Ciidamada Taliska Mareykanka ee Afrika oo kaashanaya Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maalinimadii shalay weerar ku qaaday xarun ay ku sugnaayeen kooxda Al-shabaab oo ku taalla agagaarka tuulada Buulo Fulaay ee Gobolka Sh/Hoose.
Qiimeyntii ugu horreysay ee la sameeyay waxay muujineysaa in duqeynta lagu dilay hal ruux oo ka tirsan al-Shabaab laguna burburiyey xaruntaasi.
Qiimeynta ayaa sidoo kale lagu xaqiijiyay in aysan jirin qof rayid ah oo ku dhaawacmay ama ku dhintay hawlgalkii duqeyntan ee ka dhacay Buulo Fulaay.
Gen. Dagvin Anderson,Taliyaha Wadajirka ayaa sheegay in ay taageersan yihiin dadaallada caalamiga ah ee dhiirrigelinaya nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya .