Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Ciidanka Xoogga oo howlgallo ka fuliyay koonfurta Sh/Dhexe
    March 12, 2026
    Taliyaha Ciidanka Xoogga oo la dardaarmay ciidan loo diyaariyay tababar dhanka dibadda ah
    March 12, 2026
    HOGGAAMIYAASHA SOOMAALIYA, JABUUTI IYO ITOOBIYA OO KULAN SADDDEX-GEESOOD AH KU YEESHAY JABUUTI
    March 12, 2026
    Wasiirka Qoyska XFS oo ka qeybgashay shir heer wasiir ah oo ka dhacay New York
    March 12, 2026
    Wanlaweyn oo ku soo baxday Tartanka Ramadaan iyo jadwalka wareegga 4-aad oo la sameeyay
    March 12, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Khawaariijta oo Islaamnimada kala dagaalantay bulshada degmada Ceeldheer
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Maqaallada > Khawaariijta oo Islaamnimada kala dagaalantay bulshada degmada Ceeldheer
MaqaalladaWararka

Khawaariijta oo Islaamnimada kala dagaalantay bulshada degmada Ceeldheer

By SB
Last updated: February 27, 2023
3 Min Read
Share

Muqdisho(SONNA):-Kooxda khawaariijta ee gabalkeedu dhacay dhibaatooyinka ay u geystay bulshada Soomaaliyeed kuma eka oo qura dilalka, boob iyo dhaqan doorinta ee waxay sidoo kale burburiyeen goobihii cibaadadda lagu baran jiray sidoo kale waxay goobo qashin qub u beddeleen qaar ka mid ah masaajidada deegaanaddii ay shacabka ku dhibi jirtay kooxda khawaariijtu,maanta waxaynu wax ka ogaan doonaa sida degmada Ceeldheer u ahayd xarun diimeed iyo sida ay khawaariijtu albaabada ugu laabtay goobihii barashada diinta Islaamka ee degmada Ceeldheer.

Degmada Ceeldheer waxay ka mid tahay degmooyinka ugu qadiimisan Gobolka Galgaduud waxayna dhacdaa dhinaca waqooyi bari ee gobolka, waxay 18 KM u jirtaa xeebta Mareeg ee Badweynta Hindiya, waxaana markii ugu horreysay la soo degay sanadkii 1937-kii kadib markii dadkii deganaa Mareeg oo aheyd magaalo taariikhi ah ay ka soo guureen dagaalkii labaad ee aduunka kadib, kolkaas oo Talyaaniga iyo Ingiriiska uu dagaal dhinaca Badda ah ku dhex maray Mareeg.

Madaxdii gumaystihii Talyaaniga ayaa ku booriyay in dadkii ku noolaa Mareeg ay ka guuraan kuwaasi, oo marka laga reebo Talyaaniga isugu jiray Hindi, Carab iyo beelo kale oo Soomaaliyeed,Hindidii iyo Carabtii ayaa u hayaamay magaaloyinka kala ah Cadale,Xamar iyo Baraawe, halka reer Mareegii asalka ahaana ay u soo baqooleen dhinaca deegaanka Ceeldheer oo xiligaas ahaa meel ay ku yaaleen Ceelal oo kaliya, Sida ay sheegayaan dadka yaqaan taariikhda degmada Ceel-Dheer.
Degmada Ceeldheer waxay xarun u tahay barashada culuumta Islaamka waxana wax ku barta Arday (Xer) ka kala yimaada gobolada dalka soomaaliya,Masaajida taariikhda dheer leh ee Ardayda wax ka baran jireen ayaa waxa ka mid ahaa masaajidka Sh Cismaan Xiddig oo kooxda khawaariijtu gabi ahaan ba albaabada isugu dhufatay,sidoo kale kooxda khawaariijta ayaa xirtay dhamaan mawlacyadii iyo masaajid diimeedyadii degmadda ee laga baran jiray diinta sida Masjidkii weynaa ee Macallin dhiblaawe,iyagoo taas bedelkeeda ogolaaday hal masaajid oo lagu baran haba yaraatee wax duruus diimeed ah masaajidkaas oo dadka degmadu u bixiyeen masaajidka AL-shabab.
Warbaahinta qaranka ayaa booqatay halkii ay ku aasnaayeen qaar ka mid ah awlaada Sh daa’uud Culusow halkaas oo Khawaariijtu ka bixiyeen sidoo kalena xireen masjidkii iyagoo u bedelay buushash shimbiruhu galaan,masjidkan ayaa ka mid ahaa goobaha ugu caansan ee laga baran jiray diinta Islaamka,intaas kuma eka dhibta khawaariijtu u geysatay goobaha cibaadada iyo faafinta diinta Islaamka ee waxa sidoo kale deegaanka ay ka eryeen dhamaan culimadii deegaanka oo u soo fakaday magaaladda Muqdisho.

Burburinta kooxda khawaarijtu u geysanayso masaajida ayaa loo sababeeyey in kooxdu doonayso inaysan sii socon xalaqooyinka diiniga ah ee halkaas lagu aqri jiray, kuwaas oo dadka ka hor keenaya haddii ay fahmaan diinta Islaamka ee saxda ah, waxaana deegaan walba oo laga saaray Khawaarijta sida, Masaajid Cali-guduud, Masagawaa iyo Ceel-dheer lagu arkay in masaajidda la burburiyey waqti hore oo aan mudada ay deegaanka caburinta ku hayeen lagu tukan.

 

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Ciidanka Xoogga oo howlgallo ka fuliyay koonfurta Sh/Dhexe

Ciidanka Xoogga Dalka gaar ahaan Guutada 17aad ee Qeybta 1aad ee Kumaanooska Gorgor ayaa howlgallo…

March 12, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Webiga Shabeelle oo fatahaad ka sameeyay Tuulooyin hoos taga Afgooye+Sawirro

Muqdisho-(SONNA)-Webiga Shabeelle ayaa fatahaad ka sameeyay Tuulooyin hoostaga Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellada hoose, taas oo saameyn ku yeelatay Bulshada…

Wararka
November 27, 2019

Taliska Ciidanka Booliska oo ka hadlay qaraxii maanta ka dhacay Muqdisho

Muqdisho-(SONNA)-Taliska Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ayaa faah faahiyay Qaraxii saaka ka dhacay xarunta maamulka gobolka Banaadir uu ku leeyahay Isgoyska Ifka…

GudahaWararka
August 22, 2023

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo xarigga ka jaray Waddo oo interlock

Muqdisho(SONNA):- Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa xariga ka jaray 10 Waddo oo…

GudahaWararka
December 10, 2024

Waxqabadka Dowladda Federaalka Soomaaliya

Waxqabadka Dowladda Federaalka Soomaaliya Warbixinta Toddobaadlaha Muqdisho, Arbaco, 10 May, 2023 1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo sheegay in Dowladda…

Wararka
May 10, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023