Marka-(SONNA)-Ciidanka gaarka ah ee Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa xalay saqdii dhexe fuliyay howlgal qorsheysan oo ka dhacay Tuulada Yuumbis, oo 7km u jirta deegaanka Barriirre ee gobolka Shabeellada hoose.
Howlgalkaas oo si xeeladaysan loo fuliyay, ayaa lagu beegsaday saldhig ay ku dhuumaaleysanayeen maleeshiyaad ka tirsan kooxda Khawaarijta Al-Shabaab. Intii uu socday howlgalka, waxaa la khaarijiyay 8 dhagarqabe oo cadowga ka tirsanaa, waxaana ka mid ahaa horjooge sare oo lagu magacaabo Bilaal, kuna caan baxay naaneyska “Jaabir”.
Horjoogahan Bilaal wuxuu ahaa madaxii qaraxyada ama waxa loo yaqaan “Mutafajaraadka” ee kooxda Khawaarijta u qaabbilsanaa gobolka Shabeellada hoose, sidoo kalena horey ayuu jagadan ugu soo qabtay gobolka Gedo.
Bilaal wuxuu Al-Shabaab ku biiray sanadihii 2007–2008, waxaana uu ka mid ahaa maskaxdii ka dambeysay falalka qaraxyada iyo argagixinta shacabka Soomaaliyeed.
Khaarijinta Bilaal oo ku timid maalin barakeysan oo ay shacabka Soomaaliyeed u dabaal-degayaan munaasabadda 1-da Luulyo, waxay astaan u tahay sida Ciidanka Xoogga Dalka ay uga go’an tahay in dalka laga ciribtiro cadowga ummadda.
Ciidanku waxay muujiyeen feejignaan, xirfad iyo go’aan adag, waxaana ay mar kale caddeeyeen in aysan jiri doonin meel uu cadowgu ku dhuuman karo.