Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Ra’iisul wasaare ku xigeenka 2-aad oo Muqdisho ka furay xuska maalinta caalamiga ah ee Xuquuqul Insaanka
    December 10, 2025
    Safiirka Soomaaliya ee dalka Ciraaq oo Baqdaad uga qayb galay shir muhiim ah
    December 10, 2025
    Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo la kulantay danjiraha Maraykanka
    December 10, 2025
    Wasiirro ka tirsan xukuumadda oo kormeeray degmada Cabdicasiis oo ay ka socota qaadashada kaarka codbixinta
    December 10, 2025
    Wasiirro kormeeray degmada Boondheere oo ay ka socoto qaadashada kaarka codbixinta
    December 10, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
    Qaramada Midoobay oo cambaareysay weerarkii Israel ee masjid ku yaalla Daanta Galbeed
    November 14, 2025
    Turkiye oo soo dhoweysay qaadidda cunaqabateyntii saarneyd maamulka Suuriya
    November 7, 2025
    Shacabka Magaalada New York oo doortay duqii ugu horeeyay oo muslim ah
    November 5, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Warbixin: Muhiimadda Weyn ee Hannaanka Dawladnimo ee Hanaqaaday
    December 9, 2025
    Taariikh nololeedkii: AUN Marxuum Cali Hagarey ( Warbixin)
    December 7, 2025
    Macallinka waa barbaariyaha iyo hagaha Bulshada
    November 22, 2025
    Bixinta Kaararka Doorashada Golaha Deegaanka oo Ka Bilaabatay Muqdisho
    November 16, 2025
    Soomaaliya iyo Aljeeriya oo xoojinaya xiriirkooda
    November 11, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo Faahfaahiyay Horumarka Geeddi-socodka Doorashada Degmooyinka Banaadir
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo Faahfaahiyay Horumarka Geeddi-socodka Doorashada Degmooyinka Banaadir

Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo Faahfaahiyay Horumarka Geeddi-socodka Doorashada Degmooyinka Banaadir

By Cumar
Last updated: December 9, 2025
2 Min Read
Share

Muqdisho (SONNA):-  Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha (GMDQS), Mudane Cabdikariim Axmed Xasan, ayaa maanta shir jaraa’id ku qabtay xarunta dhexe ee Guddiga, isaga oo faahfaahin ka bixiyay xaaladda guud ee howlaha doorashooyinka iyo horumarka laga gaaray wajiyada muhiimka ah ee geeddi-socodka doorashada.

Guddoomiyaha oo hadalka ku billaabay warbixin ku saabsan hawlaha farsamo iyo kuwa habraac ee doorashada, ayaa hoosta ka xariiqay in Guddigu si buuxda u gudanayo waajibaadka uu u xil-saaray Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Shuruucda Doorashooyinka Qaranka, waxaana uu xusay in hawlaha diyaar-garowga ee doorashada degmooyinka Banaadir ay si hufan u socdaan, isla markaana Guddigu ku shaqeynayo jadwalkii doorashada ee uu hore u iclaamiyay.

Mudane Cabdikariim Axmed Xasan waxaa uu sidoo kale shaaciyay in 12 urur siyaasadeed ay si dhameystiran u soo gudbiyeen liiskooda , halka qaar kale ay soo gudbiyeen qeyb kamid ah liiska  musharaxiintooda u tartamaya doorashada goleyaasha deegaanka ee Gobolka Banaadir.

Ururada Siyaasadda ee soo gudbiyay liiska ayaa kala ah:

1.      Ramaas
2.      Karaama
3.      Towfiiq
4.      Saab
5.      Madalsan
6.      Cadaaladda & Wadajirka
7.      Horumar & Midnimo Qaran
8.      Muwaadiniinta Soomaaliyeed
9.      Midnimada Shacabka
10.   Qaranka Dimuquraadiga ah
11.   Qiimo Qaran
12.   Dowlad Wanaaga Soomaaliyeed

Guddoomiyaha ayaa tilmaamay in soo gudbinta liiska musharaxiinta ay muujinayso diyaar-garow heer sare ah oo ka jira dhanka Ururada siyaasadda, isaga oo ku boorriyey ururada aan weli soo gudbin liiskooda inay ka faa’iidaystaan fursadaha sharcigu u oggol yahay ee ku saabsan gudbinta liisaska iyo dhammeystirka shuruudaha tartanka.

Ugu dambayn, Guddoomiye Cabdikariim Axmed Xasan ayaa ugu baaqay dhammaan daneeyeyaasha doorashooyinka Ururada siyaasadda, bulshada rayidka ah, dhallinyarada, haweenka iyo maamulka degmooyinka in si wadajir ah loola shaqeeyo Guddiga si loo xaqiijiyo doorasho xor ah, hufan, nabdoon oo waafaqsan sharciga.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Ra’iisul wasaare ku xigeenka 2-aad oo Muqdisho ka furay xuska maalinta caalamiga ah ee Xuquuqul Insaanka

Muqdisho (SONNA): Ra’iisul wasaare ku xigeenka 2-aad Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi…

December 10, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Taliyaha Ciidanka (AFRICOM) “Soomaaliya waa meel istiraatiiji ah, waxaana ka jira fursado waaweyn

Taliyaha cusub ee Ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) General Dagvin R.M. Anderson oo wareysi siiyey Telefishinka Qaranka Soomaaliya ayaa ka…

Gudaha
September 5, 2025

𝗥𝗮’𝗶𝗶𝘀𝘂𝗹 𝗪𝗮𝘀𝗮𝗮𝗿𝗲 𝗫𝗮𝗺𝘀𝗮 𝗼𝗼 𝗾𝗮𝗮𝗯𝗶𝗹𝗮𝘆 𝗞𝘂 𝗦𝗶𝗺𝗮𝗵𝗮 𝗪𝗮𝗸𝗶𝗶𝗹𝗸𝗮 𝗚𝗮𝗮𝗿𝗸𝗮 𝗮𝗵 𝗲𝗲 𝗠𝗶𝗱𝗼𝘄𝗴𝗮 𝗔𝗳𝗿𝗶𝗸𝗮

  Muqdisho(SONNA):- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Ku Simaha Wakiilka Gaarka…

GudahaWararka
May 13, 2025

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Dalka iyo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir oo si wadajir ah xariga uga jaray (Ex Baarlamaan)

Muqdisho:(SONNA)-Ra'iisul Wasaare ku-xigeenka Dalka Mahdi Maxamed Guuleed Qadar iyo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir (Cumar filish) ayaa maanta si wadajir ah xariga…

Wararka
July 8, 2020

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Amiirka dalka Qatar

Dooxa-(SONNA)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr Xasan Sheekh Maxamuud oo booqasho rasmi ah ku jooga magaalada Dooxa ayaa Qasriga…

GudahaWararka
May 17, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023