Muqdisho, (SONNA): Wasiirka Warfaafinta XFS, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac, ayaa ka qeyb galay xaflad ballaaran oo lagu qabtay dekedda magaalada Muqdisho, taas oo loo sameeyay howlgalinta markabka sahminta shidaalka ee Oruç Reis.
Wasiirka ayaa munaasabadda ku tilmaamay mid taariikhi ah oo fursad weyn u ah dalka, si uu uga baxo xaalada adag ee uu ku jiray dhowr sano.
Mudane Daa’uud Aweys ayaa sheegay in mashruuca sahminta shidaalka uu wax badan ka bedeli doono mustaqbalka Soomaaliya iyo sawirka guud ee caalamka looga haysto dalka.
Wasiirka oo sharaxaad ka bixinayay marxaladaha uu mashruucu soo maray, ayaa xusay in heshiiska uu ku bilawday wada shaqeyn rasmi ah oo ay wada saxiixdeen dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga.
Isagoo hadalkiisa sii wata, Wasiirka ayaa sheegay in maalmihii la soo dhaafay ay socdeen diyaar garow xoogan, si qorshahan muhiimka ah loo fuliyo.
Markabka sahminta shidaalka ee Oruç Reis ayaa la filayaa inuu door weyn ka qaato sahaminta shidaalka badda Soomaaliya, taas oo ah tallaabo muhiim ah oo wax weyn ka tari karta culeysyada dhaqaale ee dalka muddo dheer la tacaalayay.