Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Ra’iisulwasaaraha XFS oo kulan la qaatay qaar ka mid ah haweenka Soomaaliyeed
    October 30, 2025
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka mahadceliyay kaalintii Jamhuuriyadda Jabuuti ee geeddi-socodka nabadda Soomaaliya
    October 30, 2025
    Guddiga howlaha xasilinta oo maanta shirkii bilaha ahaa ku yeeshay xarunta Haya’adda SODMA
    October 30, 2025
    Madaxweyne Xasan Sheekh iyo dhiggiisa dalka Jabuuti oo si wadajir ah xarigga uga jaray dhismaha Taaladda Nabadda
    October 30, 2025
    Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo booqday xarunta Guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka
    October 30, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Xamaas oo heshay dammaanad-qaad iyo Israel oo ogolaatay xabbad joojinta Gaza
    October 10, 2025
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgaly furitaanka meertada 80-aad ee golaha guud ee Qaramada Midoobay
    September 23, 2025
    Illaa kun ruux oo ku dhintay dhul go’ ay sababeen roobab ka da’ay Sudan
    September 2, 2025
    Dhulgariir geystay khasaarooyin kala duwan oo ka dhacay Afganistan
    September 1, 2025
    Madaxda Ruushka & W/Kuuriya oo todobad kadib ku wajahan Shiinaha
    August 28, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Dib-u-kabasho iyo tubta horumarka
    October 21, 2025
    Tiigsigii wuu taabbo-galayaa
    October 20, 2025
    Xuska 14-ka Oktoobar ee Qaraxii Soobbe
    October 14, 2025
    Xuska 12-ka Oktoobar ee Maalinta Calanka Soomaaliya
    October 12, 2025
    Wax ka ogoow Taariikhda Farsamo yaqaankii ugu horreeyay ee Raadiyo Muqdisho (SAWIRRO)
    September 24, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
    Safaaradda Soomaaliya ee kenya oo Hamblayo u dirtay Kooxda Dekadaha oo guul usoo hooyay Dalkeena
    September 28, 2025
    Dekedaha oo muujisay awood, kadib markii ay guul ka gaartay Al-Zamala
    September 21, 2025
    Kooxda Dekedaha soomaaliya oo Nairobi kula ciyaaraysa Al Zamala Sports Club
    September 20, 2025
    Maareeyaha Dekadda Muqdisho oo Sagootin u Sameeyay Kooxda Dekedaha
    September 15, 2025
Reading: Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka mahadceliyay kaalintii Jamhuuriyadda Jabuuti ee geeddi-socodka nabadda Soomaaliya
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka mahadceliyay kaalintii Jamhuuriyadda Jabuuti ee geeddi-socodka nabadda Soomaaliya
GudahaWararka

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka mahadceliyay kaalintii Jamhuuriyadda Jabuuti ee geeddi-socodka nabadda Soomaaliya

By Axmed
Last updated: October 30, 2025
3 Min Read
Share

Carta(SONNA):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad ka jeediyey Munaasabadda Xuska 25-guurada Shirweynihii Nabadaynta Soomaaliyeed ee Carta ayaa xusay doorkii taariikhiga ahaa ee dowladda iyo shacabka Jabuuti ay ka qaateen nabadaynta iyo dib u dhiska dowladnimada.

Madaxweyne Xasan oo dib u milicsanaya xasuustiisa shirkii nabadda ee Carta ayaa tilmaamay in Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle iyo shacabka Jabuuti aysan ku ekaan oo keliya hindisihii iyo martigelinta shirkii Carta ee ay garab istaageen walaalahooda Soomaaliyeed oo ay u hureen dhiigooda, gaar ahaan Ciidamada geesiyaasha ah ee Hiil Walaal.

