Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Safiirka Soomaaliya ee Aljeeriya oo la kulmay wasiirka tacliinta sare ee dalkaas
    July 15, 2025
    Wasiirka arrimaha gudaha iyo mas’uuliyiin kale oo kulan la qaatay qaar ka mid ah waxgaradka SSC Khaatumo
    July 15, 2025
    Sanad guurada 9-aad ee afgambigii fashilmay ee Turkiga oo Muqdisho lagu qabtay
    July 15, 2025
    Wasiirka Caddaaladda oo maanta ka qaybgalay daahfurka mashruuc lagu horumarinayo xirfadaha shaqaalaha dowladda
    July 15, 2025
    Ra’iisul Wasaaraha XFS oo qaabbilay Safiirka dowladda Switzerland u fadhiya Soomaaliya
    July 15, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Hay’adda Qaxootiga Dunida oo walaac ka muujisay joojinta Giriigga ee codsiyada magangalyo doonka
    July 11, 2025
    Baadigoobka dad lagu la’yahay daadadkii Texas oo weli socda
    July 6, 2025
    Donald Trump oo riixaya xabbad-joojin cusub oo laga hirgaliyo Gaza
    July 4, 2025
    Turkiga oo qorsheynaya in la ballaariyo nidaamka hubka difaaca ee dallkiisa
    June 27, 2025
    Kulan la doonayo in lagu qaboojiyo xiisadda Israel iyo Iran oo ka dhacaya Geneva
    June 20, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Cabdulqaadir Ikrama oo Madaxiisa saran tahay $5 Milyan
    July 14, 2025
    Sidee buu iskaashiga BRICS u qaabeynayaa Mustaqbalka Afrika? (WARBIXIN)
    July 12, 2025
    Jacaylka Af Soomaaliga iyo Ardayda Shiinaha
    July 2, 2025
    Xuska 27-ka June ee Maalinta Xoriyadda Jabuuti
    June 27, 2025
    26-ka juun “Curashadii Maandeeq”
    June 26, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Ra’iisul wasaare Xamse oo furay kulan ciyaareedka xidigaha halyeeyada Soomaaliya iyo Afrika.
    May 27, 2025
    Wasiirka duulista hawada oo qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay
    May 27, 2025
    Muqdisho oo berri martigelineysa ciyaaryahanno caalami ah
    May 26, 2025
    Muqdisho oo isu diyaarinaysa soo dhoweynta wafdi sare oo ka socda FIFA iyo CAF
    May 20, 2025
    Degmada Heliwaa oo 14 dhibcood kaga badisay degmada Laascaanood
    March 1, 2025
Reading: Bandhigga 14aad ee Carrwada Bugaagta Hargeysa oo maanta la daah-furay iyo Arrimo Xiiso leh oo sannadkan ku cusub (SAWIRRO)
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Bandhigga 14aad ee Carrwada Bugaagta Hargeysa oo maanta la daah-furay iyo Arrimo Xiiso leh oo sannadkan ku cusub (SAWIRRO)
Gudaha

Bandhigga 14aad ee Carrwada Bugaagta Hargeysa oo maanta la daah-furay iyo Arrimo Xiiso leh oo sannadkan ku cusub (SAWIRRO)

By Agaasimaha SONNA
Last updated: July 25, 2021
3 Min Read
Share

Hargeisa(SONNA)-Bandhigga Caalamiga ah ee Buugaagta (Hargeisa International Book Fair), ayaa maanta oo sabti ahayd si rasmi ah uga furmay Xarunta Dhaqanka ee Hargeysa, waxaanay socon doontaa muddo lix maalmood ah laga bilaabo 24-ka July ilaa 29 July 2021-ka.

Bandhiggan oo noqonayaa kii 14aad, waxa sannadkan hal-ku-dheg looga dhigay “Deris-wanaagga”, waxaana marti ku ah dalka Ethiopia oo agabkiisa hiddaha iyo dhaqanka iyo taariikhdiisa dhaqan ee uu leeyahay lagu soo bandhigay. Isla markaana waxa ka soo qeybagalay Wefti ka socda dawlada Federaalka Ethiopia iyo Dawlad-Deegaanka Soomaalida-ba DDS.

Guddoomiyaha Xarunta dhaqanka Hargeysa, ahna Aasaasaha Carwada Caalamiga ah ee Buugaagta Hargeysa Dr. Jaamac Muuse Jaamac oo ka hadlay Bandhigga, ayaa waxa uu yidhi, “Waxaynu isugu nimi bandhigii 14aad ee Bandhiga caalamiga ah ee Buugaagta Hargeisa, Carwada Buugaagta sannadkasta waxa cusub ayaa jira, dalka inoo martida ahi waa Ethiopia, sannadkan 2021 halku dhigu waa ‘Deris Wanaaga. Sannadkii hore waxa joojiyay carwada COVID 19-ka.

