Ugu yaraan 32 ruux ayaa dhimatay koonfurta Dalka Bangaladesh, kadib markii markab yar oo ay la socdeen dad aad u badan uu dab qabsaday,sida ay manta oo Jimco ah ka dhawaajiyeen ciidamada Boliiska.
Shilkaan ayaa aroornimadii hore ee saaka ka dhacday meel u dhow miyiga koonfureed ee Jhalokathi, oo 250-km koonfurta ka xigta caasimadda Dhaka.
Markabka ayaa waxaa la socday ku dhawaad 500- oo qof,waxaana la rumeysan yahay in shilkaasi uu dhaliyay dab ka kacay qeybta matoorka markabka,kaas oo ku faaafay dhammaan doontaasi weyn.
Shilkan ayaa ahaa kii ugu dambeeyay shilal noocaan oo kale ah oo ka dhaca gobolka delta ee ay maraan wabiyada.