“Nasiib wanaag, si fiican ayaan u xusuustaa maadaama aan ka mid ahaa dadkii ka soo qaybgalay shirkii Carta, sida walaalkey Madaxweyne Ismaaciil uu u muujiyey adkaysi iyo dulqaad markasta oo ay xaaladdu adkaato, isaga oo ay u dheereyd in uu dunida u sheego in Soomaaliya ay dib u heshay dowladnimadeedii, Erayadaas oo noqday kuwa can baxay oo abuuray rajo cusub iyo guusha aan maanta heysanno.”

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in dalkeenna uu dagaal adag kula jiro Daacish iyo Al-shabaab oo ah labo urur oo argagixiso Caalami ah, isaga oo sheegay in dowladda iyo shacabka Sooaamliyeed ay ka go’an tahay in dalka laga ciribtiro Khawaarijta, taas oo ay barbar socoto horumarinta dowlad dhiska, dajinta iyo hirgelinta hannaan dimuquraadiyadeed, hay’ado dowladeed oo sal adag leh iyo xoojinta iskaashiga Gobolka Geeska afrika.

“Magaalada Carta waa xarunta aasaaska, dhisidda iyo dhaqangelinta Jamhuuriyadda 3-aad ee Soomaaliya, Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay sameeysay horumar weyn muddadii ay jirtay, waxayna ku jirtaa halgan adag oo ay ku xaqiijinayso ballantii la qaaday ee ahayd in dastuurka kumeel-gaar ka ah laga baxo oo dadka soomaaliyeed la gaarsiiyo doorasho Qof iyo Cod ah, dadaalladaas oo ah kuwa marxalado kala duwan soo maray.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo maamuusaya halyeeyadii soomaaliyeed ee dadaalka geliyey in ay Soomaaliya dib u hesho dowladnimadeeda ayaa adkeeyey ahmiyadda ay leedahay siyaasad degan oo wadar oggol ah, si loo gaaro hay’ado dowliya oo dhisan, awood buuxdana u leh in ay si joogta ah u gutaan waajibaadka.

Dhankiisa, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle oo soo dhoweeyey madaxda iyo martida ka soo qayb gashay xuska ayaa sheegay in dalkiisu uu mar walba garab taagan yahay shacabka Soomaaliyeed, isla markaana Jabuuti ay mar walba dooneyso in ay sii waddo kaalinta ay ku leedahay nabadda iyo horumarka Soomaaliya.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Ra’iisulwasaaraha XFS oo kulan la qaatay qaar ka mid ah haweenka Soomaaliyeed

Muqdisho(SONNA):- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa kulan la qaatay…

October 30, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Wasaaradda Waxbarashada XFS oo Soo bandhigtay waxqabadkii ugu waaweynaa ee ay hirgelisay sannadkii 2024

Muqdisho, (SONNA): Wasaaradda Waxbarashada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo bandhigtay waxqabadkii ugu waaweynaa ee ay ka hirgelisay sannadkii 2024,…

GudahaWararka
January 3, 2025

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo kormeeray xarunta lagu diyaarinayo Qorshaha Isbeddelka Qaranka

Muqdisho(SONNA):-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa kormeer shaqo ku tagey xarunta diyaarinta Qorshaha Isbeddelka Qaranka (NTP…

GudahaWararka
October 30, 2024

Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee dalka oo ka qayb galay shir muhiim ah oo ka dhacay Yugaandha

Kampala-(SONNA)-Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee dalka Garyaqaan Baashe Yuusuf Axmed ayaa magaaladda Kampala ee dalka Yugaandha uga qeyb galay shirka guddoomiyeyaasha…

GudahaWararka
March 6, 2024

Maxkamadda gobolka Banaadir oo maanta dhagaysanaysa dacwad ka dhan ah eedeysanayaal loo haysto musuq-maasuq

Muqdisho-(SONNA)-Maxkamada gobolka Banaadir ayaa maanta u fadhida dhageysiga dacwad loo heysto eedeysanayaal maqanayaal ah oo ka tirsanaa Hey'adda Socdaalka iyo…

GudahaWararka
February 7, 2024

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023