Muqdisho.(SONNA)…Xildhibaano ka tirsan labada Aqal ee baarlamaanka FederaalkaSsoomaaliya iyo aqoonyahanno kale ayaa soo saaray baaq nabadeed oo lagu joojinaayo dagaallo u dhex maraya laba beel oo ka socda degmada wanla weyn ee gobolka shabeelaha hoose.
Senatar Naciim ibraahin yuusuf oo ka tirsan Senatarada Golaha Aqalka sare BFS ayaa ugu baaqday Dowlad goboleedka koofur galbeed iyo Dowlada federaalka soomaaliya in ay ka shaqeeyaan joojinta dagaalada u dhaxeeya beelaha wada daga deegaankaasi.
Xildhibaan Daahior Amiin Jeesoow oo ka mid ah xildhibaanada golaha shacabka BFS ayaa sheegay in aysan wanaagsan in ay dagaalamaan dad walaalo ah deris ah,wuxuuna soo keediyay in la joojiyo dagaalada .
Qaar ka mid ah aqoonyahanada soomaaliyeed ayaa dhankooda soo jeediyay in lagu baxo joojinta dagaalka ka socda wanla weyn oo waxyeelo dhimasho iyo dhaawacba leh gaarsiiyay qaar ka mid ah dadkii dagaalamay ย iyo dad kale oo rayid ah.