Muqdisho(SONNA):-Madaxweynaha jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa safar ku gaaray magaaladda Baydhabo oo ah caasimadda ku meelgaarka ah ee dowlad goboleedka koonfur-galbeed.
Safarka Madaxweynaha oo ah kii saddexaad ee uu ku tago magaalada Baydhabo intii uu xukunka hayey ayaa ku qotonta xaqiijinta Koonfur-galbeed heshiis iyo sidii uu miro dhal u noqon lahaa shirka dib u heshiisiinta ee halkaas uga socda hoggaanka, siyaasiyiinta iyo qaybaha bulshada Dowlad-goboleedka Koonfur-galbeed.
Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaa si diiran ugu soo dhaweeyay magaalada Baydhabo Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur, Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Koonfur-galbeed Mudane Cabdi Casiis Xasan Maxamed iyo masโuuliyiin kale.
Toddobaadkii hore ayuu Guddoomiyaha Golaha Shacabkaee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) soo xiray wajiga koowaad ee Shirka Dib u Heshiisiinta KGS oo ay ka qeyb galeen Golaha Odayaasha Dhaqanka Koonfur Galbeed iyo Guddiga Farsamada Shirka Dib u Heshiiniinta KGS.
Wejigan labaad ee shirka dib u heshiisiinta koonfur-galbeed ayuu soo xiri doonaa madaxweynaha jamhuuriyadda Federaalku maalmaha soo socda iyadoo intaas ka dib sida la qorsheeyey madaxweynaha jamhuuritadduna hore ugu dhawaaqay waxa deegaanada koonfur-galbeed laga bilaabi doonaa wejigii labaad ee dagaalka ka dhanka ah kooxda khawaariijta,kaas oo looga xorrayn doono dhamaan deeganadda koonfur-galbeed meelaha ay kaga dhuumalaysanayaan kooxda khawaariinta.
Hawgalada dib loogaga xorraynayo deeganadda koonfur-galbeed ayaa hdhowaan ka bilowday gobolla shabeellaha hoose iyadoo dhowaan halkaas hawlgal ka dhacay lagu dilay 136 xubnood oo ka tirsanaa khawaariijta,sidoo kale waxa halkaas looga gubay saanad ciidan waxa sidoo kale goobtan looga dilay 3 horjooge oo ka mid ahaa horjoogeyaasha sar sare ee kooxda khawaariijta u qaabilsanaa dhibaataynta shacabka Soomaaliyeed.