Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Ururka Iskaashiga Islaamka oo si buuxda u garab istaagay Soomaaliya si cadna u diiday aqoonsi beenaadka
    January 10, 2026
    Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS” Soomaaliya maanta waxay fiirineysaa Go’aanka Ururka Iskaashiga Islaamka,”
    January 10, 2026
    Ururka Iskaashiga Islaamka oo cambaareeyay Aqoonsi beenaadka Israa’iil ee Somaliland
    January 10, 2026
    Dhallinyaro loo qabtay xirfado kor loogu qaadayo aqoontooda
    January 10, 2026
    Maxay ka wada hadleen Wasiirka Kalluumeysiga XFS iyo Safiirka Itoobiya?
    January 10, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
    Qaramada Midoobay oo cambaareysay weerarkii Israel ee masjid ku yaalla Daanta Galbeed
    November 14, 2025
    Turkiye oo soo dhoweysay qaadidda cunaqabateyntii saarneyd maamulka Suuriya
    November 7, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    SONNA: 62 Sanno oo Adeeg Qaran iyo Codka Soomaaliya ee Caalamka
    January 7, 2026
    Markii ay Soomaaliya tallaabo horay u qaadaba maxaa loo Qulbaa? (WARBIXIN)
    January 3, 2026
    Aqoonsiga qeybo ka mid ah dal waxa uu khatar gelinayaa nabadda iyo amniga Caalamka
    December 29, 2025
    Xuska Maalinta Ciidanka Boliiska ee 20-ka Disembar ย 
    December 20, 2025
    Warbixin: Muhiimadda Weyn ee Hannaanka Dawladnimo ee Hanaqaaday
    December 9, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐Ÿ๐Ÿ-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐ˆ๐ฌ๐ค๐š๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐š ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐’๐ก๐ข๐ข๐ง๐š๐ก๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐–๐š๐๐š๐ฆ๐š๐๐š ๐‚๐š๐ซ๐š๐›๐ญ๐š
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN)ย 
    April 19, 2025
    ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐Œ๐š๐ซ๐ž๐ฒ๐ค๐š๐ง๐ค๐š ๐จ๐จ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฌ๐š๐ฑ๐ข๐ข๐ฑ๐๐š๐ฒ ๐‡๐ž๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ž๐ž๐ ๐จ๐จ ๐ ๐š๐š๐ซ๐š๐ฒ๐š $๐Ÿ”๐Ÿ–.๐Ÿ“ ๐Œ๐ข๐ฅ๐ฒ๐š๐ง
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
ยฉ2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya
GudahaWararka

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

By SB
Last updated: August 29, 2025
9 Min Read
Share

Muqdisho(SONNA):-Warbixinta Toddobaadlaha ee
Dowladda Federaalka Soomaaliya

1- Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo qaar ka mid ah xubnaha Madasha Samatabixinta Soomaaliya oo gaaray is faham taariikhi ah oo ku saabsan arrimaha doorashooyinka iyo dhameystirka Dastuurka Ku-Meel Gaarka ah ee dalka.

2- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa qaabilay Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Djibouti Mudane Cabdulqaadir Xuseen Cumar oo booqasho ku jooga magaalada Muqdisho.

3- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa heshiiska xubnaha mucaaradka dowladda la gaartay ku tilmaamey mid loogu daneynayo midnimada, xasilloonida iyo wadajirka bulsho ee dalka, waxaana uu hoosta ka xariiqay in dowladdu mar walba diyaar u tahay in aan dhageysato aragtida dadka ka raโ€™yiga duwan.

4- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo xiray Barnaamijka Isla-Xisaabtanka Xukuumadda Dan Qaran ee uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre, kaas oo lagu qiimeynayey qorsheyaasha iyo ballamaha hirgelay ee Xukuumadda.

5- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa abaalmarinno guddoonsiiyay qaar ka mid ah wasaaradaha iyo hayโ€™adaha dowladda ee sida wanaagsan uga soo dhalaaley waajibaadka shaqo ee loo igmadey.

6- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u diray Dr. Aadan Cabdullaahi Aw-Xasan oo loo doortay Guddoomiyaha Baarlamaanka Dowlad-Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya

7- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa qasriga Madaxtooyada ku qaabilay wafdi uu hoggaaminayey Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Dibadda ee Isutagga Imaaraadka Carabta, Mudane Sheekh Shakhboot bin Nahyan.

8- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Muqdisho ku qaabilay Taliyaha Sirdoonka Jamhuuriyadda Sudan, General Ahmed Ibrahim Al-Mufaddal

9- Golaha Wasiirrada ee Soomaaliya ayaa ansixiyey heshiisyo is-afgarad, kuwaas oo muhiimad weyn u leh xoojinta difaaca dalka iyo dhismaha Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya.

10- Raโ€™iisul Wasaare Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa kulan la yeeshay Ku-Xigeenka Guddoomiyaha Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka Qaranka Shiinaha, Mudane He Wei.

