Muqdisho-(SONNA)-Howlgalka midowga Afrika ayaa war kasoo saaray diyaarad ay lahaayeen AUSSOM oo saakay ku burburtay garoonka diyaaradaha muqdisho.
Warka ayaa lagu yiri, Diyaarad helicopter ah oo ay Midowga Afrika leeyihiin ciidamada difaaca Uganda Peoples’ (UPDF) ayaa ku dhacday wax yar ka hor inta aysan ku soo degin garoonka diyaaradaha ee Aden Abdulle International Airport ee magaalada Muqdisho, xilli ay ka soo duushay saldhigga ciidamada cirka ee Baledogle.
Saddex ka mid ah 8-dii qof ee la socday diyaaradda ayaa isla markiiba la soo badbaadiyay, waxaana loola cararay isbitaalka heerka labaad ee Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasilinta ee Soomaaliya (AUSSOM) ee magaalada Muqdisho si loogu daryeelo.
Waxaa hadda socda howlo goobid iyo samatabbixin ah oo lagu soo saarayo shaqaalihii iyo rakaabkii ku haray.
Dhanka kale, maamulka hay’adda duulista hawada ayaa wada baaritaanno lagu ogaanayo sababta keentay shilkan.