Muqdisho(SONNA):-Soonku waa tiir ka mid ah shanta tiir ee Islaamka, sida uu Nebigu SCW innoogu sheegay xadiiska ay diiwaangaliyeen Bukhaari iyo Muslim— Islaamka waxaa lagu dhisay shan tiir: qiridda in uusan jirin ilaah [xaq lagu caabudo] oo aan Alle ahayn, in Maxamed yahay Rasuulkii Alle, oogidda salaadda, bixinta sakada, xajka, iyo soonka Ramadaan.
بُنِيَ الإسْلَامُ علَى خَمْسٍ: شَهَادَةِ أنْ لا إلَهَ إلَّا اللَّهُ وأنَّ مُحَمَّدًا رَسولُ اللَّهِ، وإقَامِ
الصَّلَاةِ، وإيتَاءِ الزَّكَاةِ، والحَجِّ، وصَوْمِ رَمَضَانَ.
متفق عليه.
Nebigu SCW waxa uu yidhi soonku waa gaashaan ee qofka soommani yuusan hadal xun ku hadlin, dhaqan xumana samayn, haddii cid la dirirto ama caydana, ha yidhaahdo: waan soommanahay. Intaas waxa uu Suubbanuhu SCW raaciyay: qofka soomman afkiisa urta ka soo baxda ayaa Alle agtiisa ka udgoon carafta miskiga. Intaa ka dib, Nebigu SCW waxa uu toos innoogu soo tebiyay Alle SWT oo yidhi: qofku cuntadiisi iyo cabbitaankiisi iyo shahwadiisi ayaa uu dartay uga tagay, soonka Aniga ayaa leh, Aniga ayaana ka abaalmarinaya, wanaagguna waxa uu leeyahay toban u dhigma.
الصِّيَامُ جُنَّةٌ، فَلَا يَرْفُثْ وَلَا يَجْهَلْ، وَإِنِ امْرُؤٌ قَاتَلَهُ أَوْ شَاتَمَهُ، فَلْيَقُلْ إِنِّي صَائِمٌ مَرَّتَيْنِ وَالَّذِي نَفْسِي بِيَدِهِ، لَخُلُوفُ فَمِ الصَّائِمِ أَطْيَبُ عِنْدَ اللهِ تَعَالَى مِنْ رِيحِ الْمِسْكِ، يَتْرُكُ طَعَامَهُ وَشَرَابَهُ وَشَهْوَتَهُ مِنْ أَجْلِي، الصِّيَامُ لِي وَأَنَا أَجْزِي بِهِ، وَالْحَسَنَةُ بِعَشْرِ أَمْثَالِهَا.
Culimadu waxa ay yidhaahdeen soonku waa gaashaan qofka ka dhowra naarta iyo wixii xumaan ah ee qofka jidkeeda qaadsiin lahaa. Heerka gaashaankaasi wax ilaalinayaana hadba waxa ay ku xidhan tahay inta qofku dhowro soonka ee uu ku dedaalo in uu u guto sidii habboonayd, uuna ka dheereeyo wax kasta oo dhibaato iyo dhimaal u keenaya soonka. Hadaltiradii, xantii, afxumadii, qayladii, murankii, iyo wax kasta oo aan faa’iido lahayn waxa ay ka dhigan yihiin qof gaashaankiisi daldaloolinaya taas oo ka dhigan in uusan difaac adag u noqonayn. Taladii Nebiguna SCW waa in uu isdhowro oo xataa haddii lagu gardarroodo uu falcelintiisa ku soo koobo: “waan soommanahay” ee uusan la tirsan.
“Waan soommanahay” ma isaga ayaa naftiisa u sheegaya oo isla hadlaya si uusan u jawaabin, mise waxa uu ku odhanayaa cidda ku gardarrootay? Imaam Nawawi waxa uu yidhi labaduba waa ay wanaagsan yihiin, in uu carrabka ka yidhaahdo ayaana sii awood badan ee uusan isaga naftiisa ku waanin oo keli ah. Waxaase sii wanaagsan in uu labadaba sameeyo oo uu marna isagu isku waaniyo marna cidda ku gardarrootay uu ku yidhaahdo. Maadaama Nebigu SCW innoo sheegay in Naarta lagu hareereeyay waxyaalo ay naftu jeceshahay oo muhinaya (shahawaat), soonkuna uu wiiqo rabitaanka nafta, waa gaashaan la iskaga difaacayo Naartii. Sidaa oo kale, ajarka iyo abaalmarinta tirada badan ee soonka laga helayaa waxa ay cuslaynayaan miisaanka dhankii wanaagsanaa.
“Soonka Aniga ayaa leh, Aniga ayaana ka abaalmarinaya” macnaheeda siyaabo kala duwan ayaa ay culimadu u fasireen. Soon, salaad, xaj, sako, iyo camallada kalaba Alle ayaa leh oo dartii loo samaynayaa, abaalmarintana Isaga ayaa leh e, maxaa soonka ku gaar ah? Ibnu Xajar markii uu xadiiskan sharxayay waxa uu soo bandhigayaa sagaal fasiraadood oo ay culimo kala duwani tilmaameen.
Culimada qaar waxa ay leeyihiin soonku waa wax qarsoon oo niyadda ku xidhan, qofkuna sida salaadda oo kale ma samaynayo dhaqdhaqaaq dadka kale u muuqda. Sidaas awgeedna, istusnimo boos kuma laha oo waxa uu cibaadooyinka kale dheer yahay daacadnimadaa dheeraadka ah ee qofka Alle oo keli ah uu og yahay in uu soomman yahay iyo in kale.
Fasiraad kale waxa ay leedahay Alle ayaa ogsoon abaalmarintiisu inta ay le’eg tahay. Cibaadooyinka kale waxaa la innoo sheegay in abaalmarintooda la labalaabo ilaa 700 oo jeer. Laakiin soonku ma laha xadkaa sare oo Alle ayaa isku koobay ogaanshaha heerka abaalmarintiisu gaadhayso. Culimadu waxa ay leeyihiin maadaama soonku yahay rabitaankii nafta oo laga soomay, Alle ayaa ballanqaaday in dadka sabra abaalmarintooda loo oofin doono xisaabin la’aan.
إِنَّمَا يُوَفَّى الصَّابِرُونَ أَجْرَهُم بِغَيْرِ حِسَابٍ 10
Az-Zumar: 10.
Ibnu Xajar waxa uu leeyahay: sida caadada ah marka deeqsigu yidhaahdo qofkaa anigaa si gaar ah wax u siinaya, waxa ay astaan u tahay in uu wax weyn bixinayo. Markaa in Alle abaalmarinta soonka gaar u sheegtay waxaa laga qaadanayaa in ay tahay abaalmarin aad u weyn.
وَلِلَّهِ الْمَثَلُ الْأَعْلَىٰ ۚ
Fasiraad kale ayaa waxa ay leedahay: Alle SWT uma baahna cunto iyo wax la mid ah oo waa ka hufan yahay baahiyaha makhluuqaadka. Markaa qofka soomay waxa uu Alle ugu dhowaaday tilmaan ka mid ah tilmaamihii Alle, taas ayaana soonka ka soocda cibaadooyinkii kale. Ibnu Xajar waxa uu leeyahay culimadu waxa ay isku raaceen in soonka laga hadlayaa uu yahay midka ka badbaaday macaasi hadal iyo ficilba.
Xuquuqda qormadan waxay u sugan tahay Sh Muxummed Yuussuf.
La soco qaybta labaad.