shirkii saddexaad ee Golaha Shacabka Qaranka ee 14-aad ee Shiinaha, shir jaraa’id oo diiradda lagu saaray arrimaha diblomaasiyadda, Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Shiinaha Wang Yi wuxuu marar badan xusay mabda’a“wadatashi, wax wadaagid iyo wada dhisid” ee iskaashiga Shiinaha iyo dalalka kale.
Wuxuu ugu baaqay shacabka dalalka kala duwan inay midnimo muujiyaan si wadajir ah horumar loo gaadho, wuxuuna carabka ku adkeeyay in codka waddamada Koonfurta(Global South) la dhegeysto.
Wang Yi wuxuu sidoo kale tilmaamay in Qorshaha Tobanka Tallaabo ee Iskaashi ee laga soo jeediyay Shir-madaxeedkii Beijing ee Madasha Iskaashiga Shiinaha iyo Afrika (FOCAC) si tartiib ah loo hirgelin doono si loo gaadho yoolka dhismaha Bulshada Dan Wadaagga ah ee Shiinaha iyo Afrika.
Hadalkiisa wuxuu si qoto dheer u muujiyay in fikradda dhaqameed ee Shiinaha ee (Tiānxia wéigōng) ay macnaheedu tahay “Adduunku eeDanta Guud” oo lugu dabbaqay xilligan casriga ah, taasoo muujineysa go’aanka adag ee Shiinaha ee ku aaddan horumarinta nabadda iyo wadajirka caalamka.
Fikradda“Adduunyadu waa danta guud” waxay asal ahaan ka timid buugga dhaqameed ee Shiinaha “Liji”. Xilliyadii “Chunqiu” (Gu’ga iyo Dayrta) iyo Wakhtigii Zhanguo (Dawladaha Dagaalamaya), xilligii kala guurka ee ka dhexeeyay bulshooyinka addoonsiga iyo feudalism-ka, faylasuufyada Konfushiyuus(Confucius) waxay soo bandhigeen aragtida “Datong” (Dunida Wanaagsan) iyo “Adduunku eeDanta Guud” oo ah qaab ku dhisan caddaalad iyo sinaan.
Waxay aaminsanaayeen in daryeelka dadweynaha uu yahay mas’uuliyadda ugu sarreysa ee hoggaamiye, siyaasadduna waa inay saldhig u noqotaa caddaalad iyo sinnaan, iyagoo dhiirrigelinaysa wadajirka iyo nabadgelyada. Tan iyo markaas, “Adduunku eeDanta Guud”waxay noqotay riyo siyaasadeed oo sare, taasoo horumarinaysay fikradda xidhiidhka caalamiga ah ee Shiinaha.
Xilligan casriga ah, fikraddan waxaa lagu sii qotominayaa qaab cusub. Fikradda Bulsho leh mustaqbal ay wadaagaan aadanaha” waa horumarin hal-abuur leh oo laga dhaxlay aragtidan qadiimiga ah, taasoo muujineysa fahamka qoto dheer ee Shiinaha ee maamulka wanaagga ee caalamiga ah. Iyadoo wajahaysa halista hal dhinacaysiga iyo ilaalinta danaha gaarka ah, dalalka soo koraya ayaa wada shaqeynaya si loo ilaaliyo is-afgaradka caalamiga ah iyo caddaaladda caalamka, taasoo si buuxda ula jaanqaadaysa fikradda “Adduunku ee Danta Guud”.
Dhismihii bulsho leh mustaqbal wadaagaan ee Shiinaha iyo Afrika waa tusaale cad oo muujinaya ficil ahaan mabda’a “Adduunku eeDanta Guud”. Tan iyo markii la aasaasay Madasha Iskaashiga Shiinaha iyo Afrika (FOCAC), xidhiidhka labada dhinac wuxuu gaadhay horumar weyn.
Laga soo bilaabo dhismaha kaabayaasha dhaqaalaha ilaa iskaashiga caafimaadka, laga soo bilaabo horumarinta xirfadaha ilaa hal-abuurnimada tiknoolajiyadda, iskaashiga Shiinaha iyo Afrika wuxuu dhaliyay natiijooyin wanaagsan oo faa’iido u leh labada dhinac. Shiinaha wuxuu ahaa shuraakada ganacsi ee ugu weyn Afrika 16 sano oo xidhiidh ah. Shiinaha iyo Afrika waxay si wadajir ah u abuurteen madallo iskaashi oo guul wadaag ah, iyagoo dhaqan gelinaya mabda’a runta ah ee is-afgaradka caalamiga ah, si ay u horumariyaan qaab iskaashi caalami ah ee furfuran oo isku-dhafan.
