Maalintii labaad dagaallo xoogan oo u dhaxeeya laba garab oo ka kala socda ciidamada Dalka Suudaan ayaa ka socda Magaalada Khartuum iyo deegaanno kale oo duleedka ah.
Ugu yaraan 56 qof oo rayid ah ayaa lagu dilay dagaalka u dhexeeya ciidanka iyo kooxda gurmadka degdegga ah ee (RSF), sida ay sheegeen koox dhakhaatiir ah oo madax-bannaan.
Ururka Dhakhaatiirta Suudaan ayaa sheegay in tobaneeyo askari ay soo gaareen dhaawacyo, ugu yaraan 595 qofna ay ku dhaawacmeen guud ahaan dalka.
kooxda gurmadka degdegga ah ee (RSF), ย waxa ay sheegtay in ay gacanta ku hayso goobta madaxtooyada, garoonka diyaaradaha ee Khartoum iyo xarumaha kale ee muhiimka ah ,halka ciidamada ay beeniyeen sheegashadaasi.
Mareykanka,Sucuudiga iyo Imaaraadka Carabta, saddexda waxay ugu baaqeen dhinacyada isku haya dalkaasi inay shuruud laโaan joojiyaan colaadda.
Dagaalka Suudaan ayaa bilaawday xilli muddo ย bilo ah ay jireenxiisado ย u dhaxeeyay taliyaha milatariga, General Abdel Fattah al-Burhan, iyo madaxa RSF, General Mohamed Hamdan Dagalo, kaas oo ku saabsanaa in ย kooxda gurmadka degdegga ah ay ku ย biiraan ciidanka.