Maayirka Caasimadda Hargeysa Cabdikariin Ahmed Mooge ayaa isagoo ku hadlayey magaca caasimadda soo dhaweeyey wufuuddii ka kala socotay caalamka ee ka qayb-galay Bandhiga Caalamiga ah ee Buugaagta Hargeysa, waxaanu bogaadiyey doorka ay ku leedahay horumarka Dhalinyarada.

“Annaga oo ku hadlayaa magaca Caasimada Hargeysa waxaan aqoonsanay muhiimada bandhiga Buugaagta caalamiga ahi uu u leeyahay dhalinyarada, waxaan u mahad naqayaa intiina ka soo qeybgashay, waxaanan idiin rajaynayaa nasiib wanaagsan, waxaanan rajeynayaa inaad wakhti koobaan u heshaan magaalada, waxna ka ogaataan sida loogu nool yahay,si weyn ayaan idiin soo dhaweynayaa,” sidaas ayuu yidhi Duqa degmada Hargeysa.

Professor Siciid Saalax oo ka mid ah suugaan-yahanka iyo af-yaqaanka Soomaalida ayaa sharxay muhiimadda bandhiga Buugaagtu u leeyahay bulshada iyo is-dhexgalka dadka iyo dalalka deriska ah, isagoo ka sheekeeyey qiimaha ay lahaayeen hal-ku-dhegyadii hirgalay ee lagu suntay Bandhigga Caalamiga ah ee Buugaagta Hargeysa tobankii sanno ee u dambeeyey.    

Biniyamu Shetu oo hoggaaminayay kooxda hiddaha iyo dhaqanka ee ka socotay dalka Ethiopa oo dareenkiisa cabirayey, ayaa waxa uu yidhi, “Annagu waxaanu ka nimi Itoobiya oo ka kooban qoomiyado badan, qoomiyad-kasta waxay xidhaan dharka dhaqanka oo u gaar ah. waa markii noogu horeysay ee aan ka soo qeybgalno bandhiga Caalamiga ah ee Buugaagta Hargeysa maadama aanu African nahay isku dhaqan ayaanu nahay.”

Safiirka Midowga Yurub Amb. Nicolás Berlanga Martinez ayaa ballan-qaaday in Midowga Yurub uu Somaliland ka taageeri doono is dhexgalka bulshada iyo kor-u-qaadida qoraalka iyo dhaqanka, waxaanu dhalinyarada kula dardaarmay inay wakhti geliyaan is-dhexgalka, daris wanaaga iyo qoraalka. 

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Safiirka Soomaaliya ee Aljeeriya oo la kulmay wasiirka tacliinta sare ee dalkaas

Aljeris (SONNA): Danjiraha Dowladda Soomaaliya u fadhiya dalka Aljeeriya Yusuf Axmed Xasan (Yusuf Jeego) ayaa…

July 15, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Shirka Madasha Iskaashiga Soomaaliya iyo beesha Caalamka oo goor dhaw Muqdisho Ka furmaya

Muqdishu-(SONNA)- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa lagu wadaa inuu saacadaha soo socdo magaalada muqdisho ka furo Shirka…

GudahaWararka
December 7, 2020

Howlgallo ka dhan ah Khawaarijta oo laga fuliyay gobolka Shabeellaha dhexe 

Ururka 161.aad guutada 16-aad kumandoska danab iyo Horinta gawarida gaashaman ee CXDS ee Xoogga dalka ayaa Howlgal Qorsheysan ka fuliyey…

GudahaWararka
May 23, 2024

𝗥𝗮’𝗶𝗶𝘀𝘂𝗹 𝗪𝗮𝘀𝗮𝗮𝗿𝗲 𝗫𝗮𝗺𝘀𝗮 𝗼𝗼 𝗸𝘂𝗹𝗮𝗻 𝗹𝗮 𝘆𝗲𝗲𝘀𝗵𝗮𝘆 𝗠𝗮𝗱𝗮𝘅𝘄𝗲𝘆𝗻𝗲 𝗞𝘂 𝗫𝗶𝗴𝗲𝗲𝗻𝗸𝗮 𝗕𝗮𝗻𝗴𝗶𝗴𝗮 𝗔𝗱𝗱𝘂𝘂𝗻𝗸𝗮

  DaraSalaam, Tanzania(SONNA):-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Jamhuuriyadda Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo ka qaybgalaya Shir Madaxeedka Afrika ee…

GudahaWararka
July 25, 2023

Shirka gogosha wada-tashiga Qaran oo galay maalinta labaad

Muqdisho-(SONNA)-Ra’iisul Wasaaraha XFS, Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa sheegay in wada tashiga uu ka mid yahay tiirarka islaamka uu ku…

GudahaWararka
June 17, 2025

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023