In ka badan 10 qof oo ku dhimatay shil gaari oo ka dhacay Masar

La wadaag cid kale

Masar.(SONNA):- Guddoomiyaha gobalka Asyuud ee dalka Masar Cisaam Sacad ayaa sheegay in dadka ku dhintay shil gaari oo ka dhacay gobalkaas ay gaarayaan 20 qof.

Guddoomiyaha ayaa intaas ku daray inay 3 qof oo kale ku dhaawacmeeen shilka.

Gaariga shilka galay oo ah bas ayaa ka yimid magaalada Qaahira, wuxuuna kusii jeeday gobalada koofureed ee dalka Masar.

Dadkii  dhaawacamay ayaa loo qaaday isbitaal si loo daweeyo, halka sidoo kale maydadkii laga qaaday goobta shilku ka dhacay.

La wadaag cid kale