Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Shirka Amniga koonfur-galbeed oo looga hadlay xoojinta Amniga
    September 6, 2025
    Taliyaha Ciidanka Booliiska oo kormeeray xarunta dambi baarista
    September 6, 2025
    Dr Xabeeb iyo wafdi dhakhaatiir ah oo gaaray degmada Cadaado
    September 6, 2025
    NISA oo hawlgal ku dishay in ka badan 12 khawaarij ah
    September 6, 2025
    Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya
    September 5, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Illaa kun ruux oo ku dhintay dhul go’ ay sababeen roobab ka da’ay Sudan
    September 2, 2025
    Dhulgariir geystay khasaarooyin kala duwan oo ka dhacay Afganistan
    September 1, 2025
    Madaxda Ruushka & W/Kuuriya oo todobad kadib ku wajahan Shiinaha
    August 28, 2025
    Drone nooc cusub ah oo Dunida ku soo biiray
    August 16, 2025
    Gobolka Florida oo laga hirgalinaayo xarun 2-aad oo lagu hayo soo galootiga
    August 15, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Gobolka Banaadir oo qeyb ka noqday abaabulka wajiga cusub ee la dagaalanka khawaarijta
    August 30, 2025
    Xogaha Shidaalka Soomaaliya (WARBIXN)
    August 29, 2025
    La yaab yaysan kugu noqon
    August 27, 2025
    MA DOONEYSAA ABAALMARIN GAAREEYSA ILAA $10 MILYAN OO DOLLAR?
    August 23, 2025
    Nooc cusub oo laga helay hubkii laga furtay Shabaabka (WARBIXIN)
    August 11, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Ra’iisul wasaare Xamse oo furay kulan ciyaareedka xidigaha halyeeyada Soomaaliya iyo Afrika.
    May 27, 2025
    Wasiirka duulista hawada oo qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay
    May 27, 2025
    Muqdisho oo berri martigelineysa ciyaaryahanno caalami ah
    May 26, 2025
    Muqdisho oo isu diyaarinaysa soo dhoweynta wafdi sare oo ka socda FIFA iyo CAF
    May 20, 2025
    Degmada Heliwaa oo 14 dhibcood kaga badisay degmada Laascaanood
    March 1, 2025
Reading: Dhibaatada maandooriyaha( WARBIXIN)
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Maqaallada > Dhibaatada maandooriyaha( WARBIXIN)
Maqaallada

Dhibaatada maandooriyaha( WARBIXIN)

By Axmed
Last updated: January 16, 2023
3 Min Read
Share

Muqdisho (SONNA) Maandooriyaha nuucyadiisa kala duwan sida Xashiishka, Jaadka, Tubaakada, Taabuuga IWM ayaa dhibaato ku haya bulshada gaar ahaan dhalinyarrada da’ yarta ah, waxaana bahda caafimaadka ay ka digayaan saameynta taban ee ka dhalan karta xaaladan.

Xanuunada halista ah ee laga dhaxlo dhibaatadani ayaa waxaa kamid ah qabatinka (Addiction), cudurada ku dhaca maskaxda nuucyadooda kala duwan sida Walwalka, Niyad-jabka iyo Waalida.

“Marka aan bilaabaayay daaweynta xanuunnada Nafsiga ah, waxa aan ogaaday in uu aad u kordhaayay xanuunnada Nafsiga oo in badan ay sababaan daroogada” ayay tiri Dr Idil Cawil Cilmi oo ka qeyb-gashay shir looga hadlayay ka hortagada dhibaatada Moondooriyaha oo dhowaan Muqdisho lagu qabtay.

Sababaha ugu waa wayn ee keeni kara in qofka uu isticmaalo Maandooriyaha waxaa kamid ah Shaqo-la’aanta jirta, sidaasi waxaa lagu soo bandhigay shir looga hadlayay ka hortagada dhibaatada Moondooriyaha oo dhowaan lagu qabtay Magaalada Muqdisho.

Dr Ibraahim Dhaqane Cali oo kamid ah dhaqaatiirta ka howlgala magaalada Muqdisho ayaa soo bandhigay sababta dhalinayarrada u isticmaalaan Maandooriyaha, taasi oo uu ku tilmaamay shaqo la’aanta iyo in ay awood ka raadinayaan.

