Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    DF oo xoojineysa Gurmadka Dadka Danyarta ah
    October 19, 2025
    Wasiirka Howlaha Guud ee XFS oo kulmay Wafdi ka socda Dalka Vietnam
    October 19, 2025
    Codbixiyaal gaaraya 923,220-Qof, oo iska Diiwaangeliyay Gobolka Banaadir
    October 19, 2025
    Saraakiil ka tirsan hay’adaha amniga oo tababar uga furmay Muqdisho
    October 19, 2025
    Danjire Ilyaas Cali Xasan oo si weyn loogu soo dhoweeyay magaalada Kinshaasa
    October 19, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Xamaas oo heshay dammaanad-qaad iyo Israel oo ogolaatay xabbad joojinta Gaza
    October 10, 2025
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgaly furitaanka meertada 80-aad ee golaha guud ee Qaramada Midoobay
    September 23, 2025
    Illaa kun ruux oo ku dhintay dhul go’ ay sababeen roobab ka da’ay Sudan
    September 2, 2025
    Dhulgariir geystay khasaarooyin kala duwan oo ka dhacay Afganistan
    September 1, 2025
    Madaxda Ruushka & W/Kuuriya oo todobad kadib ku wajahan Shiinaha
    August 28, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Xuska 14-ka Oktoobar ee Qaraxii Soobbe
    October 14, 2025
    Xuska 12-ka Oktoobar ee Maalinta Calanka Soomaaliya
    October 12, 2025
    Wax ka ogoow Taariikhda Farsamo yaqaankii ugu horreeyay ee Raadiyo Muqdisho (SAWIRRO)
    September 24, 2025
    Guushu waa adigoo wax yar Cagaha Dhulka ku haya (FAALLO)
    September 15, 2025
    Afar fariimood oo ay dirtay jabinta difaacyadii iyo duullaankii Khawaarijta
    September 15, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
    Safaaradda Soomaaliya ee kenya oo Hamblayo u dirtay Kooxda Dekadaha oo guul usoo hooyay Dalkeena
    September 28, 2025
    Dekedaha oo muujisay awood, kadib markii ay guul ka gaartay Al-Zamala
    September 21, 2025
    Kooxda Dekedaha soomaaliya oo Nairobi kula ciyaaraysa Al Zamala Sports Club
    September 20, 2025
    Maareeyaha Dekadda Muqdisho oo Sagootin u Sameeyay Kooxda Dekedaha
    September 15, 2025
Reading: Xal ayaan u aragnaa go’aanka Maxkamadda Caddaaladda ee ICJ (warbixin)   
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Xal ayaan u aragnaa go’aanka Maxkamadda Caddaaladda ee ICJ (warbixin)   
GudahaMaqaallada

Xal ayaan u aragnaa go’aanka Maxkamadda Caddaaladda ee ICJ (warbixin)   

By Kulane
Last updated: January 7, 2023
8 Min Read
Share
THE HAGUE, NETHERLANDS - JULY 23: An inside view of International Court of Justice in The Hague, Netherlands on July 23, 2018. The International Court of Justice on Monday ruled that the United Arab Emirates had violated the rights of Qataris through the blockade it imposed on its Persian Gulf neighbor over a year ago. (Photo by Abdullah Asiran/Anadolu Agency/Getty Images)

Waxaa xaqiiqo ah in caalamkani uu yahay mid loo asteeyay aadanaha oo loogu talagalay in ay ka helaan adeegyada aasaasiga ah ee ku habboon nolosha,iyadoo sharci ahaan la dhowrayo xaqa iyo nasiibka bulsho kasta ay u yeelatay deegaan ama dal u gaar ah oo aan dhibaato u horseedeyn qawaaniinta guud iyo nidaamka dhaqan ee dunida.

Bulshada Soomaakiyeedna waxa ay ka mid tahay shucuubta caalamka ee dhaxalka u helay deegaan ka kooban bad iyo berri oo caalamka la wadaaga qawaaniinta iyo shuruucda soo jireenka ah ee lagu ilaaliyo danaha guud ee dunida. iyo kuwa urur goboleedyada ee dalalka deriska ah.

Marka laga yimaado dhulalka maqan ee ay bixiyeen gumeystayaashii reer Yurub,Waxaa xasuus ah in dalka Soomaaliyauuxoriyadiisa qaatay sanadkii 1960-kii,taasoo macnaheedu yahay in caalamku uu dal jira u aqoonsaday Soomaaliya,isla markaana aan lagu xadgudbi Karin sohdimaheeda sida dhulka,badda iyo marinka hawadeeda.

Haddaba, maxaa keenay bishii April 2009-kii in dowladdii ku meel gaarka aheyd ay saxiixdo heshiis isfaham oo dalka Kenya u ogolaanaya in wadahadal ay ka galaan xadka biyaha Soomaaliya oo la tilmaamay in ay ka buuxaan keydad shiidaal ah?.

