Muqdisho(SONNA):-Munaasabadda Xuska maalinta Badda Aduunka ayaa looga hadlay dhawridda, iyo ilaalinta badda ka hortagga waxkasta oo dhibaato u keeni karo Kalluunka in lagu shubo badda, ka hortagga wasakheynta xeebaha.
Khubarada Wasaaradda iyo mas’uuliyiinta qaar ka mid ah Iskaashatooyinka Gobolka Banaadir ayaa munaasabada ku soo bandhigay aragtiyo kala duwan oo lagu ilaalin karo badda.
Maanta oo kale 8-da June waxaa dunida oo dhan laga xusaa maalinta Badda Aduunka, Qaramada Midoobay ayaa sanadkii 1992-dii u asteeysay maalinta badaha adduunka.