11- Raโ€™iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa kulan la yeeshay Hoggaamiyaha Gobolka Ningxia, ahna Xoghayaha Guud ee Xisbiga Gobolka Li Yifei. Kulanka ayaana diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka taariikhiga ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Shiinaha.

12- Raโ€™iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa khudbad taariikhi ah ka jeediyay furitaanka Bandhigga 7aad ee Carabta iyo Shiinaha (China-Arab States Expo) oo lagu qabtay magaalada Yinchuan, isaga oo soo bandhigay horumarka iyo fursadaha dalkeenna ka jira.

13- Raโ€™iisul Wasaarahe Xamsa Cabdi Barre ayaa booqasho ku tagay xarunta Warshadaha Tamarta iyo Kiimikada ee Ningdong oo ku taalla Gobolka Ismaamulka Ningxia Hui, kaas oo ah aag horumarineed oo muhiim ah dhinahca tamarta.

14- Raโ€™iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa hambalyo u diray Guddoomiyaha cusub ee Golaha Wakiillada Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya Aadan Cabdullaahi Aw-Xassn, oo lagu doortay magaalada Laascaanood.

15- Raโ€™iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa u magacaabay Cali Yaasiin Gurbe Agaasimaha Guud ee Xarunta Qaran ee ka hortagga iyo La-dagaallanka Fikirka Xagjirka ah ee Rabshadaha Wata ee (Tubsan).

16- Raโ€™iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Shiinaha u fadhiya Soomaaliya ,Danjire Wang Yu, oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka iyo iskaashiga qotada dheer ee u dhexeeya labada dal.

17- Ku-simaha Raโ€™iisul Wasaaraha Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta Muqdisho ka daah furay Wareegga Toddobaad ee Sahanka Tusayaasha Badan ee Soomaaliya oo ay soo qabanqaabisay Hayโ€™adda Istaatistikada Qaranka.

18- Raโ€™iisul Wasaare Ku Xigeenka Labaad Mudane Jibriil Cabdirashiid Cabdi ayaa furay Shirweynaha Qaran ee Toddobaadka Kalluumeysiga, waxaana uu xusay ahmiyadda ay leedahay in laga faaโ€™iideysto kheyraadka ceegaaga baddeenna iyo kor u qaadista xirfada kallumeystada soomaaliyeed.

19- Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa shir guddoomiyay kulanka Guddiga Joogtada ee Golaha Shacabka.

20- Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa qaabilay Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya James Swan.

21- Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur ayaa hambalyo u diray Guddomiyaha cusub ee Golaha Wakiiladda Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari Mudane Aadan Cabdullaahi Aw-Xasan.

22- Wasiirka Arrimaha Dibedda Mudana Cabdisalam Cabdi Cali ayaa magaalada Muqdisho ku soo dhoweeyay Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Djibouti Mudane Cabdulqaadir Xuseen Cumar.

23- Wasiirka Amniga Gudaha Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) ayaa daah furay adeegga E-VISA/ETAS, kaas oo dalka lagu soo geli doono laga bilaabo 1-da bisha September 2025

24- Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa si rasmi ah uga furay magaalada Jowhar shirka wadatashiga arrimaha waxbarashada Soomaaliya.

25- Wasiirka Arrimaha Dibedda Cabdisalaan Cabdi Cali ayaa magaalada Islamabad kulan kula yeeshay Raโ€™iisul Wasaare Ku-Xigeenka, ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Pakistan Maxamed Isxaaq Daar.

26- Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa bogaadisay tababar loo furay cutubyo ka tirsan ciidamada Masar ee ka mid noqon doona hawgallada Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasilinta Soomaaliya (AUSSOM).

27- Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Badda Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa dhegax-dhigay dhismaha xarunta maamulka Dekedda weyn ee Muqdisho.

28- Wasiirka Arrimaha Dibedda Cabdisalaan Cabdi Cali ayaa khudbad ka jeediyay Shirka Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) oo looga hadlay goโ€™doominta Israaโ€™iil ku heyso shacabka reer Falastiin iyo qadiyada Qaza ,oo ka dhacay magaalada Jeddah ee Sacuudiga.

29- Guddoomiyaha cusub ee Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Waqooyi-Bari Dr. Aadan Cabdullaahi, iyo ku-xigeennadiisa ayaa magacaabay Guddiga Doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku-xigeenka maamulkaas.

30- Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta Gareen, ayaa kulan la qaatay Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya, Amb. James Swan.

31- Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Dr. Hassan Mohamed Hussein (Mungab), ayaa sheegay in dib loo soo celin doono dhawaan hannaanka nalalka kala haga gaadiidka.

32- Guddoomiyaha Hayโ€™adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa kulan la yeeshay Ku-Xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay,ahna Madaxa Isku-duwidda Arrimaha Biniโ€™aadamnimada Soomaaliya, Mudane George Conway.

