Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    ๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–asaaraha XFS ๐จ๐จ ๐ฑ๐š๐ซ๐ข๐ ๐ ๐š ๐ค๐š ๐ฃ๐š๐ซ๐š๐ฒ ๐Œ๐š๐ฌ๐ซ๐š๐ฑ๐š ๐๐ซ๐จ๐Ÿ. ๐’๐ก๐š๐ซ๐ข๐ข๐Ÿ ๐’๐š๐š๐ฅ๐š๐ฑ ๐ž๐ž ๐‰๐š๐š๐ฆ๐š๐œ๐š๐๐๐š ๐”๐ฆ๐ฆ๐š๐๐๐š
    December 14, 2025
    Madaxweynaha JFS oo qaatay Kaarka codbixinta ee Doorashada Golaha Deegaanka
    December 13, 2025
    Arday aan gelin Imtixaanka Dowladda ee 2015 -2016 oo loo ogolaaday in la siiyo Shahaaddada
    December 13, 2025
    RW Xamsa Cabdi Barre oo Wasiirro cusub magacaabay
    December 13, 2025
    Wasiirka Difaaca XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Capt. Antonino Mazzocca
    December 13, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
    Qaramada Midoobay oo cambaareysay weerarkii Israel ee masjid ku yaalla Daanta Galbeed
    November 14, 2025
    Turkiye oo soo dhoweysay qaadidda cunaqabateyntii saarneyd maamulka Suuriya
    November 7, 2025
    Shacabka Magaalada New York oo doortay duqii ugu horeeyay oo muslim ah
    November 5, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Warbixin: Muhiimadda Weyn ee Hannaanka Dawladnimo ee Hanaqaaday
    December 9, 2025
    Taariikh nololeedkii: AUN Marxuum Cali Hagarey ( Warbixin)
    December 7, 2025
    Macallinka waa barbaariyaha iyo hagaha Bulshada
    November 22, 2025
    Bixinta Kaararka Doorashada Golaha Deegaanka oo Ka Bilaabatay Muqdisho
    November 16, 2025
    Soomaaliya iyo Aljeeriya oo xoojinaya xiriirkooda
    November 11, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐Ÿ๐Ÿ-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐ˆ๐ฌ๐ค๐š๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐š ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐’๐ก๐ข๐ข๐ง๐š๐ก๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐–๐š๐๐š๐ฆ๐š๐๐š ๐‚๐š๐ซ๐š๐›๐ญ๐š
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN)ย 
    April 19, 2025
    ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐Œ๐š๐ซ๐ž๐ฒ๐ค๐š๐ง๐ค๐š ๐จ๐จ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฌ๐š๐ฑ๐ข๐ข๐ฑ๐๐š๐ฒ ๐‡๐ž๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ž๐ž๐ ๐จ๐จ ๐ ๐š๐š๐ซ๐š๐ฒ๐š $๐Ÿ”๐Ÿ–.๐Ÿ“ ๐Œ๐ข๐ฅ๐ฒ๐š๐ง
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Shacabka Soomaliyeed oo soo dhaweeyey dadaalka Dowladda Soomaaliya (Maqaal)
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
ยฉ2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Maqaallada > Shacabka Soomaliyeed oo soo dhaweeyey dadaalka Dowladda Soomaaliya (Maqaal)
Maqaallada

Shacabka Soomaliyeed oo soo dhaweeyey dadaalka Dowladda Soomaaliya (Maqaal)

By Ruush Abdullahi
Last updated: September 7, 2023
6 Min Read
Share

Shacabweynaha Soomaaliyeed meel walba oo ay jogaan dal iyo dibad waxay ka siman yihiin oo ay maskaxda iyo qalbiga ku hayaan inay mar un arkaan Dowlad fiican oo matali karta magaca dadka iyo dalka Soomaaliya, riyadaas oo la wada sugayey muddo dheer goortay rumoobayso, dadka qaarkood ee soo arkay dowladnimada qiimaha ay leedahay waxay yiraahdaan Nin nasiib leh ayaa arki doono dowlad Soomaaliyeed oo dib lugaheeda isugu taagta, si la mid ah dowladaha dunida ka jira, taas oo awood u leh inay maareeyso dhaqaalaheeda iyo amnigeeda, dibna u hanan karta magacii iyo sharafkii aan lahaan jirnay.

