Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda XFS, mudane C/qaadir Maxamed Nuur oo manta ka qeybgalay Barnaamijka Kulanka Todobaadka ee warbaahinta qaranka ayaa sheegay in wasaarad ahaan ay ku guuleysteen arrimo badan oo xal u ah horumarinta nidaamka guud ee hagaya garsoorka iyo maxkamadaha dalka.
Mudane C/qaadir Maxamed Nuur ayaa xusay in la dhameystiray dhismaha gudiyada la dagaalanka musuqmaasuqa iyo dhismaha heโyadaha darsoorka,wuxuuna intaa raaciyay in ay si joogto ah u socdaan wacyigalinta heyadaha u xilsaaran adeegyada garsoorka .
Wasiirka,waxa uu caddeeyay in la diyaariyay Sharciga hannaanka federaalka , iyadoo lala kaashanaayo maamulada dowlad goboleedyada,
Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda XFS, mudane C/qaadir Maxamed Nuur waxa uu ugu dambeyntii qiray in ay jiraan kalsooni u dhaxeysa shacabka iyo dowladda,sidaa daraadeed,waxa uu codsaday in dowladda gacan lagu siiyo howlaha ay u hayaan bulshada.