Xafiiska Pentagon-ka Mareykanka ayaa sheegay in milatariga Maraykanku uu gobolka geyn doono dagaalyahanno iyo maraakiib dagaal oo dheeraad ah, iyadoo ay sii kordhayso cabsida laga qabo in Iiraan ay ka aargoosato Israaโiil ,kadib dilkii Tehran loogu geystay madaxii siyaasadda ee Xamaas Ismail Haniyeh.
Hadaladaan ayaa soo baxaya xilli saddex carruur ah, qof dumar ah iyo oday waayeel ah lagu dilay duqeyn ay Israa’iil ka geysatay magaalada Gaza, sida uu sheegay difaaca rayidka ee Falastiin.
Dhinaca kale,Kumanaan kun oo baroordiiqayaal ย ah ayaa isugu soo baxay guud ahaan deegaanada Bariga Dhexe,gaar ahaan ย Lubnaan, Yemen iyo Urdun si ay u xusaan Haniyeh ka dib markii lagu aasay Qatar.
Qaramada Midoobay waxay sheegtay in ku dhawaad โโsaddex-meelood laba meel dhammaan dhismayaasha Marinka Qaza oo ah in ka badan 151,000 oo dhisme ay ku waxyeeloobeen ama ku burbureen weerarrada Israaโiil tan iyo 7-dii Oktoobar.
Ugu yaraan 39,480 qof, oo ay ku jiraan 16,314 carruur ah, ayaa la dilay 91,128 kalena waxaa lagu dhaawacay dagaalka Israa’iil ee Gaza.