Muqdisho(SONNA):-Xoghayaha Guud ee Aqalka Sare Mudane Cabdinaasir Ibraahim Guuleed ayaa magaalada Geneva ee dalka Swizerland ugu qeybgal Shirka Xoghayeyasha Guud ee Baarlamaannada adduunka.
Shirkan oo maanta furmay ayaa socon doono ilaa 27-da bishan, kaas oo looga hadlaya Arimaha Nabadgalyada adduunka iyo sidii Baarlamaanada uga qaadan lahaayeen doorkooda Arimahaas.
Shirka Xoghayeyasha ayaa sidoo kale xoogga lagu saarayaa arrimaha Isbedelka cimilada iyo horumarrada xirfadaha iyo Aqoonta howlwadeennada Baarlamaannada Addduunka.
Mudane Cabdinaasir Ibraahim Guuleed ayaa inta uu socdo shirka kulammo doceedyo la qaadan doono dhiggiisa Xoghayeyasha Guud ee Baarlamaanada ee ka qeybta ah shirkan.