Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Ingiriiska ee Soomaaliya
    September 28, 2025
    Wasiir Ku-xigeenka Caafimaadka oo kulan la qaatay sii-hayaha xilka Wasiirka Caafimaadka Botswana
    September 28, 2025
    Wasiirka Maaliyadda oo kulan la qaatay Wasiir Ku-Xigeenka Maaliyadda Dalka Sacuudiga
    September 28, 2025
    Dowladda oo sheegtey in dekedaha Muqdisho & Berbera ay noqdeen kuwa ugu waxqabadka wanaagsan Bariga Afrika
    September 28, 2025
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeyb galay casho sharaf uu martigeliyay Donald Trump
    September 27, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgaly furitaanka meertada 80-aad ee golaha guud ee Qaramada Midoobay
    September 23, 2025
    Illaa kun ruux oo ku dhintay dhul go’ ay sababeen roobab ka da’ay Sudan
    September 2, 2025
    Dhulgariir geystay khasaarooyin kala duwan oo ka dhacay Afganistan
    September 1, 2025
    Madaxda Ruushka & W/Kuuriya oo todobad kadib ku wajahan Shiinaha
    August 28, 2025
    Drone nooc cusub ah oo Dunida ku soo biiray
    August 16, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Wax ka ogoow Taariikhda Farsamo yaqaankii ugu horreeyay ee Raadiyo Muqdisho (SAWIRRO)
    September 24, 2025
    Guushu waa adigoo wax yar Cagaha Dhulka ku haya (FAALLO)
    September 15, 2025
    Afar fariimood oo ay dirtay jabinta difaacyadii iyo duullaankii Khawaarijta
    September 15, 2025
    Gobolka Banaadir oo qeyb ka noqday abaabulka wajiga cusub ee la dagaalanka khawaarijta
    August 30, 2025
    Xogaha Shidaalka Soomaaliya (WARBIXN)
    August 29, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Safaaradda Soomaaliya ee kenya oo Hamblayo u dirtay Kooxda Dekadaha oo guul usoo hooyay Dalkeena
    September 28, 2025
    Dekedaha oo muujisay awood, kadib markii ay guul ka gaartay Al-Zamala
    September 21, 2025
    Kooxda Dekedaha soomaaliya oo Nairobi kula ciyaaraysa Al Zamala Sports Club
    September 20, 2025
    Maareeyaha Dekadda Muqdisho oo Sagootin u Sameeyay Kooxda Dekedaha
    September 15, 2025
    Ra’iisul wasaare Xamse oo furay kulan ciyaareedka xidigaha halyeeyada Soomaaliya iyo Afrika.
    May 27, 2025
Reading: Faahfaahinno ku saabsan howlgalka cusub AUSSOM (WARBIXIN)
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Faahfaahinno ku saabsan howlgalka cusub AUSSOM (WARBIXIN)
GudahaMaqaallada

Faahfaahinno ku saabsan howlgalka cusub AUSSOM (WARBIXIN)

By Ruush Abdullahi
Last updated: September 10, 2024
6 Min Read
Share

Waxaa soo baxaya faahfaahino ku saabsan howlgalka cusub ee nabad ilaalinta ah ee bedeli doona ciidamada Midowga Afrika ee hadda jooga Soomaaliya ee loo yaqaan ATMIS marka ay soo gabagabeeyaan howlgallada dhammaadka sanadkan. 1-dii Agoosto, Midowga Afrika waxa ay qaateen fikrad istiraatijiyadeed oo ku saabsan howlgallada loogu talagalay Taageerada iyo Xasilinta Howlgalka Soomaaliya (AUSSOM) waxayna u gudbiyeen Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, kaasoo oggolaaday 12-kii Agoosto ee sanadkan 2024-ka.

