Munaasabad lagu soo dhawaynaayey Guddomiyaha arimaha bulshada ee barlamaanka Soomaaliya Ali Osman hersi ( Ali jowhar),ayaa lagu qabtay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga.
Munabaadasi ayaa waxaa kasoo qeyb galay Gudomiyaha jaaliyada Soomaaliyeed ee dalkaasi mudane sheikh Mohamed Mahamud,Guddomiyaha ganacsatada mudane Abdicziiz Caqil Hassan, odoyaasha dhaqan ka ,dhallinyaro iyo masuuliyiin kale.
Munaasabadasi ayaa waxa ka hadlay qaar kamid ah masuuliyiin ta waxayna bogaadiyeen xildhibaan Ali jowhar howsha wanagsan uu u haayo dalka iyo dadka Soomaaliyeed waxa ayna umujiyeen dhirigelin iyo bogaadin.
Ugu dambeyntii waxaan Munaasabadasi hadal kooban ka jeediyay Xildhibaan Ali jowhar waxa uuna ugu mahad celinayay Soo dhaweynta loo samayay waxa uuna kula dardaarmay dhalinyarada Soomaaliyeed in ay waxbartaan ayna dalkooda iyo dadkooda wax u qabtaan .