Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Wasiirka arrimaha dibadda oo qaabilay safiirka Ingiriiska
    July 14, 2025
    Wasiirka Warfaafinta iyo Danjiraha Shiinaha oo ka Wadahadley Xoojinta Dhaqanka iyo Warbaahinta
    July 14, 2025
    Ra’iisul Wasaaraha XFS oo xafiikiisa ku qaabilay Danjiraha Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya
    July 14, 2025
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐢𝐢 𝟐𝟓-𝐚𝐚𝐝 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐬𝐡𝐚 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐆𝐞𝐞𝐬𝐤𝐚 𝐀𝐟𝐭𝐢𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐅𝐮𝐫𝐦𝐚𝐲 Dalka Kenya
    July 14, 2025
    Hay’adda NISA oo howlgal qorsheysan ku dishay xubno ka tirsan Khawaarijta
    July 14, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Hay’adda Qaxootiga Dunida oo walaac ka muujisay joojinta Giriigga ee codsiyada magangalyo doonka
    July 11, 2025
    Baadigoobka dad lagu la’yahay daadadkii Texas oo weli socda
    July 6, 2025
    Donald Trump oo riixaya xabbad-joojin cusub oo laga hirgaliyo Gaza
    July 4, 2025
    Turkiga oo qorsheynaya in la ballaariyo nidaamka hubka difaaca ee dallkiisa
    June 27, 2025
    Kulan la doonayo in lagu qaboojiyo xiisadda Israel iyo Iran oo ka dhacaya Geneva
    June 20, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Cabdulqaadir Ikrama oo Madaxiisa saran tahay $5 Milyan
    July 14, 2025
    Sidee buu iskaashiga BRICS u qaabeynayaa Mustaqbalka Afrika? (WARBIXIN)
    July 12, 2025
    Jacaylka Af Soomaaliga iyo Ardayda Shiinaha
    July 2, 2025
    Xuska 27-ka June ee Maalinta Xoriyadda Jabuuti
    June 27, 2025
    26-ka juun “Curashadii Maandeeq”
    June 26, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Ra’iisul wasaare Xamse oo furay kulan ciyaareedka xidigaha halyeeyada Soomaaliya iyo Afrika.
    May 27, 2025
    Wasiirka duulista hawada oo qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay
    May 27, 2025
    Muqdisho oo berri martigelineysa ciyaaryahanno caalami ah
    May 26, 2025
    Muqdisho oo isu diyaarinaysa soo dhoweynta wafdi sare oo ka socda FIFA iyo CAF
    May 20, 2025
    Degmada Heliwaa oo 14 dhibcood kaga badisay degmada Laascaanood
    March 1, 2025
Reading: Xuska Maalinta Ciidamada Boliiska ee 20-ka Disember
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Xuska Maalinta Ciidamada Boliiska ee 20-ka Disember
GudahaMaqaallada

Xuska Maalinta Ciidamada Boliiska ee 20-ka Disember

By Kulane
Last updated: January 7, 2023
5 Min Read
Share

20-ka disember ,waa astaan ka mid ah maalmaha qaran ee loo dabbaaldego xusuusta dhaxalgalka ah ee umadda,gaar ahaan aasaaska ciidamada Boliiska oo ka mid ah qeybaha ciidamada ee xilka iska saaray difaaca dadka iyo dalka,isla markaana door wax ku oolka ah ka soo qaatay dhalinta miraha xoriyadda ee aan harsaneyno.

Sanadkii 1943-diii ayeey aheyd markii la unkay dhismaha ciidan Boliis ah oo xilligaasi loo arkaayey in uu yahay midka ugu faca weyn ,isla markaana lagama maarmaan u ah aasaaska dowlad Soomaaliyeed oo ka mid noqota beesha caalamka.