“Howlgalka dabagalka ah wuxuu yeelan doonaa ilaa 11,911 shaqaale ah, oo ay ku jiraan 85 rayid ah iyo 680 booliis ah, oo la geyn doono afar qeybood oo juquraafi ahaan ah,” sida laga soo xigtay mareegaha wararka ee madaxa banaan ee Warbixinta Golaha Ammaanka. “Howlgalka waxa uu howlgeli doonaa laga bilaabo bisha Janaayo 1-deeda, 2025-ka, waxaana si tartiib tartiib ah uu u wareejin doonaa mas’uuliyadaha amniga ee ciidamada amniga Soomaaliya, shaqaalahoodana ay kala bixi doonaan dhammaadka 2028-ka.”

Hadafka cusub ee amniga ayaa ka dhigan sii wadidda waajibaadka ATMIS. AUSSOM waxay mudnaan siin doontaa howlgallada ka dhanka ah Argagixisada ee Al-Shabaab, Tayeynta ciidamada amniga Soomaaliya, iyo horumarinta wada-hadallada siyaasadeed iyo dib-u-heshiisiinta. Howlgalka ayaa ujeedadiisu tahay in diiradda la saaro tallaabooyinka lagu dhisayo nabadda, taasoo ka dhigeysa in dowladda Soomaaliya ay ka shaqeyso dhismaha dowladnimada iyo saaxiibadeeda caalamiga ah.

Dowladaha Masar iyo Jabuuti ayaa ciidamadooda u ballan qaaday AUSSOM, iyadoo ciidamada Masar laga yaabo inay ku beddelaan 3,000 oo ciidamada Itoobiya ee jooga Soomaaliya oo ATMIS ka mid ahaa.  Soomaaliya ayaa ku hanjabtay inay dalkeeda ka saarayso Askarta Itoobiyaanka ah, sababtuna waxay tahay khilaafka diblomaasiyadeed ee ka dhexeeya qorshaha gelitaanka Badda Cas ee Itoobiya, kaasi oo  ay wada galeen  Is-afgarad beenaadka dhex maray Abiy iyo Muuse Biixi, sida ay qortay Africa Defense Forum (ADF) ee Taliska Gaashaandhigga Maraykanka.

“Haddii Itoobiya ay ka bixi waydo heshiiskii [Heshiiskii Is-afgaradka] ee ay la gashay maamulka Somaliland, ciidamadeedu kama qeyb ka noqon doonaan howlgalka soo socda,” Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, mudane Xamza Cabdi Barre ayaa sidaa yiri mar uu ka hadlayay shir ka dhacay Muqdisho 22-kii Agoosto. “Haddii ay sii jiraan, ma hoos imaan doonto waajibaadka Midowga Afrika.” Masar ayaa la sheegay in ay ciidamo u soo diraysa Soomaaliya, si ay qeyb uga noqdaan howlgalka cusub ee Midowga Afrika, kaasi oo beddelaya howlgalkii ATMIS ee Soomaaliya, sidaasi waxaa shaaciyay Midowga Afrika, iyadoo ay War-murtiyeed ka soo baxay Midowga Afrika loogu mahadnaqay Masar iyo Jabuuti oo noqday labada dal ee illaa iyo hadda caddeeyay in ay qeyb ka noqonayaan howlgalkan, waxaana dalalka kale ee Qaaradda ah loogu baaqay in ay iyaguna ku soo biiraan.

Dadka dhaliila sida Suleymaan Walhad oo ka faallooda arrimaha Soomaaliya ayaa aaminsan in Midowga Afrika aysan abbaarin xalka Soomaaliya, “Ma ahan run in Soomaaliya ay u baahan tahay ciidamo shisheeye, si ay isu xaqiijiyaan nabadda iyo xasilloonida,” ayuu ku qoray qoraal 9-kii Agoosto ee bogga wararka ee Eurasia Review. “Waxay u baahan tahay hannaan dib-u-heshiisiin qaran iyo in qabaa’ilkeedu ay nabad ku wada gaaraan.” Geesta kale, Fauziya Ali, oo ah aasaasaha iyo guddoomiyaha ururka u dooda haweenka ee ammaanka caalamiga ah ee Geeska Afrika, ayaa aaminsan in habka Midowga Afrika uu u horumarayo uu yahay mid hab wanaagsan.

