Guddiga Horumarinta Adeega Bulshada ee Golaha Shacabka BFS ayaa Muqdisho ku qabtay kulan aqoon isweydaarsi ah oo ku saabsanaa ka warqabka iyo habsami ula socodka arrimaha ku aadan gargaarka Soomaaliya.
Kulakaan oo ay Iska kaashadeen golaha shacabka iyo heyโadda UNICEF,waxaa ka qeybgalay Howlwadeenno ka socday golaha shacabka
Kulankaan waxaa mudadii uu socday la istusaaleeyay sidii loo heli lahaa ย ballanqaad ku aadan habsasmi u fulinta howlaha gargaarka ee ay u baahan yihiin shacabka Soomaaliyeed iyo sidii looga miro dhallin lahaa hadafka dowladda ee ku saabsan wax u qabashada umadda.
Guddoomiyaha Guddiga Horumarinta Adeega Bulshada ee Golaha Shacabka BFS Nadra Saalax Cabdi oo kulankaasi ka hadashay ayaa madaxda Heyโadda Maareynta Masiibooyinka ku ammaantay dadaalka ay ugu jiraan gaarsiinta shacabka ee arrimaha gargaarka biniโaadanimo.