Madasha Maalgashiga Qurba-joogta Soomaaliyeed ee Muqdisho ka furmay ayaa ujeeddadeedu tahay sidii loo kobcin lahaa dhaqaalaha Qaranka. Maalintii Sabtida aheyd waxaa magaalada Muqdisho ka furmay shirka Madasha Maalgashiga Qurbajoogta Soomaaliyeed, kaasi oo ujeedkiisu yahay in lagu baaro doorka qurba joogta ee horumarinta dhaqaalaha dalka. Madashan oo uu soo qabanqaabiyeen Bangiga Caalamiga ah ee Soomaaliya (IBS iyo Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah oo ay wehlinayso Waaxda Jaaliyaddaha Qurbajoogta ee Wasaaraddaasi, ayaa waxaa ka soo qaybgalay madaxda ugu muhiimsan dowladda iyo Ganacsatada, iyo sidoo kale wakiillada bulshada.
Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Axmed Macallim Fiqi, ayaa iftiimiyay doorka muuqda ee qurba-joogta Soomaaliyeed, oo ku dhawaad $2 bilyan ku bixiya xawaaladaha sannad kasta—oo xisaabiya ilaa 27% GDP-ga qaranka, una adeegaya nolosha Qoysas badan. “Qurba-joogtu maaha oo kaliya kuwa degan dibadda, balse waa safiirrada adkeysiga Soomaaliya iyo horumarka laga gaaray masraxa caalamka,” ayuu Wasiirku carabka ku adkeeyay.
“Marka laga soo tago xawaaladaha, qurba-joogta Soomaaliyeed waxay si isa soo taraysa uga qayb qaadanayaan maalgashiga tooska ah ee qeybaha kala duwan ee dhaqaalaha, sida hantida ma-guurtada ah, isgaarsiinta, iyo maaliyadda. Qulqulka raasamaalku kuma ekayn oo keliya in uu abuuray kumannaan shaqo balse, waxa uu sidoo kale horseeday horumarinta kaabayaasha muhiimka ah. Kobaca aaladaha lacagta moobilada iyo adeegyada maaliyadeed ee ku habboon suuqa Soomaaliya ayaa ah tusaalooyinka ugu muhiimsan ee hal-abuurnimada qurba-joogta horseedka u tahay oo saameyn isbeddel ah ku yeeshay dhaqaalaha gudaha”, sidaana waxaa qaba Falanqeeye Ciise Xasan oo ku suga.
“Arrin kale oo laf-dhabarta u ah saamaynta qurba-joogta ayaa ah dib-u-soo-noqoshada Soomaalida xirfadleyda iyo aqoonta leh ee dibadaha ka yimid. Shakhsiyaadkani waxay gacan ka geystaan aragtiyo caalami ah iyo khibrado, kuwaasi oo lagama maarmaan u ah casriyeynta shaqaalaha Soomaaliya iyo kor u qaadista awoodda hay’adaha kala duwan. Waaxyaha Waxbarashada, daryeelka caafimaadka, iyo tiknoolajiyada ayaa si weyn uga faa’iideystey qulqulka aqoonta iyo xirfadaha, oo inta badan lagu soo maro dadaallo rasmi ah iyo shabakado aan rasmi ahayn, ayuu sii raaciyay Falanqeeye Ciise Xasan oo isaga qudhiisa ah Qurba joog.
Isku-imaatinka Maalgeshiga Qurba-joogta Soomaaliyeed ee lagu qabtay Caasimadda Muqdisho, oo ay ka qeybgaleen mas’uuliyiin ka tirsan dowladda, baarlamaanka iyo maalgeshato qurbo-joog ah, ayaa la sheegay in qurbo-joogtu yihiin halbowlaha nololeed ee Qoysas badan iyo laf-dhabarka dib u noolaynta dhaqaalaha Soomaaliyeed.
Wasiir Fiqi ayaa uga mahadceliyay Bankiga Caalamiga ee Soomaaliya (IBS) maalgelinta munaasabadda iyo wadashaqaynta dhow ee ay la leeyihiin Waaxda Jaaliyadaha iyo Qurbo-joogta ee Wasaaradda, isagoo farta ku fiiqay muhiimadda ay leedahay ka faaidaysiga khibradaha iyo maalgeshiga qurbo-joogta, si Soomaaliya u gaarto horumar iyo barwaaqo, isagoo caddeeyay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka go’an tahay sidii ay fursado maalgashi oo baaxad leh u bixin laheyd, isla markaana ay u sugi lahayd ammaanka maalgashadayaasha qurba-joogta.
Wasiir Fiqi oo ka hadlayay saameynta dhaqaale ee ay leeyihiin lacagaha qurba-joogta ah ee xawaaladaha la soo mariyo ayaa xusay inay kaalin mug leh ka geysanayaan dhaqaaqa dhaqaalaha dalka, wuxuuna ku bogaadiyay sida wanaagsan ee ay Soomaaliya uga tarjumeen, magac iyo maamuusna uga soo jiideen bulshooyinka ay la noolyihiin, taasi oo ay ugu wacantahay suubanida akhlaaqdooda iyo hab-dhaqankooda. Waxaa kaloo munaasabadaasi ka hadlay Guddoomiye ku-xigeenka Guddiga Sare ee Bankiga IBS, Mudane Cabdirisaaq Cali Warsame, oo hadal uu ka jeediyay isku-imaatinka Maalgeshiga Qurba-joogta Soomaaliyeed, ayaa waxa uu ka sheegay in bankiga IBS u diyaar yahay dhiirrigelinta qurbo-joogta, si dalka ay dib ugu soo noqdaan, una maalgeshtaan, isaga oo daaha ka rogay in Qurba-joogta Soomaaliyeed ay kaalin muuqata oo maalgeshiyo kala duwan ku leeyihiin Imaaradda Dubai ee dalka Isutagga Imaaraatka Carabta, dhowr magaalo oo Turkiga ah iyo sidoo kale Caasimadda Kenya ee Nairobi, isagoo tilmaamay muhiimadda ay leedahay in maalgeshigooda u soo jiheeyaan dalkooda Soomaaliya, Bangiguna diyaar u yahay inuu rumeeyo hiigsigooda iyo riyadooda maalgeshi oo guulaysata.
Shirkaani waa kii ugu horeeyay ee ku saabsan maalgashiga Qurbajoogta Soomaaliyeed oo ay qabato Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Waaxdeeda Jaaliyadaha iyo Qurbajoogata, loona qabto Qurbajoogta Soomaliyeed.
Shirkaani ayaa muhiim u ah dhammaan qurba joogta Soomaaliyeed ee dalka maalgashaday ama qorsheeynaya in ay dalka maalgashadaan, waxaana looga hadli doona soo bandhigista doorka weyn ee qurbajoogta Soomaaliyeed ee ku aadan maalgashiga dalka, Soo bandhigista fursadaha maalgashi dalka ee dhinacyada waxsoosaarka Beeraha, Kalluumeysiga, Xoolaha, dhismaha & Guriyeynta, Waxbarashadda, Caafimaadka, hal abuurka & Tiknolojiyadda.
Qaramada Midoobay ayaa waxay aad u ammaantay doorka Qurba Joogta oo ay ku tilmaantay inuu yahay mid wax ka taray howlaha gargaarka Bini’aadannimo ee loo fidinayo dadka ku dhibaataysan gudaha dalka iyo dibaddiisaba, waana mid muuqa waxtarkooda.
By. C/laahi Ruush