Muqdisho(SONNA):-Iyadoo la qaadanayo hal-ku-dhigga “Horumarka Soomaaliya”, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Abdisalam Ali, ayaa martigeliyay Afur heer sare ah oo si guul leh u qabsoomay, looguna talagalay Diblomasiyiinta laga aqoonsan yahay Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Kas oo qaybgalka ballaaran ee Danjirayaasha iyo wakiillada caalamiga ah ayaa muujiyay qoto dheeraanta xiriirrada diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo kalsoonida dib loo cusboonaysiiyay ee ku aaddan jihada iyo horumarka dalka.
Wasiirku waxa uu u mahadceliyay Diblomaasiyiinta asigoo u muujiyay qaddarin ku aaddan wada shaqeyntooda, ka qeybgalka firfircoon iyo taageeradooda joogtada ah, xilli ay Soomaaliya dardargelinayso dadaalladeeda nabadeed, dowlad dhisidda, iyo mudnaanta horumarinta dhaqaalaha.
