Qormadaani waxa aan si qoto dheer ah ugu hadli doonaa Iskaashiga weyn ee marka la soo gaabiyo loo yaqaano “BRICS” uu ugu qaabeyn karaa Mustaqbalka guud ee aduunyada , gaar ahaan Africa?.
Aduunyadu waxay u ruqaansatay Horumar iyo iskaashi, taasoo sababsatay iney timaado magaca ereyga “BRICS”, oo ah erey la soo gaabiyay lagana soo qaatay shanta wadan ee ah kuwa ugu horeeyay oo kala ah – Brazil, Russia, India, China iyo South Africa – wadamadan ayaa ah kuwa loogu aqoonsan yahay inay yihiin quwad fure u ah qaabaynta aduunyada, taasoo si isku mid ah oo nidaamsan u sameeya mid dhaqaale ee loo dhan yahay.
Habkan ee ah mid ku saleysan iskaashiga “BRICS” wuxuu u soo baxay inuu yahay goobta ugu muhiimsan ee wadajirka iyo iskaashiga ee suuqyada soo koraya iyo wadamada soo koraya.
Shir madaxeedkii ka dhacay magaalada Rio de Janeiro ee wadanka Brazil, July 6 ilaa 7, 2025, wuxuu calaamad u yahay guul taariikhi ah: shirkii ugu horreeyay ee lagu qabto qaabka la ballaariyay oo ka kooban 11 xubnood oo buuxa iyo 10 waddan oo saaxiibo ah, taas oo ka tarjumaysa korriinka wadamada ku biiriya “BRICS”.
Shiinuhu waxa uu kaalin dhexe ka qaatay balaarinta BRICS, isaga oo kooxda ka beddelay isbahaysiga shanta waddan ee dhaqaalahoodu soo korayo, una beddeleen madal ballaaran oo matalaysa koonfurta caalamka. Sanadkii 2017, Shiinuhu wuxuu si rasmi ah u soo jeediyay in la sameeyo qaabka loo yaqaano “BRICS Plus”.
Qaabkani waxa uu xoojiyey muhiimada iskaashiga BRICS waxana uu balaariyey isku xirka iskaashiga caalamiga ah ee kooxda, si loogu daro wadamo badan oo ka socda koonfurta caalamiga ah, sida uu qabo Xu Xiujun, oo ah Professorad ka tirsan Machadka dhaqaalaha Adduunka iyo siyaasada ee Akademiyada Shiinaha ee Sayniska Bulshada. “Ilaa hadda, in ka badan 100 waddan iyo hay’ado caalami ah ayaa ka qaybqaatay wadahadal iyo iskaashi hoos yimaada qaabka BRICS”, Xu ayaa tiri.
Shiinuhu wuxuu intaa ku daray in qaabka “BRICS Plus” uu sidoo kale aas-aas muhiim ah u dhigay ballaarinta joogtada ah ee wadamada ee ku wajahan Koonfurta Caalamiga ah. Sidoo kale saandkii 2022-kii shirka Madaxweynayasha wadamada BRICS, Shiinuhu wuxuu si rasmi ah u soo jeediyay in la bilaabo hannaankii ballaarinta.
Sannadkii 2023kii, BRICS waxay qaadeen tallaabo taariikhi ah, iyagoo bilaabay wareeggoodii koowaad ee ballaarinta. Janaayo 1, 2024kii, shan waddan oo cusub ayaa lagu soo daray , kuwaas oo kala ah- Sacuudi Carabiya, Masar, Imaaraadka Carabta, Iran iyo Itoobiya – ayaa si rasmi ah uga mid noqday xubnaha buuxa ee wadamada ku bahoobay “BRICS”.
Dabayaaqadii sanadkaas, bishii Oktoobar 2024kii, hoggaamiyeyaasha BRICS waxay isugu tageen Magaaalda Kazan ee dalka Russia, shir madaxeedkii 16-aad, oo ahaa kii ugu horreeyay ee daba socday ballaarinta taariikhiga ah ee kooxda, taasoo keentay waa cusub oo iskaashi weyn ee u soo hoyday wadamada BRICS,
waxaa kale oo ay ka tarjumaysaa hamiga ballaaran ee BRICS ee ah in ay horumariyaan casriyaynta Koonfurta Adduunka oo ay gacan ka geystaan dhisidda bulsho leh mustaqbal ay wadaagaan bani-aadmiga.