Inkastoo aasaaska iyo dhismaha ciidamada la bilaabay xilligaasi,haddana waxaa jiray ciidamo Soomaaliyeed oo soo shaqeeyay xoriyadda ka hor,gaar ahaan waqtiyadii ay jireen maamuladii gumeysiga Ingiriiska iyo Talyaaniga ee kala qeybsaday geyigga.

Xilligii gumeysiga

Laga soo bilaabo sanadkii 1910-40-kii gumeysigii Ingiriiska waxa uu aasaasay  ciidamo Somaaliyeed,ka dib markii uu qabsaday gobolada Woqooyi ee Soomaaliya,ciidamadaasina waxa ay la howlgaleen askartii Ingiriiska ee xilligaasi joogay dalalka Kenya,Tansaniya,Yemen iyo dalal kale,iyagoo soo qabtay shaqooyin ay ka mid yihiin sugidda amniga magaalooyinka,ilaalinta xeebaha iyo xallinta dagaalada ka dhaca dhulka  baadiyaha ah ee ay sababaan beelaha.

Dhanka kale Talyanaaniga oo gumeystay bartamahaha iyo koonfurta Soomaaliya waxa uu sanadihii u dhexeeyay 1909-1940-kii, aasaasay ciidamo Soomaali ah,kuwaas oo ka mid noqday ciidamo gaaraya dhowr iyo labaatan kun oo joogay gudaha dalka,sanadkii 1936-diina ciidankii Soomaalida waxay ka qeybaleen dagaalkii isballaarinta ee Talyaanigu ku qaaday dalka Itoobiya.

Inkastoo ciidamo ka socday gobolada woqooyi iyo koonfur ay ka qeybgaleen dagaalkii 2-aad.,haddana waxaa aasaaska ciidamada Boliiska lagu guuleystay sanadkii 1943-dii waqtigaasi oo labada gobo ee woqooyi iyo konfur uu gacanta ku hayeen maamulkii Ingiriiska.

Mudadii Xoriyad gaarsiinta

 Sanadkii 1950-kii waxaa mar kale gobolada koonfurta Soomaaliya ka bilowday dib u dhiska ciidamada,kadib kolkii Qaramada Midoobay ay ogolaatay in Talyaanigu uu muddo 10 sano oo xorriyad gaarsiin ah uu maamulo gobolada koonfureed, si dadka Soomaliyeed looga caawiyo barashada maaulka dowladnimo,halka gobolada woqooyi maamulkooda uu baaqi ku sii ahaa dowladdi Ingiriiska.

Xilligii Xoriyadda (1960)

Xoreyntii gobolada koonfureed iyo israaca laba gobol ee woqooyi iyo koonfur,waxaa la sameeyay ciidamo isku dhaf ah oo ka kooban 3700-askari,isla markaana leh qalab iyo tababar casri ah oo la mid ah kuwa caalamka ee dunida,waxaana lagu kordhiyay kun askari oo Daraawiish ah,iyadoo xlligaasi taliyaha ciidanka Boliiska loo magacaabay Geeneral Maxamed Abshir Muuse Haamaan.

Waxqabadka Ciidanka Boliiska

 Ciidamada Boliiska waa hey’adda ugu sareysa ee fulinta sharciga madaniga ah,sidaa aawadeed,waxay xubin firfircoon iyo xiriir shaqo oo dhab ah la wadaagaan ururka caalamiga ah ee boliiska adduunka (Interpool).

Waajibaadka qaran ee ay u hayaan umadda waa mid cad oo ku qoran dastuurka dalka,sidaa daraadeed,waxaa howlahooda ka mid ah 1-la dagaallanka dambiyada .2-la-dagaallanka argagixisada .3-difaaca dalka.4-Sugidda amniga Gudaha dalka iyo 5- Ilaalinta sharciga dalka.

 Waxaa marag ma doonto ah in ciidamada Boliiska Soomaaliyeed ay yihiin kuwo geesiyaal ah oo lagu faano,isla markaaana guulo ka soo hooyey dagaaladii dhacay sanadihii 1964-tii iyo 1977-dii,ee lagu raadinaayey dhulalkii ku maqnaa gacanta gumeysigii shisheeye.

