Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Xildhibaano ka tirsan golaha shacabka oo shirka kaga qayb galay Itoobiya
    December 19, 2025
    Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo Qaahira kaga qeyb galay Shirka labaad ee Madasha Wax-wadaagga Ruushka iyo Afrika
    December 19, 2025
    Guddoomiye kuxigeenka arrimaha bulshadda iyo wacyigelinta gobolka Banaadir oo kormeeray ololaha nadaafada xeebta Liido
    December 19, 2025
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Ra’iisul wasaaraha Itoobiya
    December 19, 2025
    Wasiirada Kalluumaysiga iyo Dekedaha XFS oo kulan muhiim ah la yeeshay Masโ€™uuliyiin Turki ah
    December 19, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
    Qaramada Midoobay oo cambaareysay weerarkii Israel ee masjid ku yaalla Daanta Galbeed
    November 14, 2025
    Turkiye oo soo dhoweysay qaadidda cunaqabateyntii saarneyd maamulka Suuriya
    November 7, 2025
    Shacabka Magaalada New York oo doortay duqii ugu horeeyay oo muslim ah
    November 5, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Warbixin: Muhiimadda Weyn ee Hannaanka Dawladnimo ee Hanaqaaday
    December 9, 2025
    Taariikh nololeedkii: AUN Marxuum Cali Hagarey ( Warbixin)
    December 7, 2025
    Macallinka waa barbaariyaha iyo hagaha Bulshada
    November 22, 2025
    Bixinta Kaararka Doorashada Golaha Deegaanka oo Ka Bilaabatay Muqdisho
    November 16, 2025
    Soomaaliya iyo Aljeeriya oo xoojinaya xiriirkooda
    November 11, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐Ÿ๐Ÿ-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐ˆ๐ฌ๐ค๐š๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐š ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐’๐ก๐ข๐ข๐ง๐š๐ก๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐–๐š๐๐š๐ฆ๐š๐๐š ๐‚๐š๐ซ๐š๐›๐ญ๐š
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN)ย 
    April 19, 2025
    ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐Œ๐š๐ซ๐ž๐ฒ๐ค๐š๐ง๐ค๐š ๐จ๐จ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฌ๐š๐ฑ๐ข๐ข๐ฑ๐๐š๐ฒ ๐‡๐ž๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ž๐ž๐ ๐จ๐จ ๐ ๐š๐š๐ซ๐š๐ฒ๐š $๐Ÿ”๐Ÿ–.๐Ÿ“ ๐Œ๐ข๐ฅ๐ฒ๐š๐ง
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Dagaalka tooska ah ee Dowladda ku qaaday kooxda khawaariijta oo sababay in khawaariij la kulanto jabkii ugu xumaa
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
ยฉ2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Maqaallada > Dagaalka tooska ah ee Dowladda ku qaaday kooxda khawaariijta oo sababay in khawaariij la kulanto jabkii ugu xumaa
MaqaalladaWararka

Dagaalka tooska ah ee Dowladda ku qaaday kooxda khawaariijta oo sababay in khawaariij la kulanto jabkii ugu xumaa

By SB
Last updated: February 20, 2023
7 Min Read
Share

Muqdisho(SONNA):-Dowladda Soomaaliya ayaa muddo ku dhow 7- bilood dagaal kula jirta Kooxda Maleeshiyaad Argagixisada ah ee Khawaarijta, waxaana laga abaaray dhinacyo badan, waxaana lagula diraray qaab dhameystiran, kaasi oo isugu jira ina lagu wajaho dagaal iyo guluf xooggan oo dhinaca Ciidamada ah, waana looga guuleystay, waxaa kaloo laga wajahay dhinaca fikirka, taasi oo ay Culumaaโ€™diinka Soomaaliyed caddeeyeen inay yihiin Khawaarij, uuna bannaan yahay dagaalkooda iyo kan dhaqaalaha oo isna hirgalay, waxaana soo baxaya baaqyo badan oo Dadka looga digaayo inay lala macaamilo Kooxdaasi,

Heyโ€™adda Sirdoonka iyo Nabad sugida qaranka NISA ayaa uga digtay ganacsatada inay u hoggaansamaan amarrada Khawaarijtu ay ku doonayaan inay ku boobaan hantidooda, kadibna loo isticmaalo hantidaas gumaadka shacabka Soomaaliyeed.

War qoraal ah oo ka soo baxay Heyโ€™adda NISA oo nuqul kamid uu soo gaaray SONNA ayaa lagu sheegay in Heyโ€™adda NISA ay si dhow ula socoto isku dayo ay khawaarijtu ugu yeereyso dad ganacsato ah deegaan Kuunyabarow hoos yimaada gobolka shabeelada Hoose.

