Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Ururka Iskaashiga Islaamka oo si buuxda u garab istaagay Soomaaliya si cadna u diiday aqoonsi beenaadka
    January 10, 2026
    Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS” Soomaaliya maanta waxay fiirineysaa Go’aanka Ururka Iskaashiga Islaamka,”
    January 10, 2026
    Ururka Iskaashiga Islaamka oo cambaareeyay Aqoonsi beenaadka Israa’iil ee Somaliland
    January 10, 2026
    Dhallinyaro loo qabtay xirfado kor loogu qaadayo aqoontooda
    January 10, 2026
    Maxay ka wada hadleen Wasiirka Kalluumeysiga XFS iyo Safiirka Itoobiya?
    January 10, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
    Qaramada Midoobay oo cambaareysay weerarkii Israel ee masjid ku yaalla Daanta Galbeed
    November 14, 2025
    Turkiye oo soo dhoweysay qaadidda cunaqabateyntii saarneyd maamulka Suuriya
    November 7, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    SONNA: 62 Sanno oo Adeeg Qaran iyo Codka Soomaaliya ee Caalamka
    January 7, 2026
    Markii ay Soomaaliya tallaabo horay u qaadaba maxaa loo Qulbaa? (WARBIXIN)
    January 3, 2026
    Aqoonsiga qeybo ka mid ah dal waxa uu khatar gelinayaa nabadda iyo amniga Caalamka
    December 29, 2025
    Xuska Maalinta Ciidanka Boliiska ee 20-ka Disembar ย 
    December 20, 2025
    Warbixin: Muhiimadda Weyn ee Hannaanka Dawladnimo ee Hanaqaaday
    December 9, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐Ÿ๐Ÿ-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐ˆ๐ฌ๐ค๐š๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐š ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐’๐ก๐ข๐ข๐ง๐š๐ก๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐–๐š๐๐š๐ฆ๐š๐๐š ๐‚๐š๐ซ๐š๐›๐ญ๐š
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN)ย 
    April 19, 2025
    ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐Œ๐š๐ซ๐ž๐ฒ๐ค๐š๐ง๐ค๐š ๐จ๐จ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฌ๐š๐ฑ๐ข๐ข๐ฑ๐๐š๐ฒ ๐‡๐ž๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ž๐ž๐ ๐จ๐จ ๐ ๐š๐š๐ซ๐š๐ฒ๐š $๐Ÿ”๐Ÿ–.๐Ÿ“ ๐Œ๐ข๐ฅ๐ฒ๐š๐ง
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
ยฉ2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya
GudahaWararka

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

By SB
Last updated: May 23, 2025
8 Min Read
Share

Muqdisho(SONNA):-1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Ciidamada Qalabka Sida ku ammaaney guulaha ay ka soo hoyeen dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta Al Shabaab.

2- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa booqday Isbitaalka Demartino, isagoo u kuurgaley xaaladda caafimaad ee geesiyaasha ciidanka degaanka ee Macawisleyda ee ku soo dhaawacmay jiidda hore ee dagaalka lagula jiro Khawaarijta.

3- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xarigga ka jaray dhismaha cusub ee xarunta Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha islaamka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

4- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyey Shir-Madaxeedka Jaamacadda Carabta oo ka dhacay magaalada Baqdaad ee dalka Ciraaq, isagoo ka hadlay xaaladda dalka, mowqifka dowladda Federaalka ee arrimaha gobolka iyo Carabta.

5- Raโ€™iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa Mudane Idiris Cismaan Xaaji Cali u magacaabay inuu noqdo Wasiir Ku-Xigeenka Wasaaradda Gaashaandhigga.

6- Raโ€™iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa hal-doorka dhallinyarada Soomaaliyeed la yeeshay kulan weyne lagu xoojinayay doorka ay ku leeyihiin difaaca qaranka iyo doorashooyinka

7- Raโ€™iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa ka qeyb galay xuska Maalinta Dhallinyarada Jamhuuriyadda Turkiga, waxaana uu xusay in mustaqbalka qaran walba uu gacanta ugu jiro dhallinyarada dalkiisa, loona baahan yahay in ay ku hagaan jidka toosan.

8- Raโ€™iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa qaabilay Danjiraha Jamhuuriyadda Yemen u fadhiya Soomaaliya, Mudane Fadli Ali Ahmed, oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka iyo iskaashiga u dhaxeeya labada dal.