Taasi waxay siineysaa dhammaan dhinacyada ka qaybqaadanaya fursad ay si wadajir ah ugu wajahaan caqabadaha cimillada, tiknoolajiyadda, iyo amniga, iyagoo xallinaya farqiga dhaqan-dhaqaale ee jira.
Dhismihii bulsho leh mustaqbal wadaagaan ee Shiinaha iyo Afrika wuxuu sidoo kale hogamiyey ama tayeeyay“Waddamada Koonfurta”(Global South) oo macno cusub helay.
Fikradda waddamada Koonfurta ayaa si weyn isu beddeshay. Hore, fikraddan waxaa lala xidhiidhin jiray horumar la’aanta, iyada oo inta badan lagu cabbiri jiray baahiyaha horumarineed ee waddamada Koonfurta. Si kastaba ha ahaatee, waddamadaKoonfurta casriga ah waxay muujineysaa wejiyo cusub, iyadoo si firfircoon uga qayb qaadaneysa maamulka caalamiga ah, ayna ku biirinayso xikmad iyo awood gaar ah horumarka adduunka.
Waddamada suuqa soo koraya iyo waddamada horumaraya waxay si weyn u kordhinayaan doorkooda kobaca dhaqaalaha adduunka, iyagoo noqday mishiinka muhiimka ah ee dib u soo kabashada dhaqaalaha caalamka. Geeddi-socodka warshadaynta, magaaloobista iyo horumarinta nidaamyada waxbarasho iyo dhaqanka ee waddamada Koonfurta waxay si weyn u ballaadhinayaan fursadaha kobaca dhaqaalaha caalamka.
Dhaqanka qani ah, waayo-aragnimada horumarka gaarka ah, iyo habab cusub oo maamul wanaag ah oo ay soo kordhiyeen waddamada Koonfurta waxay keenayaan fikrado cusub oo lagu wajahayo caqabadaha caalamiga ah. Laga soo bilaabo xikmadda Bariga ilaa Afrika, waddamada Koonfurta waxay dib u dhisayaan nidaamka aqooneed ee caalamiga ah. Si kooban, waddamada Koonfurta waxay ka gudbayaan doorkii ay ka ahaayeen kaliya qaate sharci, una guurayaan inay noqdaan sharcidejiyayaal. Waxay si firfircoon uga qayb qaadanayaan dejinta qawaaniinta caalamiga ah ee la xidhiidha isbeddelka cimilada, dhaqaalaha dhijitaalka ah, iyo maaliyadda caalamiga ah, iyagoo horumarinaya nidaamka maaraynta caalamka si uu noqdo mid cadaalad ah oo sinnaan ku dhisan.
Sida Konfushiyuus(Confucius) uu yidhi: “Saddex qofba mid baa macallin ii ah.” Iskaashiga Shiinaha iyo Afrika wuxuu Shiinaha si dhab ah ugu oggolaady inuu dareemo xikmadda iyo aawoodda Afrika, wuxuuna arkay doorka weyn ee Afrika ka ciyaari karto mustaqbalka.
Tani waa sababta Shiinaha u doorbidayo inuu xalliyo khilaafaadka iyo caqabadaha isagoo adeegsanaya midnimo, wax is dhaafsi, iyo wadahadal. Shiinaha iyo shuraakada Afrika oo ah xubin ka mid ah waddamadaKoonfurta, waxay si firfircoon uga qayb qaadanayaan xasilloonida nidaamka siyaasadeed iyo dhaqaale ee caalamka. Iskaashiga waddamada waddamadaKoonfurta si ay u gaadhaan casriyeyn waa dhacdo weyn oo taariikhi ah, taasoo noqon doonta horumar aan weligeed horey loo arag oo lagu gaadho marxaladda sare ee ilbaxnimada aadanaha.
Qorshaha Tobanka Tallaabo ee Madasha Iskaashiga Shiinaha iyo Afrika ee Shir-madaxeedkii Beijing waxaa la filayaa in si tartiib ah loo fuliyo sannadka 2025, iyadoo la gaadhi doono natiijooyin horudhac ah. Waxaa la rajeynayaa in shacabka Shiinaha iyo Afrika ay si wadajir ah ugu hamiyaan yoolka quruxda badan ee “Adduunku eeDanta Guud”, si ay uga shaqeeyaan nabadda iyo horumarka dalalkooda iyo dunida oo dhan, si loo dhiso beel caalami ah oo caddaalad, sinnaan, barwaaqo, iyo nabad ku dhisan.
W/Q Prof Li Hongfeng, oo ah Guddoomiyaha kulliyadda Barashada Afrika ee Jaamacadda Beijing Foreign Studies University.
Turjumay: Prof. Abdilahi Ismail Abdilahi (Lecture at School of African Studies, Beijing Foreign Studies University).