Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Soomaaliya iyo Hindiya oo Xoojinaya Xiriirka Laba-Geesoodka ah
    January 30, 2026
    Wafdi uu hoggaaminayo wasiirka tamarta iyo khayraadka biyaha oo gaaray Dhuusamareeb
    January 30, 2026
    Maamulka Cisbitaalka Erdogan oo u dabbaaldegay xuska sanadguuradii 12 aad ee aasaaska cisbitaalkaasi
    January 30, 2026
    Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta XFS oo lagu soo dhoweeyay London
    January 30, 2026
    Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya
    January 30, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
    Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya
    January 13, 2026
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
    Laascaanood waa Xuddunta Midnimada Dalka
    January 19, 2026
    SONNA: 62 Sanno oo Adeeg Qaran iyo Codka Soomaaliya ee Caalamka
    January 7, 2026
    Markii ay Soomaaliya tallaabo horay u qaadaba maxaa loo Qulbaa? (WARBIXIN)
    January 3, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐Ÿ๐Ÿ-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐ˆ๐ฌ๐ค๐š๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐š ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐’๐ก๐ข๐ข๐ง๐š๐ก๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐–๐š๐๐š๐ฆ๐š๐๐š ๐‚๐š๐ซ๐š๐›๐ญ๐š
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN)ย 
    April 19, 2025
    ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐Œ๐š๐ซ๐ž๐ฒ๐ค๐š๐ง๐ค๐š ๐จ๐จ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฌ๐š๐ฑ๐ข๐ข๐ฑ๐๐š๐ฒ ๐‡๐ž๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ž๐ž๐ ๐จ๐จ ๐ ๐š๐š๐ซ๐š๐ฒ๐š $๐Ÿ”๐Ÿ–.๐Ÿ“ ๐Œ๐ข๐ฅ๐ฒ๐š๐ง
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Ficilada Cimilada Soomaaliya: Khataraha, Digniinaha hore iyo Xalka
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
ยฉ2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Maqaallada > Ficilada Cimilada Soomaaliya: Khataraha, Digniinaha hore iyo Xalka
Maqaallada

Ficilada Cimilada Soomaaliya: Khataraha, Digniinaha hore iyo Xalka

By SB
Last updated: July 24, 2025
7 Min Read
Share

Ficilada Cimilada Soomaaliya: Khataraha, Diignaha hore, iyo Xalka.

Horudhac.

Isbeddelka cimilada waa caqabad dhab ah oo si toos ah u taabanaysa Soomaaliya. Waa dal wali kasoo kabanaya burburkii siyaasadeed iyo dhaqaale isla markaana wajahaya dhibaatooyin kasii daran oo ka dhashay isbedelka cimilada. Waxaa kamid ah abaaro soo noqnoqda, fatahaado, dhir laโ€™aan, iyo barakac baahsan oo saameyn ku yeeshay malaayiin qof.

Isbeddelka cimilada (Climate change) waa isbedbedel joogto ah oo ku yimaada heerkulka, roobka, dabeylaha iyo xaaladaha kale ee cimilada dunida. Isbeddelkan waxaa sababa waxyaabo ay ka mid yihiin isticmaalka badan ee shidaalka, jarista dhirta, iyo hawada wasakheysan oo kordhinaysa gaasaska dhirta lagu koriyo (greenhouse gases).

Qormadaan waxay iftiiminayaa sida isbeddelka cimilada u saameeyay Soomaaliya, sida ay inoo sheegayn khubaro kala duwan ee ku fooggan Arrimaha Cimiladda, dadaallada ay wadaan hayโ€™adaha iyo xalka loo baahan yahay si bulshada Soomaaliyeed ay ula qabsato xaaladaha Cimilada (Climate action).

Soomaaliya waxaa ku sii kordhaya abaaraha daba dheeraaday iyo roobab aan la saadaalin karin. Waxaana la xaqiijiyay in dad badan ay ku khasbanaadeen inay barakacaan kadib markii ay lumiyeen xoolohoodii, beerahoodii, iyo wax walba oo ay nolol ku taagnayeen.

โ€œRoobku markuu ka baaqdo, noloshii way istaagtaa,โ€ ayuu yiri Maxamed Faarax, oo beeraley ku nool gobolka Shabeellaha Hoose.

Haddaba maxaa sababa fatahaadaha Soo noqnoqda?

