Ciidamada qaranka iyo kuwa macawisleeyda ee deegaanka Xaradheere ayaa Xalay Howlgal Qorshaysan ka fuliyay Deegaan u dhow tuulada Dumaaye oo ka tirsan gobolka Mudug.
Howlgalkaasi ayaa lagu Qaarijiyay Horjoogayaal uu ka mid ahaa Liibaan dheere,kaas oo Degmada Xaradheere u qaabilsanaa maamulka tuulooyinka hoostaga.
Wasiirkii hore ee Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Galmudug Xusein Cabdi Xasan oo ka mida hogaamiyaasha Macawisleyda degmada Xarardheere ayaa xaqiijiyay in howlgalkaan lagu Qaarijiyay illaa Afar horjooge iyo maleeshiyaad kale oo la socday,isagoo intaa raaciyay in qasare la gaarsiiyay laba gaari oo ay wateen kooxdaasi khawaarijta ah.