Asmara, (SONNA): Madaxweynaha Masar, Abdel Fattah el-Sisi, iyo wafdigiisa ayaa maanta gaaray magaalada Asmara, kadib casuumaad uu ka helay Madaxweyne Isaias Afwerki, waxaana si diiran lagu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha.
Wafdiga Madaxweyne el-Sisi ayaa waxaaa ka mid ahaa Wasiirka Amniga Qaranka Masar, Agaasimaha Madaxtooyada, iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda.
Labada mas’uul ayaa gelinka dambe ee maanta ka wada hadli doona xoojinta xiriirka labada dal iyo arrimo kale oo muhiim ah.
Booqashadan ayaa sidoo kale waxaa xigi doona shir madaxeed saddex geesood ah oo dhexmari doona Madaxweynaha JFS, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud,. Madaxweyne Isaias Afwerki, iyo Madaxweyne Abdel Fattah el-Sisi.
Shirkan ayaa diiradda saaraya xoojinta xiriirka saddexda dal iyo arrimaha amniga iyo xasilloonida gobolka.