Muqdisho(SONNA):-Boqolaal ka mid ah shacabka, gaar ahaan dhalinyarada Caasimadda, ayaa caawa isugu soo baxay bartamaha isgoyska Taleex, iyagoo muujinaya taageeradooda kacdoonka Nadaafadda iyo Bilicda Caasimadda Dalka.
Dhalinyarada isu soo baxday ayaa adkeeyay sida ay uga goโan tahay in ay doorkooda ka qaataan hagaajinta, nadaafadda iyo qurxinta Caasimadda, iyagoo muujiyay wacyigelin iyo masuuliyad bulsho oo sareysa.
Ololaha isxilqaanka nadaafadda Caasimadda, oo ay hormuud u yihiin qaar ka mid ah dhalinyarada caanka ka ah baraha bulshada, ayaa noqday mid muujinaya diyaar garowga dhallinyarada Soomaaliyeed ee ku aaddan ilaalinta bilicda iyo horumarinta dalka.