“Howlgalkan cusub wuxuu ballan-qaadayaa hab isku-dhafan oo dhammaystiran oo ku aaddan nabad-ilaalinta iyo xasilinta Soomaaliya,” ayay ku qortay maqaal 27-kii bishii Agoosto ee shabakadda gobolka DiploBrief. “Waxaa looga gol leeyahay in lagu dhiso guulihii ay gaareen AMISOM iyo ATMIS, iyadoo la xalinayo khaladaadkii la ogaaday intii lagu jiray marxaladda kala guurka ee hadda la soo gabagabeeyay. “Daneeyayaasha Soomaaliyeed waa in ay si firfircoon uga qaybqaataan qaabeynta istiraatiijiyadda howlgalka, hubinta in ay la jaan-qaado waxyaabaha mudnaanta u ah qaranka iyo in ay kobciso xasilloonida muddada fog ee Qaranka dhibaataysan,” ayay sii raacisay.

“Hamiga siyaasadeed ee ku xeeran kala-guurka si joogto ah isuma barbar dhigin xaqiiqooyinka dhabta ah, ka dibna sababa dib u dhac,” Omar Mahmood, oo ah falanqeeye sare oo Bariga Afrika ah oo ka tirsan kooxda xasaradaha caalamiga ah, ayaa u sheegay wargeyska The East African bartamihii bishii Luulyo. Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa 22-xarumood kala wareegay ATMIS, waxaana dib u soo ceshaday dhulalka qaar, balse Maxamuud ayaa sheegay in uu aaminsan yahay in loo baahan yahay waqti dheeri ah, si loo sii horumariyo laamaha amniga Soomaaliya.

“Waxay u badan tahay in Soomaaliya ay wali u baahan doonto kaalmo ciidamo shisheeye ah ugu yaraan labada sano ee soo socota, si looga fogaado khalkhal amni,” ayuu ku daray Mahamuod. Howlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasillinta oo magaciisa loo soo gaabiyo (AUSSOM) ayaa ku yimid codsi ay Soomaaliya gudbisay, kaasi oo ujeedkiisu ahaa in kadib bixitaanka ATMIS la helo taageero muddo kooban ah oo ciidamada Soomaaliyeed laga siinayo xasilinta iyo xoojinta nabadgeliyada dalka, iyadoo Midowga Afrika uu bogaadiyay dadaalka iyo ka-go’naanta dawladda Soomaaliya ee adkeynta amniga, dib-u-dhiska, tababbarista iyo kobcinta karaanka ciidamada Xoogga Dalka, si howlahaasi loo sii dardargeliyana, waxay Afrika ugu baaqday Beesha Caalamka in kor loo qaado taageeridda dowladda Soomaaliya.

By. C/lahi Ruush

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Ingiriiska ee Soomaaliya

Muqdisho(SONNA (:-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe),…

September 28, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Taliyaha NISA oo gaaray degmada Maxaas

Muqdisho-(SONNA)-Taliyaha hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee (NISA) Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) oo aay wehliyaan Xildhibaanno iyo siyaasiin ayaa gaaray…

GudahaWararka
June 12, 2024

Koonfur Galbeed oo guddi u saartay dadkii laga soo saaray Gobolka Sool

Baydhabo..SONNA…Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen oo Guddi kumeel gaar ah u saaray wax u qabashada…

GudahaWararka
October 4, 2021

Talyaaniga oo Gaadiid ciidan ugu deeqay Soomaaliya

Muqdisho-(SONNA)-Wasiiru Dowlaha Amniga iyo Taliyaha Booliiska aya Safaaradda Talyaaniga ee Soomaaliya ka guddoomay Gaadiid ay dowladda Talyaanigu ugu deeqday Ciidamada…

GudahaWararka
March 22, 2023

Wasiirka Maaliyadda XFS oo shaaciyay in la xaliyay caqabadihii ay soo jeediyeen ganacsatada Soomaaliyeed

Muqdisho-(SONNA)-Wasiirka wasaaradda Maaliyadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudan Biixi Imaan Cigge ayaa shaaciyay in la xiliyay dhammaan caqabadihiii ay soo…

GudahaWararka
August 18, 2024

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023