Fatahaadaha joogtada ah ee webiyada Jubba iyo Shabelle waxay sidoo kale galaaftay naf iyo maal badan, iyadoo sameeyay deegaanno hoostaga magaalooyinka Baladweynee, Jowhar iyo Baardheere

Digniin Hore ee Qaran”waa in si siman loo gaarsiiyo bulshada Soomaaliyeed si ay uga hortagaan khataraha degdegga ah iyo masiibooyinka dabiiciga ah sida: Abaaraha, Roobabka babeylaha wata, Fatahaada iyo Dhul-gariirkaโ€

Agaasimaha Khadar Maxamed oo ah Agaasiamah Maareynta Masiibooyinka (DRM) Ee Hayโ€adda SoDMA ayaa sheegay in digniinaha hore ee qaran aysan dadka wali sida ugu wanaaagsan aysan u fahamin.

โ€œBulshada Soomaaliyeed inta badan waa isku daynaa inaa gaarsiinno, anaga oo marsiinayo qeynaha kala duwan ee muhiimka ah, waxaana gaarsiinaa Xoola dhaqatada, Beerlayda iyo dadka ku nool wabiga jiinkiisa, balse dadka inta badan kuwa ka dhaga adeego ayaa jiro, waxaana ka dhasha qasaaro isugu jiro naf iyo hanti-baโ€ Ayuu yari Khadar Maxamed.

Khadar waxaa kale oo uu sheegay in dalka oo dhan aysan gaarsiin karin digniinaha tasoo ku sababay qodobo dhowr ah oo ay kamid yahiin dhaqaalaha oo xadidan iyo Awooada shaqaalaha iyo Xarumaha oo la gaarsiiyo waa sababta wali Sannadkii hore tiro badan oo qasaaraha ah ay ka dhasheen saameynta isbadalka Cimillada ee ugu wayn tahay Abaaraha Iyo Fatahaada.

Saameyn nuucee ah ayee u saameysay Beerlayda.

Mudane Mohamud Mohamed Isse, Agaasimaha Waaxda Waraabka, Isticmaalka Dhulka Iyo Saadaasha ayaa dhankiisa sharraxaad dheeraad ah ka bixiyay sida ay u saamaysay Isbdalka Cimillada Sannadkii hore.

โ€œSanadkii 2024, beeraleyda Soomaaliyeed waxay wajaheen caqabado isbiirsaday oo ka dhashay labadii xilli roobaad. Xilligii Guโ€™ga, roobab xoog leh ayaa ka daโ€™ay qaybo ka mid ah dalka, gaar ahaan hareeraha webiyada Shabeelle iyo Juba, halkaasoo fatahaado kadhashay ay sababeen barakaca kumannaan qoys. Si kastaba ha ahaatee, gobolla dhexe iyo gobolada waqooyi, waxay heleen roobab hooseeya, taasoo keentay hoos udhac dalagyadii la beeray. Xili roobaadka Deyrtii 2024 siokale waxay noqotay mid aad u liidata meelaha qaar, iyadoo roobab goos-goos ah iyo abaaro ay si baโ€™an u saameeyeen beeraleyda koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya. Labadaas xaaladood waxay sababeen hoos u dhac weyn oo ku yimid wax-soo-saarka, korodh cunto-yari, iyo baahi loo qabo taageero farsamo iyo mid qorsheysan si loo xoojiyo adkeysiga beeraleyda.โ€

Dr Abdimajid Nuunow Madaxa barnaamiyada La-qabisiga ee Xarunta Cimilada Iyo Ilaalinta Deegaanka ee Urur Gobaleeedka IGAD, ayaa tilmaamay dadaallada heer gobol iyo heer qaran oo ay wadaan IGAD iyo dowladda Soomaaliya uu sheegay in ay ka taageereen Arrimo ay ka mid yahiin Dajinta Siyaasadaha, Awooda dhismaha Shaqalaha iyo Hayโ€adaha dowladda. โ€œWaxaan aragnaa in Soomaaliya ay qaadday tallaabooyin muhiim ah qaaday cimilada , sida diyaarinta qorshaha la-qabsiga cimilada (NAP), ilaalinta kaymaha, iyo Maalin-galinta NDC 3, ay u baahan tahay dhaqaale fara-badan Soomaalina dabooli karto, marka waxaa ka IGAD ahaan ballanqaadanynaa inaa ka taageero sidii madalada waa wayn Afrika Iyo Caalamka in codkeena garab kusiino si wax looga qabto Soomaali ahaan,โ€ Cabdimajid Nurow Abdi