Heyโ€™adda Sirdoonka iyo nabadsugidda Qaranka waxay si dhow ula socotaa isku dayo khawaarijtu ugu yeeriyaan Dad Ganacsato ah deegaanno hoos yimaada Gobolka Shabeelada Hoose, haddaba Heyโ€™addu waxa ay uga digeysaa Ganacsatada in ay u hoggaamansamaan ammarada Khawaarijtu ku dooneyso ina ay ku boobaan hantidooda, kadibna loo istcmaalo hantidaasi gumaad Dadka Shacabka ah.

Sidoo kale Heyโ€™addu waxay ugu baaqeysaa Shacabka Soomaaliyeed in ay ka fogaadaan Xaruuaha Khawaarijta, maadaaa ay bartilmaameed u yihiin Heyโ€™adahas Amniga Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Dhinaca kale kooxda khawaariijta ayaa ganacsatada isku day fashilmay ku raadisay in ay ganacsatada ku amarto in ay ugu tagaan degmada Jilib ee gobolka Jubada dhexe taas oo masaafo ahaan aad uga fog deegaanadii ay markii hore ugu yeeri jirtay ganacsatada oo ahayd deegaano aan ka fogayn caasimadda,balse jabka gaaray kooxda ayaa sabab u ah in ay jilib iyo jubadda dhexe ku aruurto,sida ay ogaatay Warbaahinta Qaranku dalabaadka kooxda khawaariijta waxa gabi ahaan ba ganafka ku dhuftay ganacsatada Soomaaliyeed tan oo khawaariij uga daran jabka uu gaarsiiyey dagaalka militarigu,dowladda ayaa xirtay in ka badan 250 Account Bangi iyo malaayiin dollar oo ku jirtay.

Sidoo kale Guddiga la dagaallanka lacag dhaqidda iyo maalgalinta Argagixisada ayaa goโ€™aano adag oo ka soo baxay waxaa lagu faray shirakadaha, dadka ka ganacsada dhulalka iyo dhismayaasha inay iska diiwaangeliyaan, islamarkaana ogolaansho ka heystaan wasaaraddaha iyo hayโ€™addaha ku shaqada leh muddo sadex (3) usbuuc ah, iyadoo hayโ€™adaha maaliyadeed, Bankiyada, Xawaaladaha iyo Shirkadaha bixiya adeegyada lacagaha mobile-lada lagu faray inay ku soo gudbiyaan warbixinadda ay warsadaan hayโ€™addaha ku shaqada leh sida Xafiiska Xeer-Ilaaliyaha Guud muddo 24 saac guddahood

Dhanka kale bulshadda Soomaliyeed ayaa la wargaliyay in ay ka fogaadaan talaabo kasta oo caawin karta khawaarijta, gaar ahaan dembiyada lacag dhaqidda iyo maalgelinta Argagixisada, wuxuuna Warbaahinta u akhriyey Goโ€™aanno adag oo ka soo baxay Guddiga la dagaallanka lacag dhaqidda iyo maalgalinta Argagixisada.

Goโ€™aanadaan ayaa si khaas ah u khuseeya Xawaaladaha iyo shirkadaha ka shaqeeya arrimaha dhulka iyo kuwa isgaarsiinta, sidaasi awgeed ayuu Guddiga Qaran ee la-dagaalanka Lacag Dhaqidda iyo ka-hortagga Maalgelinta Argagixisada(National Anti-money laundering and Combating terrorist Financing Committee-NAMLC).ayaa Markii uu arkay: Xeerka Ka-hortaga Lacag dhaqidda & Maalgelinta Argagixisada.Markii uu arkay: Waajibaadka shaqo ee guddiga.Markii uu yaqiinsaday: inay waajib tahay in ilaha dhaqaale ee ay ka faaโ€™iidaysan karaan khawaarijta laga hortago, lana adkeeyo dadaalada Dowladda ay ku xannibayso tubooyinka iyo marinada dhaqaale ee khawaarijta.Markii uu garwaaqsaday: Dagaalka khawaarijta Al-shabaab iyo dhamaan argagixisada dalka ka jira ee uu ku dhawaaqay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane: Xasan Sheekh Maxamuud.Markii uu dhagaystay: Jihaynta Madaxwaynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya iyo Raโ€™iisal wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya, markaasi kadib ayuu Guddigu soo saaray goโ€™aannada ku aadan sidii loo ciribtiri lahaa meelaha ay dhaqaalaha ka hekaan Kooxda maleeshiyaad Khawaarijta.

