Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya
    January 30, 2026
    wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo shir kaga qayb galay dalka Talyaaniga
    January 30, 2026
    Ciidanka xoogga oo hawlgal ku dilay xubno ka tirsanaa khawaarijta
    January 29, 2026
    Ergada Soomaaliya ee qaramada midoobay oo munaasabad casho ah u qabtay danjireyaasha iyo diblomaasiyiinta ka hawlgala xarunta QM
    January 29, 2026
    Taliyaha Booliiska oo shirguddoomiyey shirka hoggaanada Booliiska
    January 29, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
    Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya
    January 13, 2026
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
    Laascaanood waa Xuddunta Midnimada Dalka
    January 19, 2026
    SONNA: 62 Sanno oo Adeeg Qaran iyo Codka Soomaaliya ee Caalamka
    January 7, 2026
    Markii ay Soomaaliya tallaabo horay u qaadaba maxaa loo Qulbaa? (WARBIXIN)
    January 3, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐Ÿ๐Ÿ-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐ˆ๐ฌ๐ค๐š๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐š ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐’๐ก๐ข๐ข๐ง๐š๐ก๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐–๐š๐๐š๐ฆ๐š๐๐š ๐‚๐š๐ซ๐š๐›๐ญ๐š
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN)ย 
    April 19, 2025
    ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐Œ๐š๐ซ๐ž๐ฒ๐ค๐š๐ง๐ค๐š ๐จ๐จ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฌ๐š๐ฑ๐ข๐ข๐ฑ๐๐š๐ฒ ๐‡๐ž๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ž๐ž๐ ๐จ๐จ ๐ ๐š๐š๐ซ๐š๐ฒ๐š $๐Ÿ”๐Ÿ–.๐Ÿ“ ๐Œ๐ข๐ฅ๐ฒ๐š๐ง
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Farriinta Madaxweynaha ee ku aadan xuska ciidanka xoogga dalka soomaaliyeed
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
ยฉ2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Farriinta Madaxweynaha ee ku aadan xuska ciidanka xoogga dalka soomaaliyeed
Gudaha

Farriinta Madaxweynaha ee ku aadan xuska ciidanka xoogga dalka soomaaliyeed

By Kulane
Last updated: April 12, 2021
4 Min Read
Share

Madaxweynaha jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa manta soo saaray qoraal la xiriira xuska sanadguurada 61-aad ee ka soo wareegay aasaaska Ciidanka Xoogga Dalka.

Qoraalkaan ayaa ahaa sidatan:-

Waxaa sharaf weyn ii ah maanta oo ay taariikhdu tahay 12-ka Abriil 2021 kuna beegaan maalintii la aasaasay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed in aan halkaan hambalyo iyo bogaadin uga soo jeediyo dhammaan Ciidanka xoogga dalka, oo ay ugu horreeyaan saraakiisha, saraakiil-xigeennada, alifleyda, dableyda, xaasaskooda, carruurtooda iyo dhammaan qaybaha kala duwan ee ciidamada.

Ciidanka Xooggu waa astaan qarannimo iyo midnimo, waxay u taagan yihiin difaaca dalkeenna, ilaalinta wadajirka, sharafta iyo haybadda Shacabka Soomaaliyeed. Waxa ay naftooda u hibeeyeen si ay dalkooda uga xoreeyaan argagixisada cadawga ah ee ka macaasha daadinta dhiigga Shacabka Somaaliyeed. Iyaga oo si buuxda nabad-diidka ugala wareegay deegaanno badan oo ay horay ugu dhibaatayn jireen dadkeenna.

Guulaha aad ka soo hooyneysaan furimaha dagaalka iyo sida aad u wiiqdeen tabartii argagixisada waxa ay ku yimaadeen dadaal dheeri ah oo ay dowladdu ku bixisay dib-u-dhiska iyo tayeynta ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.

Runtii weli ma joogno meeshii aan rabnay, laakiin waxaan si xooggan u sii amba qaadeynaa qorsheheenna qaran ee ku aaddan dib-u-dhiska ciidan Soomaaliyeed oo si buuxda u hanan kara amniga, xoreynta iyo difaaca dalka.

Dowladdu waxay sii xoojisay kor u qaadidda tababarrada Ciidanka, joogteynta iyo kordhinta mushaharkooda. Waxaa maanta guul ah in Ciidankeenna aan u sameynay diiwaan ciidannimo oo ay ku jiraan gal anshaxeedka, dallacsiintooda iyo hannaan maaliyadeed oo hufan oo ilaalinaya xuquuqdooda.