Inkastoo bur-burkii ka dhacay dalka 1991-kii ee ay horseedka ka ahaayeen qaar ka mid ah hoggaamiyiyaasha Soomaalida uu saameyn ku yeeshay ciidamada ,haddana laga soo bilaabo  sanadihii 2000-2004tii, waxaa lagu guuleystay in dib loo uruuriyo ciidamada, isla markaana la howlgaliyo qeybihii iyo talisyadii uu ka koobnaa ,iyadoo lagu kordhiyay  dhallinyaro  cusub oo dhiirigeliyay soo celinta amniga iyo kala dambeynta.

Haddaba,20-ka Disember waa munaasabad qiimo leh oo ka tarjumeysa aasaaska ciidamada Boliiska oo ah hooyada ugu faca weyn ee ciidamada dalka,waxaana shacbiga Soomaaliyeed xilligaan ka muuqda sida ay ugu qanacsan yihiin qaabka ay u socdaan howlaha ciidamada iyo dadaalada kale ee ay kaga qeybgalayan horumarka dalka.

Boolisku waa cududda labaad ee ay ku faanaan bulshada,waxayna dadaal ugu jiraan soo celinta amniga,sidaa daraadeed waxa ay u baahan yihiin in loo howlgalo sidii loo tayeyn lahaa, isla markaana loogu heli lahaa agab ama qalab ciidan oo ay ku hawl galaan iyo in la siiyo tababarro sare loogu qaadayo xirfaddoda shaqo si mustaqbalka dhow ay u hantaan ammaanka guud ee dalka.

Ciidamada Boliiska waa wehelka Shacabka siddaa daraadeed,waxaa haboon in shacbiga Soomaaliyeed ay ciidamada kala shaqeeyaan soo celinta xasiloonida dalka iyo raadinta nidaam guud oo horseeda kala dambeyn.

Ugu dambeyntii saraakiisha,saraakiil xigeenada,alifleyda ,dableyda iyo guud ahaan xaasaska ciidamada Boliiska meel kasta oo ay joogaan waxaan u rajeyneynaa  in sanadkaan kiisa kale ay ku gaaraan horumar iyo barwaaqo.

Xuquuqda SONNA

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Wasiirka arrimaha dibadda oo qaabilay safiirka Ingiriiska

Muqdisho (SONNA): Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam…

July 14, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Guddoomiyaha SoDMA oo dalka Kuwait kaga qeyb-galay shirka madal-goboleedka Carabta

Kuwait city-(SONNA)-Guddoomiyaha hay’adda maareynta musiibooyinka Md. Maxamuud Macallin Cabdulle oo hoggaaminaya waftiga dowladda Soomaaliya ee dalka Kuwait kaga qeyb-galay meertada…

GudahaWararka
February 12, 2025

Xoghayaha guud ee golaha shacabka oo ka qaybgalay shirka xoghayaasha Baarlamaanka adduunka

Geneva (SONNA):  Xoghayaha guud ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdulle Jaabiri oo uu wehliyo xoghaye…

GudahaWararka
October 15, 2024

Ciidamada Mareykanka oo weerar xagga cirka ah ku  dilay maleeshiyaad ka tirsan khawaarijta

Ciidamada Mareykanka ayaa duqeyn xagga cirka ah ku dilay Shan maleeshiyaad ah oo looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin…

Gudaha
February 17, 2023

Guddoomiyaha hay’adda maareynta musiiboyinka oo qaabilay wafdi sare oo ka socda Save the childeren

Muqdisho (SONNA): Guddoomiyaha hay'adda Qaran ee maareynta musiiboyinka mudane Maxamuud Macalim Cabdulle ayaa maanta xarunta dhexe ee hay'adda ku qaabilay…

GudahaWararka
August 1, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023