Wasiirka arrimaha dibadda ee Suuriya, Asaad Xasan Al-Shaibaani, ayaa ku dhawaaqay inuu booqan doono dalalka Qatar, Imaaraadka Carabta iyo Urdun, isagoo dhawaan safarkiisii ugu horreeyay ee dibadda ah dhowaan ku tagay dalka Sucuudiga.
Wasiirka ayaa bartiisa bulshada ku sheegay in uu booqan doono saddexda waddan toddobaadkaan si loo taageero xasilloonida, amniga, soo kabashada dhaqaalaha iyo dhisidda iskaashi ay la yeeshaan dalalkaasi.
Xukuumadda cusub ayaa u hanqal taageysa inay maal-gashi ka helaan waddamada Khaliijka ee hodanka ah si ay gacan uga geystaan dib-u-dhiska kaabayaasha dhaqaalaha iyo kobcinta dhaqaalaha oo ku burburay dagaaladii ka jiray dalkaasi muddo toban sano ah.
Sacuudi Carabiya oo todobaadkii hore uu booqdy wasiirka Arrimaha Dibadda Suuriya ayaa durba u muuqata mid door weyn ka qaadaneysa dib u soo nooleynta dalkaasi,gaar ahaan arrimaha bini;aadanimada iyo dib u dhiska dalka.