Bishii Janaayo 2025-ka, Indonesia waxay si rasmi ah ugu biirtay BRICS, sidii xubinta buuxda ee cusub. Intaa waxaa dheer, sagaal waddan oo kale – Malaysia, Thailand, Belarus, Bolivia, Cuba, Kazakhstan, Uzbekistan, Uganda iyo Nigeria – ayaa lagu soo dhaweeyay wadamada BRICS ee iskaashiga ah. Bishii hore, Vietnam waxay noqotay waddankii 10-aad ee BRICS ee iskaashigan kusoo biira.
“BRICS waxa ay aad ugu guulaysatay in ay isu keento dalalka leh qiyamka aasaasiga ah ee kala duwan, aragtida caalamka, iyo nidaamyada siyaasadda iyo dhaqaalaha,” ayaa lagu akhriyay warbixin siyaasaddeed oo ay soo saartay mufakiriinta Clingendael, Machadka Xiriirka Caalamiga ah ee Netherlands, oo la sii daayay May 2025-kii.
Isku soo wada duuboo, wadamada BRICS waxay hadda yihiin ku dhawaad kala bar dadka adduunka waxayna wax ka badan 50% boqolkiiba ku biiriyaan kobaca dhaqaalaha adduunka, marka loo eego hal qiyaas oo ah iskaashi iyo wax wada qabsi. Sida laga soo xigtay Muuqaalka Dhaqaalaha Adduunka ee ay sii daysay Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF bishii April, waddamada BRICS waxay ku xisaabtameen 40.2%GDP caalamiga ah (oo lagu qiyaaso sinnaanta awoodda wax iibsiga) 2024-kii, iyadoo saadaasha kor u kacday 40.7 boqolkiiba 2025-ka, halka saamiga G7 la filayo inuu hoos uga dhaco 28.8 boqolkiiba ilaa 28.4 boqolkiiba korodhka’ miisaankii hore’ ee isla muddadaas, sid ay qortay ( CGTN新媒体部) .
Wadamada AFRICA ee ilaa iyo haatan iska diiwan galiyay ama xubin ka ah waxay kala yihiin –Masar, Ethopia, Uganda iyo Nigeria,iyadoo Wadamadan ay sanadihii ugu dambeeyay waxay kor u kac muuqda kasameeyeen koritaanka dhaqaalahooda ha ahaado midka GDP iyo midka lagu cabiro HDI (Human Development Index). Hadii uu sii jiro Hormarka balaaran ay sameeynayaan wadamadaas waxay keeni doontaa iney saameyn wayn ku yeeshaan korintaanka iyo iskaashiga dhaqaale ee qaarad ahaan “AFRICA” oo ah qaarada kaliya ee lagu tiriyo ineysan ka jirin wax Horumar ah marka laga reebo wadamo yar yar oo si gooni ah Carabta loogu dhufto.
Sababaha ka dambeeya ka qayb qaadashada wadamada BRICS ee ah Dhiirigelinta ugu muhiimsan ee Africa qaarad ahaan , waxaa ka mid ah rabitaankooda ku aaddan kheyraadka dabiiciga ah ee qaaradda, qaybta beeraha ee Afrika ee waaweyn iyo kuwa aan laga faa’iidaysan iyo sidoo kale fursadda maalgashi iyo wareejinta tignoolajiyada iyo aqoonta lagu beegsanayo dabaqada dhexe ee sii koraya, taasoo lagu qiyaasay inay ku jiraan in ka badan 300 milyan oo qof, balse waxaynu halkan ku so koobi doonaa waxyaaba ku dhiirigaliya iskaashatada “BRCIS” iney kaga soo qeyb galiyaan qaar kamid ah wadama Africa :-
Rabitaanka Kheyraadka Dabiiciga ah: sida ay sheegayaan qaar ka mid ah Khubarada ka faallooda dhaqaalaha, ka-qaybgalka BRICS ee Afrika waxaa asal ahaan sababa kheyraadka dabiiciga ah ee ay leedahay qaaradda Africa. BRICS ayaa ah kuwa ugu waaweyn ka faa’iidaysiga kheyraadka dabiiciga ah ee dalal badan oo Afrikaan ah oo ay ku jiraan Angola, Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo, Nigeria iyo Sudan. Brazil iyo Shiinaha ayaa ah kuwa ugu firfircoon ee ka sameeya sahaminta iyo ka faa’iidaysiga Gaaska, Saliidda iyo Macdanta ee dhextaala qaarada Afrika.