33- Guddoomiyaha Hayโ€™adda Maareynta Masiibooyinka Qaran ee (SoDMA),Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa lacag dhan $700,000 ku wareejiyay Gudiga Gurmadka Abaaraha Gobolka Awdal oo xaalad biniโ€™aadinimo oo darran ka taagan tahay.

34- Wasiirka Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka Marwo Khadija Mohamed Al-Makhzoumi ayaa magaalada Oslo kulan kula yeelatey Wasiirka Hormarinta Caalamiga ah ee Norway, ร…smund Grรธver Aukrust.

35- Midowga Afrika ayaa soo dhoweeyay heshiiska laga gaaray arrimaha doorashooyinka ee dhexmarey Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo qaar ka mid ah xubnaha mucaaradka.

36- Xoghayaha Fulinta Urur Goboleedka IGAD, Dr. Workneh Gebeyehu, ayaa bayaan ka soo baxay xafiiskiisa ku sheegay inuu soo dhoweynayo heshiiskii ay wada gaareen Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo qaar ka mid ah xubnaha Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed ee ku aadanaa hannaanka doorashooyinka.

37- Wasaaradda Waxbarashada ayaa shaacisay natiijada imtixaanka Qaran ee Sannad Dugsiyeedka 2024/2025-ka.

38- Caaisha Aadan Ugaas Xirsi ayaa noqotey ardayadda ugu dhibco sareysa ee Imtixaanka Dugsiyasa Sare ee dalka ee Sannad Dugsiyeedka 2024/25.

39- Wasiirka Gaashaandhigga Mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa qaabilay Guddoomiyaha Gobolka Gedo, Cabdullaahi Cabdi Jaamac (Shimbir), iyagoo ka wadahadley arrimaha amniga iyo la dagaalanka Khawaarijta Al Shabab.

40- Booliska Soomaaliya ayaa sheegay gudaha Dekadda Muqdisho laamaha amnigu ay ku qabteen konteenarro lagu soo qariyay waxyaabaha maanka dooriya oo la doonayay in dalka la soo geliyo

41- Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa sheegay in si ku meel gaar ah dib loogu furay diiwaangelinta urrarada siyaasadda ee dooneysa ka qeyb-galka doorashooyinka tooska ah.

42- Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliya S/Guuto Sahal Cabdullahi Cumar iyo Taliyaha Ciidanka Turkiga ee xerada Turkisom General Sebahattin Kalkan ayaa kormeer ku tagey degaanno ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose.

43- Xukun dil ah ayaa lagu fuliyey Anas Cabdulqaadir Cali Maxamuud โ€œSalmaanโ€ iyo Aadan Mursal Maxamed Iidoow, kuwaas oo ka tirsanaa Khawaarijta Al Shabaab, gaar ahaan qeybta qaraxyada iyo dilalka gaadmada ah.

44- Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ka tacsiyaysey geerida Allah ha u naxariistee marxuumad Khadiijo Maxamuud Yuusuf (Khadiijo Qalanjo) oo ka tirsaneyd Hobalada Qaranka ee Waaberi.

===========DHAMMAAD==========

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Ururka Iskaashiga Islaamka oo si buuxda u garab istaagay Soomaaliya si cadna u diiday aqoonsi beenaadka

Muqdisho,(SONNA):- Golaha Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) ayaa maanta ku yeeshay magaalada…

January 10, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA)ย Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Raโ€™iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Raโ€iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha JFS oo Soo-dhaweyn u Sameysay Wasiiru-dawlahii Cusbaa ee ย Loo Soo Magacaabay Wasaaraddaas

Muqdisho:(SONNA)-Kulan lagu soo-dhaweynaayey Wasiiru-dawlaha cusub ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha JFS Mudane Cabdulqaadir Shariif Sheekhuna Maye oo dhawaan uu xilkaas…

Wararka
June 8, 2020

AUN Axmed Maxamed Siilaanyo oo ku geeriyooday magaalada Hargeysa

Hargeysa, (SONNA):- Madaxweynihii hore ee Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, ayaa caawa ku geeriyooday magaalada Hargeysa, sida ay xaqiijiyeen masโ€™uuliyiinta…

GudahaWararka
November 15, 2024

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo daah-furay shirka 6-aad ee Garsoorka dalka

Muqdisho(SONNA):-Ku-simaha Madaxweynaha Qaranka ahna guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur(Madoobe), ayaa si rasmi ah u furay Shir…

GudahaWararka
January 28, 2024

Masโ€™uuliyiin ka socda Dowlad Goboleedka Galmudug iyo AMISOM oo Muqdisho ku kulmay

Muqdisho.(SONNA)...Madaxweyne kuxigeenka Maamul Dowlad Goboleedka ย Galmudug Cali Daahir Ciid ayaa magaalada Muqdisho kulan kula qaatay Madaxa Midowga Africa ee Amisom…

Wararka
August 30, 2020

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US:ย 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

ยฉ2023