si loo xoojiyo adkeysiga beeraleyda.”

Dr Abdimajid Nuunow Madaxa barnaamiyada La-qabisiga ee Xarunta Cimilada Iyo Ilaalinta Deegaanka ee Urur Gobaleeedka IGAD, ayaa tilmaamay dadaallada heer gobol iyo heer qaran oo ay wadaan IGAD iyo dowladda Soomaaliya uu sheegay in ay ka taageereen Arrimo ay ka mid yahiin Dajinta Siyaasadaha, Awooda dhismaha Shaqalaha iyo Hay”adaha dowladda. “Waxaan aragnaa in Soomaaliya ay qaadday tallaabooyin muhiim ah qaaday cimilada , sida diyaarinta qorshaha la-qabsiga cimilada (NAP), ilaalinta kaymaha, iyo Maalin-galinta NDC 3, ay u baahan tahay dhaqaale fara-badan Soomaalina dabooli karto, marka waxaa ka IGAD ahaan ballanqaadanynaa inaa ka taageero sidii madalada waa wayn Afrika Iyo Caalamka in codkeena garab kusiino si wax looga qabto Soomaali ahaan,” Cabdimajid Nurow Abdi

Sidoo kale waxa uu xusay in IGAD ay si wayn ugu shaqaysay in bulshooyinka Gobalka ku nool in ay ka faaa”iideystaan daaqsinka Iyo waraabka Xoolaha ay wadaagan bulshada xudadaha, taaasina waxaa inuu sahashay taageerida Siyaasadeed ee ku cad Istaraajiyadda IGAD, “IGAD ahaan waxaan xal u helnay in xoolaha Soomaaliya ka tago ay ku deeqsadaan xiliyada abaaraha dhacaa in ay ka gudbaan xaduudaha, kuwaasi ka faa”iideysto laguna arko Itoobiya, Kenya, waana iskaashiga cusub ee IGAD diyaarisay” Mudane Nunow.

Xalalka muhiimka ay in la xaqiijiyo

Waxaa jira fursado badan oo Soomaaliya ay kaga bixi karto dhibaatada cimilada, haddii la isku xiro dadaalka bulshada, dowladda, iyo hay’adaha deegaanka, Dhir-beerin Qaran – Dib u beerista dhul-beereedyo iyo kaymo la jaray, Tamarta La Cusboonaysiin Karo – Solar, wind, iyo biogas si loo yareeyo jarista dhirta, Keydinta Biyaha – Dhisidda biyo-xireenno, ceelal waara, iyo hannaanka kaydinta biyaha roobka, Wacyigelin Bulsho – Si gaar ah loogu beego dhalinyarada, haweenka iyo odayaasha deegaanka. Digniino Hore oo Casri ah – Teknoolojiyad u sahleysa dadka in ay ka hortagaan masiibooyinka sida fatahaadaha iyo abaaraha.

Gabagabo

Dhibaatooyinka ka dhasha Cimilada Soomaaliya ma ahan kuwa lagu xallin karo mustaqbalka dhow. Waa xaalad degdeg ah oo u baahan ficil iyo waxqabad joogto ah, kana kooban siyaasado qorshe ku dhisan, iyo wada shaqeyn u dhexeysa dowladda, bulshada, hay’adaha kala duwab iyo warbaahinta madaxabannaan.

Xal waara oo loo helo cimilada Soomalaiya waa inaan u diyaargaroobnaa maanta si aan berri ugu noolaanno nolol ammaan ah.

Dhammaad

W/Q: Abdirashid Nur Ibrahim , Communication & journalist climate.
Email:-Cabdirashiid88@gmail.com

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo daah-furay madasha isku-duwidda qaybta Beeraha

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa daah-furay madasha isku-duwidda qaybta…

April 1, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

“ Galmudug Maanta waa u Guul, Gafuurra-duubna waa Go’een” (WARBIXIN)

Magaalada Dhuusamareb ee Caasimada Galmudug ayaa dhawaan lagu soo bandhigay dhallinyaro deegaanka ah oo hubeysan, iyo gaadiid dagaal, kuwaasi oo…

GudahaMaqaallada
August 6, 2023

Tiigsigii wuu taabbo-galayaa

Waddada Dimuquraaddiyadda. waxaa lasii daayay tiradii ugu horaysay ee Caasimadda Muqdisho isku diiwaangalisay in ay codeeyaan inka badan 50 Sano…

Maqaallada
October 20, 2025

Xasan Sh.”Waxaan diyaar u nahay tallaabo kasta haddii Itoobiya damacdo dhulkeenna” (WARBIXIN)

Wali waxaa taagan xiisaddi ka dhalatay Isfaham ku sheegii dhex maray 1-dii Janaayo ee sanadkan Raiisul-wasaraha Itoobiya iyo Muuse Biixi,…

GudahaMaqaalladaSiyaasadda
September 30, 2024

Maxay Ka Dhigantahay Qorshaha Dayn Cafinta Soomaaliya?

Muqdisho(SONNA)-Warbixin ay soo saartay Hey’adda Lacagta Adduunka 25-kii bisha Maarso  ayaa lagu sheegay in Soomaaliya ay gaartay calaamadda loo yaqaano…

MaqaalladaWararka
April 1, 2020

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023