Xasuus Qaran:- Qaar kamid ah Dadkii Noloshooda kuwaayay Qaraxii Isgoyska Soobe

Xasuus Qaran:- Qaar kamid ah Dadkii Noloshooda kuwaayay Qaraxii Isgoyska Soobe

SHARE

Muqdisho(SONNA):–14 Oktober, 2017, gaari weyn oo xamuul ah oo lagu soo raray walxo qarxa oo tankoodu cuslaa oo uu kaxeynayay naftii halige ka tirsanaa Argagixsada Alshabaab ayaa lala beegsaday Isgoyska Zope ee KM 5 ee Muqdisho, oo ah waddo ganacsi oo ciriiri badan, waxa ayna taasi sababtay geerida Shacab badan oo aan waxba galabsan, oo ay ku jireen dad wadada goynayay, dad ka xoogsanayay ganacsiga waratada, looska iyo cadayga ku iibinayay hab socod wareeg ah, dad suuq-tag iyo wax iibsi ku jiray, arday da’ yar, arday jaamacadeed, dad ka cuntaynayay maqaayado, marti deganayd hoteello iyo dad ku tukanayay seddex masjid.

Hadaba Halkan hoose waxaan idinku suu gudbineynaa qaar kamid ah Dadkii ku dhintay Masiibadaasi oo aan la hadalnay Ehelkooda oo aan wax ka weydiinay Taariikhdooda

1- Duraan Abdi Xersi, waxa uu ahaa Sagaal iyo toban sano jir Arday ahaa, 2016 ayuu dhammeeyey waxbarashada heerka Dugisiga sare, isagoo ka baxay Dugisga Macmuur ee Magaaladda Muqdisho, waxa uu dhiganayey Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, Semister-ka koowaad ayuuna ahaa, waxa uu kamid ahaa Alle ha u naxariistee dadkii ku dhintay Xasuuqii ka dhacay Isgoyska Zoobe ee Magaaladda Muqdisho 14kii Oktoobar 2017-kii.
Fowziyo Cali Xasan oo la dhalatay Duraan, ayaa SONNA u sheegtay nolosha qoyska in saameyn weyn ay ku yeelatay geerida walaalkeed ku timid, iyaddoo xustay in uu ahaa qofka kaliya ee wax u bartay qoyska, islamarkaana la joogay waqtigii laga faa’iideysan lahaa noloshiisa iyo Cilmigii uu soo bartay.

2- Hooyo Shariifo Xuseen Raage, waxay aheyd garab rarato jirta 40 sano, iibinta caano ay dhabar keeda kusoo qaado ayey ku maareyn jirtay Nolosha Qoyskeeda oo ka koobnaa 6 qof oo Afar kamid ah ayey yihiin caruur aad u yar iyo Aabaha Qoyskaasi oo la jiifay xanuun uu muddo la daalaa dhacayey, Alle ha u naxariistee waxay ku dhimatay qaraxii 14ka Oktoobar ka dhacay Muqdisho.
Mid kamid ah Ehelka Qoyskaaga oo Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed ee SONNA la hadlay ayaa sheegay in Geerida Alle ha u naxariistee Hooyo Shariifo Qoykaasi saameyn xooggan ay ku yeelatay, maadaama ay aheyd qofka kaliya ee nolosha reerka uu ku tiirsanaa, una shaqeyn jirtay.

3- Maxamed Cabdulle Cabdi, waxa uu ahaa Curadka Qoys ka kooban 8 Qof oo 6 kamid ah ay gabdho yihiin, da’diisu waxay aheyd 35 sano jir, waxuuna ka shaqeynayey Dukaan ku yaalla Suuqa bakaaraha, waxa uu ahaa qofka kaliya ee uu ku tirsanaa qoyskaasi, isagoo waxbarashada ka bixin jiray caruurta ka yar, dadkii sida arxan darradda aheyd loogu laayey Isgooyska Ex Zoobe ayuu kamid ahaa, xilliga uu dhimaney ayaa waxa uu ka yimid aaska mid kamid ah Ehelkiisa oo geeriyooday, laguna aasay Deegaanka Tareedisho ee duleedka Muqdisho.

Nafiso Cabdulle Cabdi, waa currad ku xiggeenka Qoyska Maxamed, mar aan aan la hadalnay, waxay inoo sheegtay in saameyn weyn qoyska ay ku reebtay geerida Marxuum Maxamed Cabdulle, iyadda iyo walaalaha ka yar ayey sheegtay inay joojiyeen Waxbarashada, maadaama ay waayeen qofka ka bixiya Lacagta waxbarashada oo markii uu noolaa uu ka bixin jiray Alle ha u naxariistee Marxuum Maxamed Cabdulle Cabdi.

4-Cabdullaahi Ciise Yuusuf, waxuu ahaa 21 sano jir deganaa Degmadda Kaxda ee Gobolka Banaadir, waxa uu ahaa Xoogsato ka shaqeyn jiray agagaarka Isgooyska Zoobe ee Magaaladda Muqdisho, isagoo kamid noqday dadkii Nabad diidka Alshabaab ay ku laayeen Xasuuqii 14ka Oktoobar.

5-Xuseen Axmed Guuleed, waxuu ahaa 32 sano jir Xaasle ah oo ay u joogeyn Labo caruur ah, waxa uu ahaa Qofka kaliya ee u shaqeynayey Qoyskiisa oo ka kooban 10 ruux oo ay ku jiraan Hooyadiis iyo adeerkiis, oo la daala dhacaya xanuun sariirta saaray, waxa uu sidoo kale ahaa dhaqtar ka shaqeeynayey Isbitaalka Madiino, Xilli uu marayey isgooyska Zoobe, kana soo baxay Shaqadiisa islamarkaana kusii jeeday hoygiisa ayuu ku dhintay Xasuuq 14ka Okoobar ka dhacay.

