Baarlamaanka Turkiga ayaa ansixiyay hindise sharciyeed u ogolaanaya Finland inay ku biirto NATO, taasoo meesha ka saaraysa caqabadii u dambeysay ,kadib markii Finland ย ay ku biirtay xulafada difaaca hawada ee khuseeya dagaalka Ukrine.
276 cildhibaan ayaa u codeeyay dalabka Finland, maalmo kadib markii baarlamaanka Hungary uu sidoo kale ansixiyay ku biiritaanka dalkaasi ee Nato.
Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa horraantii bishan sheegay in Finland ay qaadeen tallaabooyin wax ku ool ah oo ay kaga hortagayaan kooxaha ay Ankara u aragto argagixisada.
Madaxweynaha Finland Sauli Niinisto ayaa u mahadceliyay 30-ka waddan ee xubnaha ka ah NATO si ay u taageeraan dadaalka waddankiisa ee ah in uu ku biiro isbahaysiga.
โFinland waxay noqon doontaa xulafo xooggan oo karti leh, oo ay ka go’an tahay ammaanka isbaheysiga,โ ayuu ku yiri madaxweynaha.