9- Raโ€™iisul Xamsa Cabdi Barre ayaa qaabilay Danjiraha Boqortooyada Sucuudi Carabiya u fadhiya Soomaaliya, Mudane Axmed Bin Maxamed Al-Muwalad oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka iskaashi ee u dhexeeya labada dal ee walaalaha ah.

10- Raโ€™iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac iyo Wasiirka Arrimaha Afrika ee UK Lord Collins of Highbury ayaa si wadajir ah u shir-guddoomiyey Dood-wadaag Caalami ah oo ku saabsaneed Ilaalinta Bulshada.

11- Raโ€™iisul Wasaare Ku-Xigeenka 2aad Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi ayaa daah-furay shir lagu falanqeynayay saameynta dhaqaale ee xulashooyinka qaab-dhismeedka dastuurka Jamhuuriyadda.

12- Raโ€™iisul Wasaare Ku-Xigeenka 2aad Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna Duqa Magaalada Muqdisho Maxamed Axmed Amiir ayaa si wadajir u dhagax-dhigay dhismaha waddada Nasiib Buundo ee marta degmooyinka Warta-Nabadda, Boondheere iyo Shibis.

13- Raโ€™iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad ee Xukuumadda Jabriil Cabdirashiid ayaa si rasmi ah u furay shir lagu falanqeynaayay saameynta dhaqaale ee qaab-dhismeedka Dastuurka.

14- Wasiirka Maaliyadda Biixi Imaan Cige ayaa magaalada Algiers kaga qeybgaley shirka sannadlaha ee Bangiga Horumarinta Islaamka (IsDB.

15- Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daaโ€™uud Aweys Jaamac ayaa qaabilay Madaxa Hayโ€™adda Qaramada Midoobay ee IOM u fadhiya Soomaaliya Manuel M. Pereira

16- Wasiirka Gaashaandhigga Mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa kulan la yeeshay dhiggiisa dalka Ciraaq, Mudane Thaabit Maxamed Al-Cabaas,iyagoo ka wada hadlay iskaashiga labbada dal ee dhanka amniga.

17- Wasiirka Amniga Gudaha Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) ayaa magaaladda Baqdaad ee dalka Ciraaq kula saxiixday heshiis dhanka amniga ah Wasiirka Arrimaha Gudaha ee dalkaasi, Mudane Cabdul-Amiir Al-Shamari.

18- Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta Cali Yuusuf Cali-Xoosh ayaa si rasmi ah u furay kulan sannadeedka Guddiga Hagidda Dad-Dhigista Iyo Tirakoobka Xaaladaha Madaniga.

19- Wasiirka Cadaaladda iyo Dastuurka Mudane Xasan Macallin Maxamuud ayaa Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka horgeeyay Hindise Sharciyeedka Iskaashiga Garsoorka Caalamiga ah.

20- Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Mudane Maxamuud Cabdiraxmaan Sheekh Faarax ayaa furay shirka hannaanka wada shaqaynta tiirarka Qorshaha isbeddelka Qaranka (NTP 2025โ€“2029).

21- Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Mudane Maxamuud Aadan Geesood ayaa si rasmi ah u soo xiray shir ay isuga yimaadeen Wasiiradda Ganacsiga ee Dowlad-Goboleedyada oo diiradda lagu saaray sidii loo mideyn lahaa nidaamka sharciyeed ee diiwaan-gelinta iyo shatiga ganacsiga.

22- Wasiir Ku-Xigeenka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa booqasho khibrad wadaag dhanka warbaahinta ah ku tegay Turkiga.

23- Wasiirka Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka Marwo Khadija Mohamed Al-Makhzoumi ayaa la kulantay wafdi sare oo ka socday AUSSOM oo uu hoggaaminayay Ku-simaha Wakiilka Gaarka ah ee Soomaaliya, Kareem Adebayo.

24- Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Dr. Cali Xaaji Aadan ayaa magaalada Geneva ee dalka Switzerland kulan kula yeeshay Wasiirka Caafimaadka Turkiga, Dr. Kemal MemiลŸoฤŸlu.

25- Wasiru Dowlaha Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Drs Maryama Maxamed Xuseen ayaa furtay kulanka Ururka Dhakhaatiirta Cudurrada Haweenka iyo Dhalmada Soomaaliyeed โ€SOGAโ€ oo looga hadlay taageeridda iyo wax ka qabashada dhibaatooyinka soo wajaha haweenka xilliga dhalmada.

26- Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Maxamed Axmed Amiir iyo Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya James Swan ayaa ka wada-hadlay dimuqraadiyeynta dowladnimo iyo doorashooyinka Dowladda Hoose ee Magaalada Muqdisho.

27- Madaxweynaha Rwanda Paul Kagame ayaa warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Danjire Ilyaas Cali Xasan oo ah Safiirka Soomaaliya u fadhiya Tanzania iyo Urur Goboleedka Bariga Afrika ee EAC.

28- Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Dr. Cali Xaaji Aadan ayaa ka qaybgalay shirka 62-aad ee Wasiirrada Caafimaadka Carabta oo dhinac socday Shirweynaha Guud ee Ururka Caafimaadka Adduunka (WHO).

29- Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Mudane Xasan Macallin Maxamuud ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya Amb Pier Mario Dacco Coppi.

30- Ciidanka Xoogga Dalka iyo geesiyayaasha degaanka ee gobolka Hiiraan ayaa in ka badan 75 xubnood oo ka tirsanaa khawaarijta ku dilay dagaalo ka dhacay xuduudda gobolada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

31- Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa bogaadisay kaalinta naf hurnimada ah ee geesiyaasha degaanka ee Macawisleyda gobolka Hiiraan ay ka qaadanayaan ciribtirka Khawaarijta iyo sida ay dhabarka uga jabiyeen dhammaan isku-dayadii naf la caariga ahaa ee Khawaarijta.

32- Maareeyaha Guud ee Hayโ€™adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka (NIRA), Cabdiweli Cali Cabdulle (Timacadde) ayaa magaalada Addis Ababa kaga qeyb galay Shirka ID4Africa 2025.

33- Agaasimaha Guud ee Hayโ€™adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Mustafa Dhuxulow ayaa kulan la yeeshay guddiga Isku-dhafka ee u xil-saaran diyaarinta qandaraaska hannaanka lagu tayaynayo dukumentiga Baasaboorka Soomaaliyeed.

34- Agaasimaha Hayโ€™adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) ayaa gaaray degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan siโ€™ loo Dardar-geliyo dagaalka ka socda Shabeellaha Dhexe.

35- Maxkamadda gobolka Bay ayaa ku fulisay xukun dil toogasho ah Axmed Cabdullaahi Maxamuud oo magaalada Baydhabo ku dilay Abshir Xasan Cabdiraxmaan.

36- Wasiiru Dowlaha Wasaarada Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Drs. Maryama Maxamed Xuseen ayaa kulan la yeelatey Safiirka Dowladda Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya. Amb Pier Mario Dacco Coppi.

37- Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar ayaa Muqdisho ku soo dhoweeyay S/Guud Sam Okiding, oo ah Taliye Ku-Xigeenka Ciidamada Uganda.

 

===========DHAMMAAD==========

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Ururka Iskaashiga Islaamka oo si buuxda u garab istaagay Soomaaliya si cadna u diiday aqoonsi beenaadka

Muqdisho,(SONNA):- Golaha Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) ayaa maanta ku yeeshay magaalada…

January 10, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA)ย Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Raโ€™iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Raโ€iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Howlgallo ciidan oo lagu sugaayey amniga oo ka dhacay duleedka Berdaale

Wasiirka Wasaarada Amniga gudaha Koonfur Galbeed Mudane Xasan Cabdiqaadir Maxamed, Gudoomiyaha gobolka Baay Maxamed Xasan Caracas iyo Talisyada kala duwan…

Gudaha
May 31, 2024

Wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya oo qaabbilay Danjiraha Qadar oo booqasho sharafeed ugu tagay+Sawirro

Muqdisho-(SONNA)- Wasiirka arrimaha dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Cabdisaciid Muuse Cali, ayaa maanta Muqdisho ku qaabbilay Danjiraha Dowladda Qadar…

GudahaWararka
December 14, 2021

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Wakiilka Haya’adda IOM ee Soomaaliya

Muqdisho(SONNA):-Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daaโ€™uud Aweys Jaamac ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Hayโ€™adda Qaramada…

GudahaWararka
May 22, 2025

Safiirka Soomaaliya ee dowladda Itoobiya oo madaxda heyโ€™adda Geneva Call kala hadlay ciribtirka kooxaha argagixisada

Addis Ababa-(SONNA)-Safiirka safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Ethiopia Mudane Cabdullaahi Warfaa ayaa xafiiskiisa ku qaabilay madax ka socotay hay'adda…

GudahaWararka
July 8, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US:ย 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

ยฉ2023