Muranka badda  oo socday in ka badan muddo 10-sano,waxa uu soo maray marxaladahaan

Bishii April ee sanadkii 2009-kii Dowladda Soomaaliya oo xilligaasi aheyd ku meel gaar iyo Dowladda Kenya,waxaa dhexmaray heshiis Isfaham oo ku saabsanaa in wadahadal laga yeesho xadka badda labada dal iyo sida suurtagalka ah ee loo qeybsan karo kheyraadka ku jira biyaha badda.

Heshiiskaasi ah,oo ahaa mid loo maray qaab qaldan iyo dambi laga galay shacbiga Soomaaliyeed,waxa uu sababay in 1-dii Agoosto 2009-kii ay diidaan Baarlamaankii Soomaaliya ee waqtigaasi .

Inkastoo Juulaay 2014-kii, maxkamadda ICJ la geeyay kiis ka dhan ahaa Kenya,haddana,13-kii July sanadkii 2015-kii ,Dowladdii Soomaaliya ayaa si  rasmi ah dacwad la xiriirta badda u gudbisay maxkamadda cadaaladda caalamiga ah ee ICJ.

Octobar 10 2015,Xukuumadda kenya ayaa codsatay in wadahadal  lagu dhameeyo dacwadda badda, arrimahasina ay ka shiraan labada dowladood Soomaaliya iyo Kenya.

waxaa jiray isku dayo badan oo keenay ay ku doonaaayeen in labada dal ay arimahooda ku dhameystaan meel dibadda ka ah maxkamadda caalamiga ah,isla markaana isfaham laga gaaro nidaamka loo marayo heshiiska xadka badda.

26 may 2016-kii maxkamadda ICJ ayaa ogolaatay in 19-ka setembar,isla sanadkaasi la bilaabo kiiska dacwadda badda ee Somaaliya iyo Kenya.

18-kii December 2017-kii dalka Kenya ayaa gudbiyay jawaabta ay ka bixisay dacwadda ay Soomaaliya u gudbisay maxkamadda caalamiga ah ee ICJ.

Feb 02, 2018 Maxkamadda Cadaaladda ee ICJ ayaa go’aansatay inay dhageysan karaan dacwadda ku saabsan muranka badda,ka dib kolkii garsoorayaasha Maxkamaddaasi ay u codeeyaeen xaqa sharci ahaan Soomaaliya ay u leedahay doodadda badda iyo sida Kenya  ay u diidan tahay qeynuun ahaan qaabka loo marayo muranka badda.

7-dii febraayo 2019 Magaalada London waxaa lagu qabtay shir ku saabsanaa suuq-geynta shiidaaka soomaaliya oo ay horsed ka aheyd Dowladda Soomaaliya.

Setembar 2019 Kenya ayaa codsi la xiriiray in hal sano- dib loo dhigo dhageysiga dacwadda u gudbisay Maxkamadda Caddaaladda ee Heuge.

Bishii Nofembar,2019-kii Magaalada Nirobi,waxaa ku kulmay Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweyne Uhuro Kenyata,kuwaas oo ka heshiiyay in muranka badda uusan wax saameyn ah ku yeelan xiriirka laba ,isla markaana laga wada shaqeeyo arimaha ganacsiga iyo dibolomaasiyadda.

16-kii Bishii Oktoobar ee sannadkii 2019-kii Maxkamadda Caddaallada ee ICJ ayaa dib u dhigtay dhageysiga kiiska badda oo lagu ballansanaa 4-ta Nofeembar,waxayna mar kale ku muddeysay dhageysiga dacwadda bisha June ee sannadkii 2020-kii.

May 19 2020 maxkamadda ICJ ayaa mar kale ogolaatay dib u dhigidda dacwadda badda,waxayna shaacisay in mar kale la isu yimaado 15 maarso 2021-ka

Maarso 14 2021 Dowladda kenya ayaa sheegtay in aysan diyaar u aheyn in ay ka qeybgasho kulamada loogu talagalay in lagu qaado dacwadda badda. dacwadda

15-kii Maarso ee sanadkaan waxaa  Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda (ICJ) ka bilowday dhageysiga dacwadda badda ee Soomaaliya iyo Kenya,iyadoo  la diiday codsi kale oo Kenya ay ku dooneysay in dib loo dhigo dhageysiga dacwadda badda,waxaana halkaasi ka maqnaaday qareenadii matalayey Kenya.

Haddaba,waxaa 12-ka bisha Oktoobar ee sanadka 2021 –ka Magaalada The Heuge ee Dalka Bilja m lagu soo gabagabeeyay dacwaddii muranka badda ee u dhaxeeyay Soomaaliya iyo Kenya,taasina waxa ay ka dhigan tahay in lagu soo afjartay hammigii iyo riyadii ay ku taameysay Dowladda Kenya oo aamisaneyd in dadka Soomaaliyeed ay ku jiraan xilli kala uur ah,isla markaana,lagu qasbi karo in laga fushado dano shisheeye.