Doorashadii 15 May 2022 Dowaladda Soomaliya waxay cagta saartay wadada dib u soo kabashada qaran soomaalayeed oo lagu naaloodo, waxaa daliil u ahย  labada Aqal ee Baarlamaanka,(Golaha shacabka iyo Aqalka sare) ay si aqlabiyad ah u doorteen Dr. Xasan sh.Mohamud oo ah siyaasi ruugcadaa oo horey u soo noqday madaxwayne la soo tijaabiyey 2012-2016. madaxeeynaha oo qibradiisa siyaasadeed ka faaiidayssnaya wuxuu magacaabay Raysalwasaare aqoon yahan ah, ay muddo dheer soo wada shaqeeyeen, isku aragtina ay ka yihiin jihaynta iyo jaangooynta siyaasadda Soomaaliya, taas waxay u sahashay labada gole ee Baarlamaanka inay ku ansixiyaan Raysalwasaaraha tiro aad u badan oo ku dhow 100% taasi waxay ka turjumaysaa rabitaanka iyo rajada badan ee laga qabay wada shaqaynta madaxda sare ee dalka.

Shacabka Soomaaliyeed guud ahaan waxay ka soo daaleen khilaaf ka dhextaagan madaxda sare ee dowladda sida Madaxweyne iyo Raysslwasaare oo ku kala duwan aragtida siyaasadda, hadii Duuliyaasha diyaaradda (pilot iyo Co-pilot) nimba dhinac diyaaradda u kexeeyo waxaa lala kulmayaa khatar iyo jahwareer, dowladihii hore ee Soomaaliya waxaa ragaadiyey isfaham la’aan ka dhex jirtay madaxda sare, natiijadana waxay ku dhamaan jirtay fashil aan ku Koobnayn labada hogaamiye, khilaafkaas wuxuu saamayn ku yeelan jiray dhamaan bulshada Soomaaliyeed meel walba oo ay joogto, iyadoo dadka waxgaradka ah wajigooda laga dareemi jiray inay aad uga xun yihiin khilaafka madaxda sare oo had iyo jeer keeni jiray burbur siyaasadeed iyo dib u dhac ku yimaada dowlad dhiska soomaaliya, waxaana hoos u dhici jiray magaca iyo maqaamka dadka iyo dalka Soomaaliya, iyadoo la wajihi jiray jaheareer, hubanti laโ€™aan iyo carqalad siyaasadeed oo ay buunbuunin jireen danleey aragti gaaban leh oo u adeega dano shisheeye iyagoo doonaya inay ka faaiidaystaan khilaafka iyo iska hor imaashaha madaxda sare.

Artintaas khilaafka madaxda sare waxay soo jiitamaysay 20kii sano ee la soo dhaafay ee lagu dhex jiray dowlad dhiska Soomaaliya, waxaana la soo gaaray waqtigii caqabadaas laga gudbi lahaa, waxaa dalku yeeshay Madaxweyne iyo Raysalwasaare isku aragti ka ah arrimaha siyaasadda, taas oo ku dhisan Danta Qaranka, waa sababta xukuumadda loogu magac daray Dan Qaran, si looga wada fekero danaha ummadda soomaaliyeed meel walboo ay jogaan, iyo in laga shaqeeyo sidii kor loogu qaadi lahaa sharafta iyo karaamada ummadda Soomaaliyeed.

Rajada iyo dareenka dadka soomalida ay ka qabaan dowladnimada dib bay u soo noolaatay, Shacabka Soomaaliyeed waxay arkeen shaqo badan oo ay dowlaaddu qabatay, Xukuumadda Dan Qaran ee uu hogaamiyo Raysalwasaare Xamse Cabdi Barre waxay dardar gelisay in la sameeyo shuruucdii lagu hagi lahaa howlaha adeegyada bulshada loo qabto.

Madaxweynaha oo hal ku dhiggisu ahaa Soomaali Heshiis ah Dunidana heshiis la ah, Dowladda federaalka waxay ku guulaysatay in waddamada deriska lala yeesho xiriir wanaagsan oo ku dhisan Daris wanaag.ย  Wasaaraddu waxay door wayn ka qaadatay in danaha Soomaaliya si mug leh looga shaqeeyo heer gobol, qaarad iyo heer caalami intaba, in soomaliya laga qaado cunaqabataynta hubka, iyadoo madaxweyne Dr. Hassan Sh.Mohamud uu ka jeediyey qudbad qiiro leh xarunta golaha Amaanka, dowlado badan ayaa soo dhaweeyey in soomaliya laga qaado cunaqabaynta hubka, sidoo kale wasaaraddu waxay u istaagtay sidii Soomaaliya looga cafin lagaa daymaha.ย  waxa xusid mudan wasaaradda Arrimaha dibadda inay qayb libaax ka qaadatay gurmadka loo sameeyey dadka soomaaliyeed ee ku goโ€™doomay dagaalkii sokeeye ee ka dhacay Sudan, iyadoo la soo daad gureeyey dad badan oo ay ku jiraan caruur, haween, waayeel iyo arday intaba.