Goโ€™aanada oo dhammaantood aad muhuum u ah ayaa waxa aan mid mid u dul istaagi doonnaa, inaga oo ka bilaabi doonno qodobka kowaad oo u qoran sidan:-

Guddigu waxa uu muwaadiniinta Soomaliyeed ku wargalinayaa in ay ka fogaadaan talaabo kasta oo caawin karta khawaarijta, gaar ahaan dembiyada lacag dhaqida iyo maalgelinta Argagixisada.
Qodobkaan faahfaahintiisa ah ayaa ah, Lacag dhaqida iyo maalgelinta Argagixisada waa dambiyo waaweyn si waafaqsan qodobada 2-aad iyo 3-aad ee sharciga ka hortaga lacag dhaqida & maalgelinta Argagixisada, kaasi waa cad yahay.

Qodobka 2-aad ayaa u qoran sidan:- .Dhammaan shirakadaha, dadka ka ganacsada dhulalka iyo dhismayaasha waa inay iska diiwaangeliyaan, islamarkaana ogolaansho ka heystaan wasaaraddaha iyo hayโ€™addaha ku shaqada leh, iskuna diiwaangeliyaan muddo sadex (3) usbuuc gudahooda oo ka bilaabanta taarikhda marka ay tahay 11/02/2023. Ciddii aan isku diwaangelin muddadaas, waxaa lagu qaadayaa ciqaabahaku xusan qodobada 28-aad iyo 29-aad ee sharciga ka hortagidda lacag dhaqida iyo maalgelinta argagixisada iyo qodobka 332-aad ee xeerka ciqaabta Soomaaliyeed oo kala ah:-

Xabsi ciqaabeed
Ganaax lacageed
Xayiraad safar
Kala noqosho shati ganacsi &
In la isugu daro dhammaan ciqaabaha kor ku xusan.
Haddaba war lee maan wadeynaa waa cad yahay qodoboda looga digayo Ummdda Soomaaliyeed inaysan ku kadsoomin la macaamilka Kooxada Argagaxisada ah, iyo waliba sharigii lagu qaadi lahaa hadday ku dhacaan dabinada loo dhigay, waxaana jiri doona dabagal iyo la xisaabtan meelaha lagu tuhmaayo inay xiriir la leeyihiin Kooxaha Argagixisada ah, maadama looga wada adkaaday dhinacyada Militariga, Fikirka iyo dhanka Dhaqaalaha, ayaa sharciyadaani ku sii giijinaayaan xayiraadda dhanka dhaqaalaha ee saran Khawaarijta.

Haddaba falanqeeyayaashu maxay ka yiraadeen Goโ€™aanka Dowladda Soomaaliya ee ku aadan Goโ€™aanka Guddiga la dagaalanka lacag dhaqista iyo maalgalinta Argagaxisada?

La soco qaybta labaad.

Qore Cabdilaahi Ruush.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Xildhibaano ka tirsan golaha shacabka oo shirka kaga qayb galay Itoobiya

Muqdisho(SONNA):- shirka Isbahaysiga Baarlamaanka Bariga Afrika ee Amniga Cuntada iyo Nafaqada oo maalmihii lasoo dhaafay…

December 19, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA)ย Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Raโ€™iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Raโ€iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Soomaaliya iyo Midawga Yurub oo ka wada hadlay deyn cafinta iyo qodobbo kale+Sawirro

Muqdisho-(SONNA)-Dowladda Soomaaliya iyo midowga Yurub ayaa Maanta ka wada hadlay kobcinta dhaqaalaha, xaqiijinta guulaha laga gaaray deyn cafinta iyo maal…

Wararka
December 9, 2019

Raโ€™iisul Wasaare Rooble oo Magacaabay Guddi Qaran ee aaska Marxuum Cali Khaliif Galeyr

Muqdisho (SONNA)- Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo ugu horeyn Ummadda Soomaaliyeed uga tacsiyadeeyay geerida Raโ€™iisul…

Wararka
October 8, 2020

Ciidanka Xoogga Dalka oo Hiiraan ku dilay xubno ka tirsanaa Al-Shabaab

Buulo-burte-(SONNA)-Howl-gal ballaaran oo ay Ciidanka xoogga Dalka Soomaaliyeed ka sameeyeen inta u dhaxaysa Degmooyinka Buulo-burte iyo Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan…

Wararka
April 5, 2020

Ciidamada Suudaan oo kala diray dowladdii, isla markaana xiray R/wasaaraha ย 

Milatariga Suudaan ayaa xabsi guri geliyay raโ€™iisul wasaare Cabdalla Xamduuk,ka dib markii uu diiday inuu taageero afgambi ciidan, sida ay…

Caalamka
January 7, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US:ย 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

ยฉ2023