Muqdisho-(SONNA)-Maanta oo ay taarikhdu tahay kowda bisha Luulyo waxaan u dabaaldageynaa maalintii aan hananay xoriyadeena, 63 sanno ka hor. Waa in aan dib u milicsano taarikhdeena ku salaysan adkeysiga iyo horumarka, iyadoo aan mar walba wajaheynay dhibaatooyin aan kala joogsi lahayn. Taariikhdeena, oo ay ka buuxaan tijaabooyin iyo dhibaatooyin tan iyo markii aan dka xorownay gumeysiga 1960-kii, ayaa tusaale inoogu filan geesinimadeena iyo go’aankeena.
Maanta marka aan dib eego taarikhdeena waxaa dhiiri-gelin ii ah ereyadii qoraagii iyo mufakirkii maraykanka ahaa ee wax badan wax ka qoray siyaasada ee Thomas Paine, ee ahaa โ Mar walba oo ay colaada sii dheeraato, waxa sii macananaysa guusha. Wixii si fudud lagu hanta si fudud ayaa lagu lumiyaa. Waan jeclahay ninka awooda in uu muusoodo isaga oo dhibaato wajahaya, xoog iyo karti ka qaada mushkilada haysata, geesinimana ka qaada marka uu dib u milicsado waxa uu soo marayโ. Halgankeena dal ahaan waxa uu xambaarsan yahay sheeko-ballaaran oo wax badan la wadaagta halganka wadamada qaarada Afrika ee iska xoreyntii gumeysiga iyo himilooyinka soo socda ee kobaca qaranka.
Runtii, si la mid ah wadamo badan oo qeyb ka haa mowjadaha gumeysi iska- xoreynta, waxan la kulannay dib-u-dhacyo iyo xanuunno isa soo taraya, laakiin weli taas nama niyad jabin.ย Tusaale, u gudubka hidaha dhaqanka iyo ilaalinta afkeena iyo dhaqamada afkayagu waxay marag u noqdeen adkeysi dhaqameedkeena tan iyo xoriyada, si la mid ah sida ay Ireland ugu fara adeegtay luuqadeeda Gaeilge iyo sida New Zealand dib ugu soo noolaysay luuqadeeda Te Reo Maori.
Maanta, aan dib u cusboonaysiinno ballanqaadkeenna ah ilaalinta dhaqankeena hodanka ah si ay uga faaโideystaan jiilka mustaqbalka. Dhinaca kale, waxa marnaba aan la iska indha tiri kerin halista ay wajahayaan waxyaabaha dhaxal-galka ah sida goobaha taariikhiga ah iyo farshaxanada laga soo bilaabo Dhulkii Puntland ee qadiimiga ahaa ilaa Saldanaddii Geledi. Dagaallada sokeeye ee daba dheeraaday, masiibooyinka deegaanka iyo sida aanan awooda ugu lahayn ilaalinta degaanka ayaa ah arrimo walaac nagu haya. Hasayeeshe, talaabooyinka ku dayashada mudan ee ay qaadeen Talyaaniga iyo Giriiga ee ku aadan ilaalinta bayโada ayaa dhiiri-gelin inoogu filan.
Sidoo kale aynu xasuusanno waxtarka muhiimka ah ee qurba-joogta, oo si la mid ah qurba joogtii dalalka Hindiya iyo Filiapiin wax badan ka badelay xaaladda wadamadooda. Dadaalkooda dhinaca dhaqaalaha, maal-gashiga iyo ganacsiga waxaย uu gacan weyn ka geystay kobaca dhaqaalaha dalkeena iyo horumarka guud. Waxa sidoo kale xusid mudan sida ay ula qabsadeen, ulana noolaadeen ummadihii kala duwanae ee ay ugu tageen dalalka shisheeye.
Taarikhdeenna waa in aan sidoo kale ku xusnaa dadaalka shirkadaha ganacsi ee sida gaarka ah loo leeyahay, inagoo dhiiri-gelin ka dhiganayno horumarka ay shirkadaha gaarka ah ka sameeyeen wadamada ay ka mid yihiin Malaysiya, Singapore, iyo Imaaraadka Carabta, kuwaas oo ka faaโiidaystay shirkadaha gaarka ah.
Waxa waajib nagu ah in aan ka faaโideysano hal-abuurka iyo qaababka kala duwan ee lagu kobcin karo dhaqaalaha. Waa in aan diirada saarno ka faaโideysiga iyo kobcinta xoolaheena, beeraheena iyo warshadaha kalluumeysiga, kuwaas oo muhiim u ah haqab-beelka cuntada. Aynu qaadano dhaqamo waara, teknooloji cusub, iyo sharci adag, inagoo tusaale ka dhiganayna wadamada ku wanaagsan qaybahan.