Wasaaraddu waxay u qareentay muwaadiniin soomaaliyeed oo ku xirnaa wadamo kala duwan iyadoo lagu guulaystay in dib loogu soo celiyo dhulkooda hooyo. waxaa bogaadinย  mudan in Soomaliya ay ka qayb gashay markii ugu horaysay shirka looga hadlayo mamnuucidda isticmaalka hubka nuklerka Conmprehensive nuclear Test Ban Treaty Orgsnization(CTBTO), ururkaas wuxuu aad u dhiirigeliyaa hormarinta sayniska iyo technolojiyada, (Science and Technology).

Ururka CTBTO waxaa ka faaโ€™iidaysta wadamo badan oo qaarkood ay yihiin wadamada soo koraya, taasoo la rajaynayo in dowladda Soomlaiya ay ka faaโ€™daysan doonto maadaama uu wasiir Huruse ka qayb galay shirwaynaha Ururka CTBTO, wuxuna ka soo jeediyey qudbad qiimo badan oo xambaarsan aragti siyaasadeed oo muujinaysa halka Soomaaliya ay hiigsanayso dhinaca Sayniska iyo Technolojiyada, Khudbadda wasiirka waxay aad u soo jiidatay dhamaan wafuudii calamka ka kala socotay, shirkaas wuxu ka dhacay Vienna, Austria.

W.Q. Amb.Osman Mohamed Adan

irshadadansare@gmail.com

ย la soco qeybta 2-aad

 

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–asaaraha XFS ๐จ๐จ ๐ฑ๐š๐ซ๐ข๐ ๐ ๐š ๐ค๐š ๐ฃ๐š๐ซ๐š๐ฒ ๐Œ๐š๐ฌ๐ซ๐š๐ฑ๐š ๐๐ซ๐จ๐Ÿ. ๐’๐ก๐š๐ซ๐ข๐ข๐Ÿ ๐’๐š๐š๐ฅ๐š๐ฑ ๐ž๐ž ๐‰๐š๐š๐ฆ๐š๐œ๐š๐๐๐š ๐”๐ฆ๐ฆ๐š๐๐๐š

Muqdisho,(SONNA):- ย Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa Caawa ka qeyb…

December 14, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA)ย Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Raโ€™iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Raโ€iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Khawaarijta Al-shabaab iyo Odayaasha dhaqanka bariga Galguduud oo kala tegay (Warbixin)

Muqdisho.(SONNNA):- Wararka ay warbaahinta qaranka ka heshay deegaannada iyo degmooyinka bariga gobolka Galguduud ayaa xaqiijinaya in ay fashil ku dhammaadeen…

Maqaallada
August 10, 2023

Go’aanada ka soo baxay shirka Culimada Soomaaliyeed iyo Cirib tirka Khawaarijta

Muqdisho.(SONNA):- Culumada Soomaaliyeed ayaa si midnimo leh ummadda Soomaaliyeed ugu soo bandhigay baadinimada kooxaha Khawaarijta ficilada gurracan iyo afkaaraha qaldan…

Maqaallada
January 28, 2023

Khawaariij waxay u tahay xilli adag oo dhaqaale

Muqdisho(SONNA):-Howlgalka kooxda khawaarijta dalka looga xoreynayo waxaa qeyb ka ahaa oo uu Madaxweynaha jamhuuriyadda feferaalka Soomaaliya Xasan sheekh Maxamuud ku…

MaqaalladaWararka
February 7, 2023

Qaaqlayaasha iyo Al-shabaab oo isku Af noqday (WARBIXIN)

Waxaa jiray waqti ay si baaxad leh u kobceen Maleeshiyadka Khawaarijta ah ee Al-shabaab, waana sanadadii 2017-kii ilaa iyo horraantii…

GudahaMaqaallada
July 31, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US:ย 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

ยฉ2023