Marka laga soo tago saameynta Shaqsiga qofka isticmaalaya Maandooriyaha waxaa sidoo kale jira dhibaato bulshada ay kala kulmi karaan ruuxaasi.

Axmed Maxmuud oo ah bare wax ka dhiga mid kamid ah Jaamacadaha Muqdisho oo la hadlay Wakaaladda Wararka ee SONNA ayaa tilmaamay in dhibaatooyin badan uu Maandooriyaha ku keeni karo Bulshada.

“Dadka inta badan isticmaala Maandooriyaha waxaa ay si fudud u geysan karaan falalka Amniga lidiga ku ah, taasi oo dhiiri gelin karta sare u kaca dambiyada ” ayuu yiri Bare Axmed Maxamuud.

Abuukar Cawaale qaad-diid oo ka hadlay aafadda maandooriyaha iyo dhibaatooyinka uu sababo ayaa xusay in maandooriyuhu ka sokow inuu halis ku yahay caafimaadka qofka sidoo kalena uu sababo dhaqaale burbur iyo qoys burbur taas oo sababi karta marka qoyska burburo in caruurta dayacanto duruufahana looga faa’iidaysto” qoyska marka uu burburo caruurta ayaa khatar u gelaysa in kooxaha balwadaha isticmaala ay u gacan galaan,sidoo kale waxay sababi kartaa Amni darro sida qofka inui wax dilo ama ku biiro kooxaha dambiileyaasha ah” ayuu yiri Abuukar qaad-diid.

Taliyaha hoggaanka Diinta iyo dhaqanka Ciidanka Booliska soomaaliyeed gaashaanle sare Mirre Axmed Mataan ayaa dhankiisa sheegay in loo midoobo la dagaalanka maandooriyaha sidoo kalena xusay in Heya’addaha ku shaqada leh la dagaalanka maandooriyaha ee kala ah Booliska,Wasaaradda Caafimaadka,gobolka Banaadir iyo wasaaradda diinta iyo awqaafta doorkooda qaadaan tallaabooyin dheeraad ahna la yinaadaan.

Madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka Soomaliya Mudane Xasan sheekh maxamuud ayaa dhowaan si adag uga hadlay dhibaatadda maandooriyaha, isagoo Talisyadda ciidanka Booliska faray in ay ka ilaaliyaan in Ciidanku isticmaalaan maandooriyaha.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Shirka Amniga koonfur-galbeed oo looga hadlay xoojinta Amniga

Baydhabo(SONNA):-Madaxweynaha Koonfur-galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Guddoomiyey Shirka Golaha Amniga Koonfur-galbeed oo looga…

September 6, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Maxaa ka soo baxay Safarkii Xoghayaha IGAD (WARBIXIN)

Urur goboleedka IGAD Waa midaw ay ku bahoobeen waddamo dhaca Geedska Afrika, Ururkaan waxa la aas-aasay bishii January ee sanadkii 1986-kii, waxaana…

GudahaMaqaallada
September 18, 2024

Ka hortaggu waxa uu ka wanaagsan yahay xallinta dhibaatada (Warbixin) 

Dal dhisan iyo dad isjecel waxaa la helaa marka  qof,qoys ama bulsho ay u istaagaan dhowrista deegaanka iyo ka hortagga…

MaqaalladaWararka
December 5, 2019

26-ka juun “Curashadii Maandeeq”

26-ka Juun waa maalin taariikh wayn ku leh Ummada Soomaaliyeed, islamarkaana ku daabacan qalbiga shacabka, kuna abuurtay dareen hiloow farxadeed…

GudahaMaqaallada
June 26, 2023

Go’aankii Culimadda ee ku aaddanaa la dagaalanka khawaariijtu ku kordhiyey hawlgalada socda

Muqdisho(SONNA):-Dhowaan ayaa Muqdisho lagu soo gabo gabeeyey Shirka Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Culimaa’udiinka Soomaaliyeed oo lagu gorfeynayey sidii loo ciribtiri…

MaqaalladaWararka
February 6, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023