Mudanayaal iyo marwooyin.

Ciidanka Xoogga Dalka waxa uu udub-dhexaad u yahay madaxbannaanida dalkeenna, dib u dhiska iyo xaqiijinta hiigsiga shacabka Soomaaliyeed ee ku saleysan dal horumarsan oo la jaanqaada dalalka kale ee Caalamka, dadkiisuna ay ku nool yihiin Barwaaqo, nabad Iyo xasillooni.

Tan iyo markaan bilownay dardar-gelinta Qorshaha Qaran ee dib u dhiska Ciidamada waxaa heegan u galay, kuna biiray Ciidamada Xoogga Dalka kumannaan dhallinyaro ah oo si wadaniyad leh ugu istaagay samatabixinta iyo difaaca dalka, taas oo muujinaysa sida shacabka Soomaaliyeed ay uga goโ€™an tahay xaqiijinta Qarannimadooda iyo difaaca karaamadooda.

Waxaan bogaadinayaa dhammaan Saraakiisha, Saraakiil Xigeennada iyo khubarada Ciidan ee dalkeenna ee u istaagay dib u dhiska iyo tayeynta Ciidamada Soomaaliyeed, sidoo kale waxaa u mahadcelinayaa dhammaan dalalka walaalaha iyo saaxiibbada ah ee nagu garab taagan qorshahaas qaran.

Dal aan lahayn ciidan Qaran oo awood leh, shacab iyo dowlad aan isku duubneyn ma difaacan karaan sharafkooda iyo masiirkooda, Sidaas awgeed, waxaan rabaa inaan fursaddan uga faaโ€™iideysto in aan mar kale shacabka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan โ€“ dalka iyo dibaddiisaba โ€“ ka codsado in ay taageeraan geesiyaashooda u taagan difaaca dalka iyo cirib-tirka argagixisada.

Mudanayaal iyo Marwooyin,

Sida aad la wada socotaan dalkeennu wuxuu marayaa marxalad adag. Waxaan kasoo kabanaynaa qaran-jabkii, waxaan u soconnaa inaan gaarno himilooyin waaweyn oo ay lagamamaarmaan tahay in dhammaanteen aan gacmaha is qabsanno.

Ugu danbeyntii, waxaan Alle naxariistiisa Janno u weydiinayaa dhammaan halyeeyadii Ciidanka Xoogga Dalka ee u shahiiday difaaca dalka iyo in ay nabad ku seexdaan shacabka Soomaaliyeed, Aniga oo faraya Xukuumaddu in ay mudnaan buuxda siiso qoysaska iyo ubadka ay ka tageen oo ah ammaano ay uga tageen shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed.

Sidoo kale, waxaa muhiim ah in aan mudnaan gaar ah siinno halyeeyada u dhaawacmay ama u naafoobey difaaca dalka iyo halganka ay kula jiraan cadowga argagixisada ah ee caadeystay daadinta dhiigga shacabkeenna.

 

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya

Muqdisho(SONNA):-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali,…

January 30, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA)ย Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Raโ€™iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Raโ€iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Kulanka Guddiga joogtada oo lagu dhaariyey xubno ka tirsan Golaha wasiiradda

Muqdish-Soomaaliya(SONNA):- Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa shir guddoomiyay kulanka aan…

GudahaWararka
March 20, 2025

Golaha Wasiirrada XFS oo ka hadlay saameynta roobabla, amniga iyo ciribtirka Khawaarijta

Muqdisho.SONNA... Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka ayaa kulankoodii caadiga ahaa kaga hadlay roobabka daadadka wata ee ka daโ€™aya dalka, amniga…

Gudaha
November 24, 2023

Guddiga Madaxa-bannaan ee dib u eegista iyo hirgelinta Dastuurka oo ka dooday Hannaanka Doorashada ee heshiiskii MWQ

Muqdisho(SONNA):-Guddoomiyaha Guddiga Madaxa bannaan ee dib u eegista iyo Hirgelinta Dastuurka Mudane Burhaan Aadan Cumar oo uu wehliyo Guddoomiye Ku-xigeenka…

GudahaWararka
August 9, 2023

Duqa Muqdisho oo xafiiskiisa ku qaabilay xubno ka socda Qaramada Midoobay

Muqdisho.(SONNA):- Guddoomiyaha G/Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xusee Jimcaale ayaa maanta xafiiskiisa kulan kula qaatay hawlwadeenada sare-sare eeย  ka…

GudahaWararka
March 4, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US:ย 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

ยฉ2023