Muqdisho(SONNA):-Booliska Soomaaliya oo diyaargarow ugu jira Xuska Sanad Guurada 82-aad ee kasoo wareegatay Aas Aaska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed
Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa Xarunta Akadeemiyada Ciidanka Booliiska ee Generaal Kaahiye oo dib u habayn lagu sameeyey Salaan uga qaatay Cutubyada loo diyaariyey Xuska Sanad guurada 82-aad ee kasoo wareegatay markii la asaasay Ciidanka Booliiska.
Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ayaa la aas aasay 20 December 1943-kii.