Maanta, annagoo xusayna sannad-guurada 63-aad ee ka soo wareegtay xoriyadeena waxa guul inoo ah in aan rajeneyno in naga la cafiyo deymihii ay mudada dheer nagu lahayeen wadamada shisheeye, anigoo u marayna hanaanka deyn cafinta ee loo soo gaabsho HIPC. Ma aha guul uu qof shaqsi ah gaaray, balse waa mid aan dhamaanteen gaarnay. Marka la soo gabagabeeyo hanaanka deyn cafinta dhamaadka sanadkan 2023-da, waxaan rajenaynaa in aan cagta saari doono wado cusub oo aan uga faaโideysan karno hanaanka maaliyada ee caalamiga iyo madax banaanida dhaqaalaheena.
Hanaanka Federaalka oo ah weli ah fikarad ku cusub dalkeena ayaa waxa uu ifiyey caqabado ku aaddan adkeynta dastuurkeenna iyo qaabka dowladnimo. Waxaan cashirro ka qaadan karnaa sida uu ugu dhaqan-galay hanaanka federaalka wadamada sida Jarmalka iyo Kanada si aan u kala saarno mas’uuliyadaha ka dhexeeya dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada, si loo hubiyo in dastuurkeena uu waafajiyo rabitaanka Soomaalida oo dhan. Aynu sii wadno hawsha muhiimka ah ee dib-u-eegista iyo hirgelinta dastuurka si loo horumariyo xasilloonida siyaasadeed iyo sareynta sharciga.
Taariikhda xanuunka badan iyo qisooyinka Rwanda iyo Laybeeriya waxay ina xasuusinayaan in laga gudbi karo dhibaatooyinka ka dhasha colaadaha. Sannad-guurada 63-aad, ujeeddooyinkeenna koowaad waa in ay noqdaan ka shaqeynta nabadda, dib-u-dhiska dalka colaadda ka dib iyo sara u qaadida wada-noolaanshaha.
La-dagaalanka xag-jirnimada maaha oo keliya ammaan balse sidoo kale kasbashada quluubta iyo maskaxda. Waxaan u baahanahay inaan wax ka barano dalal ay ka mid yihiin Malaysiya, Indonesia, iyo Turkiga oo si guul leh wax uga qabtay sababaha asaasiga ah ee xagjirnimada, oo inta badan ka dhasha kala duwanaanshaha dhaqan-dhaqaale iyo caddaalad-darro la dareemay.
Anaga oo dalka Koonfur Afrika uga dayaneyna hanaanka dib u heshissinta ee ku salaysan in runta la isu sheego, waa in aan qaadanaa istaraatiijiyad dib-u-heshiisiineed oo dhamaystiran. Sida Mahatma Gandhi mar uu yiri, “Qofka daciifka ah waligiis wax ma cafin karo, wax cafinta waa sifada kuwa xoogga badan.”
Dal ahaan waxa ina soo maray dhacdooyin aad u xanuun badnaa, sida keliya ee aan wax uga badeli karno nolosheena, dad nimadeena iyo qarankeena waa in dhacdooyinkaas ay noqdaan kuwo aan wax baranay si la mid ah sida ay sameeyeen wadamada ay ka mid yihiin Rwanda iyo Yugoslavia kuwaas oo hoosta ka xaqiiqay muuhimada ay leedahay in mar walba la xoojiyo dowladnimada iyo midnimada.
Dabaal-deg iyo sanad guuro wacan- Soomaaliya hanoolaato.
Ku saabsan Qoraaga:
Dr Mohamed Osman Mohamoud, PhD, waa La-taliyaha Dhaqaalaha Qaranka ee Madaxweynaha Soomaaliya. Sidoo kale waa Xubin ka tirsan Golaha Dhaqaalaha Qaranka, wuxuuna u shaqeeyaa sidii Wakiil goboleed ee Jaamacadda Qaramada Midoobay ee Nabadda. Marka laga yimaaddo doorkii uu ka soo qabtay hayโadaha dawladda iyo kuwa caalamiga ah, Dr. Maxamuud waa aasaasihii iyo maamulaha Machadka Sadar.ย Waxaad kala socon kartaa qoraaga bartiisa Twitter-ka ee @MohamedOsmanSom