Madaxweyniyaasha labada degaan ee Soomaalida iyo Canfarta, Mustafa Muxumed Cumar iyo Awal Arba ayaa qalinka ku duugay heshiis nabadeed oo la kala dhex dhigay labada shacab oo isku haya degaanno dhinaca xadka ah .
Saxiixa Heshiiska oo ka dhacay magaalada Adis Ababa, waxaa goob joog ka ahaa wasiirka Nabadda Dowladda Federaalka Itoobiya Mufariyaat Kaamil.
Labada is-maamul deegaan ayaa dagaal dhiig badan ku daatay waxaa uu ku dhex maray gobolka Siti, sidoo kale waxaa colaadaas ku barakacay shacab aad u badan.