Qaybta Beeraha ee Afrika: Qeybtan ayaa ah mid muhiimad gaar ah u leh dhaqaalaha Afrika waxaana la rajeynayaa inay sii ahaan doonto mashiinka kobaca dhaqaalaha qaaradda. Ku lug lahaanshaha wadamada BRICS ee qeybta Beeraha ee Afrika waxaa dhiirigeliyay xaqiiqda ah ‘in wadamadani ay u baahan doonaan inay kor u qaadaan khibradahooda dhinaca horumarinta Beeraha, si ay u furto awoodda qaaradda”.
Raadinta kala-duwanaanshaha iyo suuqyo cusub: Ka sokow awoodda weyn ee ay bixiso qeybta aas-aasiga ah ee Afrika, iyadoo wadamada ku bahoobay “BRICS” waxaa soo jiitay faa’iidooyinka kala duwanaanshaha dhaqaalaha ee qaarada Afrika iyo sidoo kale suurtagalnimada in la helo ama la galo suuq-weyn oo aysan faa’iidaysan hal bilyan oo macaamiisha Afrikaan ah. Sanadihii la soo dhaafay, wadamada BRICS waxay urursadeen kayd aad u badan, kuwaas oo inta badan la galiyay dunida horumartay.
Sidoo kale, Sababta ugu weyn ee wadamada Afrika ay dheereeyaan xiriirka “BRICS” waa awooda dhaqaale ee la taaban karo ee ay wadamadani bixiyaan. Wadamada BRICS, gaar ahaan Shiinaha, waxayna noqdeen maalgashadayaasha ugu waaweyn ee qaarada Afrika, iyaga oo dhaqaajinaya horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha, ganacsiga, iyo kobaca dhaqaalaha.
Hindisaha Belt and Road Initiative ee Shiinaha (BRI) ayaa tusaale u ah ballan-qaadkan, iyadoo mashaariic ay ka mid yihiin jidka Tareenka ee Mombasa-Nairobi ee Kenya iyo jidka tareenka ee Addis Ababa-Jabuuti oo beddelaya Gaadiidka iyo ganacsiga guud ahaan Bariga Afrika. Waxqabadyadani waxay wanaajiyaan isku xirka, abuurista shaqooyin, waxayna kor u qaadaan dhaqaalaha maxalliga ah, iyagoo faa’iidooyin la taaban karo u siinaya dadka Afrikaanka ah.
Marka laga soo tago Shiinaha, xubnaha kale ee BRICS waxay wax ku biiriyaan si weyn. Tusaale ahaan, Ruushku waxa uu ballaariyey raadka uu ku leeyahay tamarta iyo amniga Afrika, isaga oo iska kaashanaya mashaariicda tamarta Nukliyeerka ah ee Masar iyo Koonfur Afrika iyo bixinta hubka dalal kala duwan.
Sidoo kale, Hindiya waxay xoojisay xiriirka ganacsi, iyadoo diiradda saareysa beeraha, dawooyinka, iyo tignoolajiyada macluumaadka, iyadoo sidoo kale bixineysa kaalmo horumarineed iyada oo loo marayo aaladaha sida Shirka Madasha India iyo Afrika.
Mid la mid ah, Brazil waxa ay la wadaagtaa khibradeeda dhinaca Beeraha kulaylaha, iyada oo ka caawinaysa wadamada Afrika kor u qaadida sugnaanta cuntada iyo wax soo saarka. Koonfur Afrika, iyada oo labadaba xubin ka ah BRICS iyo waddan Afrikaan ah, ayaa door gaar ah ka ciyaara fududaynta iskaashiga u dhexeeya Midowga iyo qaaradda.
Intaa waxaa dheer, Bangiga Horumarinta Cusub (National Development bank), oo ay aasaaseen BRICS, wuxuu taageeraa kaabayaasha iyo mashaariicda horumarineed ee waara, kuwaas oo qaar ka mid ah ay faa’iido u leeyihiin waddamada Afrika. Si ka duwan kaalmada reer galbeedka, oo inta badan la timaadda xaalado siyaasadeed ama dhaqaale oo adag, maalgashiga BRICS waxay u janjeeraan inay ka hormariyaan faa’iidada labada dhinac faragelinta.
Waxaa qoray : Mr. Dahir Abdullahi Mohamed
oo ah Madaxa Cilmi barista iyo Daraasaadka ee jaamacada IMAM SHAAFICI aha Macalin wax ka dhiga Jaamacadaha wadanka qeybta Dhaqaalaha.