Muqdisho.(SONNA):- In kabadab 77-Ruux oo muhaajiriin ah oo saarnaa Doon ku qalibaan tay meel ka baxsan xeebah dalka Jabuuti,waxaana halkaasi gurmad deg deg ah u fidiyay dadka ku waxyeelloobay doonida ciidanka ilaalada xeebaha ee dalka Jabuuti iyagoo soo badbaadiyay 32 ruux oo ka mid ah dadka ay la quustay doonida ay saarnayeen.
Halka ay ku geeryoodeen 21 Ruux oo ka mid ahaa dadkii saarnaa doonta oo kala ahaa Shan haween ah ,Shan iyo toban rag ah iyo Ilmo yar oo Carruur ah oo aan la sheegin da’disa,waxaana ilaa hadda aan raq iyo ruux lagu hayn 24 qof o ka mid ah dadkii musiibadu ku dhacday ee doonta saarnaa.
Ciidanka ilaalada xeebaha ee dowladda Jabuuti ayaa wali wadda dadaallo lagu baadi goobay dadka muhaajiriinta ahaa ee ilaa hadda lagu la’yahay badda ee aan nolol iyo geeri midna lagu hayn.
Halkaan hoose ka daawo Muuqaalka gurmadka ay dadkaasi lagu baadi goobayo ee wali socda.