Cabdullaahi Cali Faarax oo Marxuum Xuseen ay ilmo adeer yihiin ayaa inala wadaagay saameynta Qoyskaasi uu ku reebay geeridai Alle ha u naxariistee Xuseen Axmed Guuleed, isagoo sheegay in dadka aad uu u saameyey ay kamid yihiin hooyadiis iyo adeerkiis oo xaaladooda uu si gaar ah uu ula socday, hadana ay sariir la saaran yihiin xanuuno kala duwan.

6- Najmo Cumar Xasan Samatar waxay aheyd hooyo 24 sano jir heysatay 3 caruur oo aabahood ay kala tageen, waxay ku dhalatay Gobolka Gedo halkaasi oo dhowaan ay ka timid, si mutadawacnimo ah ayey ugu shaqeeneysay Ururka Haweenka Qaranka Soomaaliyeed.

C/naasir Maxamuud Maxamed oo Najmo ay ilma adeer yihiin, ayaa wakaaladda Qaranka Soomaaliyeed ee SONNA u sheegay in ay aheyd qof naxariis badan, waxay u shaqeyn jirtay caruurteeda iyo qoyskeeda oo noloshooda ay ku tiirsaneyd, isagoo xusay inaysan jirin qof buuxin karta kaalinta ay ka baxday, saameynta ugu weyne ee reerka uu dareemayana ay tahay garabkii ay waayeen.

7-Ibraahim Axmed Cilmi oo ku magac dheeraa (Badal), waxa uu ahaa 40 sano jir ku dhashay Gobolka Galgaduud, kana  shaqeyn jiray iibinta gawaarida yar yar, waxaa uu ahaa Xaasle heysta 8 caruur ah oo 5 kamid ah ay Wiilal yihiin, isagoo ka yimid goobtiisa shaqada kuna sii jeeday hooygiisa oo ku yaala deegaanka Ceelasha biyaha ayuu ku dhintay qaraxii ka dhacay isgooyska Zoobe ee Magaaladda Muqdisho.

Xaaskiisa oo lagu magacaabo Sacdiyo Axmed, ayaa inoo sheegtay inaysan jirin qof hadda reerka u dhaq dhaqaaqa, maadaama Marxuum Ibraahim uu ahaa Alle maahee qofka kaliya ee wax ka sugaan, haddana ay darreeymayaan darruufo kala duwan oo dhanka nolosha ah.

8-Liibaan Maxamed, waa 32 sano jir Xamaalato ahaa waxuu lahaa xaas oo ay u heysay 9 caruur ah, waxay ahaayeen qoys iska dan yar ah, marxuumka ayaana u shaqeyn jiray, isaga iyo Nuur C/qaadir Abuukar oo isna aan wax shaqo ah heyn, da’diisuna lagu qiyaasay 45 oo wada socda ayaa waxay kamid noqdeen dadkii Maleeshiyada Nabad diidka ah ay ku laayeen Isgooyska Zoobe.

Axmed Abuukar Axmed oo asxaab dhow ay ahaayeen Liibaan iyo Nuur alle ha u wada naxariistee, ayaa SONNA u sheegay in geerada labadaasi marxuum ay ka  dhalatay saameyn xooggan, isagoo xusay in ay ka tageen qoysas aad u dan yar ah, aana heysan qof u shaqeeya.

9-Maxamed Cabduqaadir Qaareey,  Degmadda dharkiinleey ee Gobolka Banaadir ayuu ku dhashay sanadkii 1987, waxuu ahaa sama fale ka shaqeeya arrimaha gargaarka, isagoo ka shaqeynayey Ururka la yiraahdo Somali Blood oo ka shaqeeya tabarucaada dhanka dhiigga Bini-aadamka, waxa uu ahaa curadka qoykiisa iyo qofka kaliya ee qoyskaas ka tirsan ee dhammeeyey Waxbarashada heer Jaamacaddeed.

“Sama fale si weyn bulshada ay u taqaan ayuu ahaa, waxuu howlo gargaar u tagay qaar kamid ah Gobolada Dalka, Saameyn xanuun badan ayey nagu reebtay geeridiisa, qof curad ah oo wax bartay oo aabe uu ku tashanayey ayuu ahaa, waad darreemi kartaa xanuunkaas, aabe xittaa hadda wuu miir daboolmay, kama sheekeen karo”  sidaasi waxaa SONNA u sheegtay Qadra  Cabduqaadir Qaareey oo aan la hadlay.

10- Maryan Cabdullaahi Xuseen, waxay aheyd ardayad dhammeysay waxbarashada Jaamacadda heerka Koowaad, waxay isku diyaarineysay Qalinjabinteeda, balse ma suurta gelin, iyaddoo ka addeeganeysa carwo aan ka fogeyn Isgooyska Km5 Ex Zoobe, halkaasi oo ay ku dhimatay, kadib markii uu haleelay Qaraxii 14ka Oktoobar ee Muqdisho.

“Qoyskeyga aad ayuu uga naxay geerida walaasheey, gaar ahaan aabbaheen oo ka soo safray London, si uu uga qeybgalo qalinjabinteeda, balse xaqiiqda waxay noqotay inuu ka qeybgao aaskeeda”Anfac Cabdullaahi Xuseen oo marxuumada la dhalatay ayaa siddaasi nagu tiri.

Qeybta Xigta Berrito iyo halkan Insh-allah kala soco(Xasuus QARAN) 

SONNA NEWS.

LEAVE A REPLY