Maxkamadda ICG,ayaa go’aamisay qodobo muhiim ah oo ay ka mid ahaayeen:-

-In xadka badda uu yahay mid la dhirirsan xariiqa dhulka ee Soomaaliya,sidaa daraadeedna biyaha Soomaaliya ay yihiin lama taabtaan.

-Waxaa la diiday qorshaha Kenya ee ahaa in la weeciyo xariiqa xadka badda ee sdhinaca Soomaaliya.

-Maxkamadu waxay go;aamisay in wax mag-dhow ah aysan laheyn Soomaaliya ,maadaama qarasha badan ka galay dacwadda badda.

-Maxkamaddu waxay dhanka biyaha Soomaaliya ka jartay 12-mayl oo loo adeegsado marinada badaha caalamiga ah.

-Waxaa la go’aamiyay in labada dal Soomaaliya iyo Kenya ay u hoggaansamaan natiijada ka soo baxday maxkamadda ICJ.

Inta badan madaxda xukuumadihii u dambeeyay iyo shacbiga Soomaaliyeed,waxay soo dhoweeyeen natiijada go’aankii kama dambeysta ahaa ee kala saarayey muranka biyaha badda ee u dhaxeeyay Soomaaliya iyo Kenya.

Waa dhab in xilli kasta ay jiraan dad caafimaad qaba oo u diyaar ah ilaalinta danta dalka oo doonaya in ay ka hortagaan cid kasta oo  daneystayaal ah oo door biday in dalkooda ay ka fuliyaan damac shisheeye  oo keeni kara in lagula qeybsado dhaxalka dabiiciga ah ee qeyb ahaan ay u heleen bulshada Soomaaliteed.

waxaa lama huraan ah in la xuso doorkii shariifka ahaa ee ay aqoonyahanada Soomaaliyeed ka soo qaateen xal u helidda muranka badda,waxaana ka mid ahaa ex xeer ilaaliyihii hore Axmed Cali Daahir,Injineer Maxamed Cumar Saalixi,Muuna Sharmaan,Prof Faarax Qare iyo xubno kale oo mihiim ah,kuwaas oo muujiyay in aan wax gorgortan ah laga gali Karin badda Soomaaliya,isla markaana damiyay damacii Kenya ee ahaa in ay wax ku yeelato badda Sooaaliya.

Sidoo kale,waxaan halkaan hambalyo uga direynaa garyaqaanada caalamiga ah ee Soomaaliya ku mataley dascwaddaasi, waxayna kala yihiin,1-Paul S Reichler oo u dhashay Dalka Mareykanka,2-Prof. Philippe Sands British-French ,3-Prof. Alain Pellet u dhashay Faransiiska ,4-Alina Miron u dhashay Faransiiska iyo,5-Edward Craven u dhashay Dalka Ingiriiska.

Xal ayaan u aragnaa go’aanka maxkamadda caddaaladda ICJ ee khuseeya xadka badda Soomaaliya,sidaa daraadeed,aragtida saliimka ah waxa ay na tuseysaa in maxkamaddaasi ay tahay mid dhexdhexaad ah oo u taagan hirgalinta shuruucda caalamiga ah ee lagu dhowrayo ama lagu ilaalinaayo xadadka badaha iyo beriga ee dalalka caalamka.

W/qoray Shire Xasan Kulmiye

 

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

DF oo xoojineysa Gurmadka Dadka Danyarta ah

Muqdisho,(SONNA):- Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee XFS, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir ayaa…

October 19, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Waa Maalintii la baran lahaa Wadaniga dhabta ah (WARBIXIN)

Dhawaan ayay aheyd markii magaalada Dhuusamareeb lagu soo gagabeeyay Shirkii 7-aad ee Golaha Wadatashiga Qaran, kaasi oo uga socda Madaxda…

GudahaMaqaallada
August 29, 2023

Generaal Biixi oo guddoomay deeq xoolo ah oo loogu talagalay ciidanka DF ee dagaalka kula jira Khawaarijta

Muqdisho.(SONNA):- Taliyaha ciidamada Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Generaal Maxamed Tahliil Biixi ayaa Xoolo nool ka guddoomay dadka deggan degmada Xarardheere…

GudahaWararka
February 18, 2023

Madaxwaynaha JFS oo dalka dib ugu soo laabtay

Muqdisho (SONNA)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dalka dib ugu soo laabtay, kaddib markii uu safar shaqo…

Gudaha
April 20, 2021

Wasaaradda Arrimaha Dibadda XFS oo qabatay kulan la xiriiray falanqeynta baaqii Ankara

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya ayaa qabatay kulan heer sare ah oo ay ka soo qeybgaleen aqoonyahanno…

Gudaha
December 27, 2024

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023