Sidoo kale waxa uu xusay in IGAD ay si wayn ugu shaqaysay in bulshooyinka Gobalka ku nool in ay ka faaaโ€iideystaan daaqsinka Iyo waraabka Xoolaha ay wadaagan bulshada xudadaha, taaasina waxaa inuu sahashay taageerida Siyaasadeed ee ku cad Istaraajiyadda IGAD, โ€œIGAD ahaan waxaan xal u helnay in xoolaha Soomaaliya ka tago ay ku deeqsadaan xiliyada abaaraha dhacaa in ay ka gudbaan xaduudaha, kuwaasi ka faaโ€iideysto laguna arko Itoobiya, Kenya, waana iskaashiga cusub ee IGAD diyaarisayโ€ Mudane Nunow.

Xalalka muhiimka ay in la xaqiijiyo

Waxaa jira fursado badan oo Soomaaliya ay kaga bixi karto dhibaatada cimilada, haddii la isku xiro dadaalka bulshada, dowladda, iyo hayโ€™adaha deegaanka, Dhir-beerin Qaran โ€“ Dib u beerista dhul-beereedyo iyo kaymo la jaray, Tamarta La Cusboonaysiin Karo โ€“ Solar, wind, iyo biogas si loo yareeyo jarista dhirta, Keydinta Biyaha โ€“ Dhisidda biyo-xireenno, ceelal waara, iyo hannaanka kaydinta biyaha roobka, Wacyigelin Bulsho โ€“ Si gaar ah loogu beego dhalinyarada, haweenka iyo odayaasha deegaanka. Digniino Hore oo Casri ah โ€“ Teknoolojiyad u sahleysa dadka in ay ka hortagaan masiibooyinka sida fatahaadaha iyo abaaraha.

Gabagabo

Dhibaatooyinka ka dhasha Cimilada Soomaaliya ma ahan kuwa lagu xallin karo mustaqbalka dhow. Waa xaalad degdeg ah oo u baahan ficil iyo waxqabad joogto ah, kana kooban siyaasado qorshe ku dhisan, iyo wada shaqeyn u dhexeysa dowladda, bulshada, hayโ€™adaha kala duwab iyo warbaahinta madaxabannaan.

Xal waara oo loo helo cimilada Soomalaiya waa inaan u diyaargaroobnaa maanta si aan berri ugu noolaanno nolol ammaan ah.

Dhammaad

W/Q: Abdirashid Nur Ibrahim , Communication & journalist climate.
Email:-Cabdirashiid88@gmail.com

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Soomaaliya iyo Hindiya oo Xoojinaya Xiriirka Laba-Geesoodka ah

Muqdisho(SONNA):-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali,…

January 30, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA)ย Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Raโ€™iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Raโ€iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Doorka warbaahinta qaranka ee la dagaalanka khawaariijta

Muqdisho(SONNA):- Warbaahinta dowladda ayaa kaalin weyn ka qaadatay jabinta maleeshiyaadka Khawaarijta ah,ciidanka xoogga oo kaashanaya kuwa deegaanka ayaa weeraro joogto…

MaqaalladaWararka
March 20, 2023

Shacabka Soomaliyeed oo soo dhaweeyey dadaalka Dowladda Soomaaliya (Maqaal)

Shacabweynaha Soomaaliyeed meel walba oo ay jogaan dal iyo dibad waxay ka siman yihiin oo ay maskaxda iyo qalbiga ku…

Maqaallada
September 7, 2023

Al-shabaab oo holac naareed kala kulmay Bud Bud iyo Shabeeloow (WARBIXIN)

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye koor koor, islamarkaana uu u wakiishay sii hoggaaminta Dagaalka Madaxweynaha JFS Mudane…

GudahaMaqaallada
October 9, 2023

Maxay ka dhigan tahay Wasiirada oo bishan ย mushaarkooda ku biiriyay dagaal Khawaarijta? (WARBIXIN)

Kooxda Khawaarijta ah ee Shabaabku sida aad la socotiinย  waxay Shacabka Soomaaliyeed dhibaatada ay ku haysay dadkeenna iyo dalkeenna 15…

GudahaMaqaallada
October 28, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US:ย 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

ยฉ2023